Reer Aw Jamaal
BEESHA REER AW JAMAAL MUNSHAR FAQI CUMAR
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Beesha Reer Aw Jamaal Munshar Faqi Cumar waa beel Soomaaliyeed oo ka mid ah beelaha dega koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Banaadir, Shabeellaha Hoose, Bay, Bakool, iyo Gedo.
- Luqadda: Af-Soomaali (Maay iyo Maxaa tiri), Af-Carabi
- Diinta: Islaam, Sunni
HORDHAC
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Soomaalida abtirka hal oday ayaa lagu xirtaa kaasaana noqonaayo nisbada, JAMAALna waa odayga ay ku xiratay ama ay ku abtirsato Beesha Reer Aw Jamaal. Jamaal Xaaji Sadiiq Munshar Faqi Cumar waxaa loo qiraa bulshada dhexdeeda inuu ahaa shaqsi caalim/wadaad diineed ah. Deegaan ahaanna uu daganaa Tuulo la dhaho Aaw Jiroow oo hoos timaada degmada Afgooye. Jamaal Xaaji Sadiiq Munshar Faqi Cumar wuxuu ku duugan yahay xaafadda Sheekh Aaw Jiroow agagaarka Cumar Beere ee degmada Afgooye, waxyna bulshada deegaankaas magaciisa ku amaanaan shiribka ay dhaqan ahaan u shirbaan.
Reer Aw Jamaal waa qayb ka mid ah Bulshada Soomaalida beera dhaqato ah, xadaarad iyo ilbaxnimo leh. Gancasi iyo guurkana ay is weydaarsadaan bulshada inteeda kale qaasatan inta ay isku dhaqan dhowiyiihn. Dhaqan, caado iyo luqad/lahjad ay la wadaagaan bulshada kale ee ku dhaqan tuulooyin badan kana tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose. Diintana ay wadaagaan dhammaan umadda Soomaaliyeed waxyna fure u ahaayeen fidinta diinta islaamka ee deegaano badan ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Reer Aw Jamaal, waa beel ka mida ah beelaha Soomaalida oo ku dhaqan ama inta ugu badan ay dagaan Afgooye, Mubaarak, Muqdisho, Baar-Dheere, Baay iyo Bakool. Waana beel nabadeed oo Beera dhaqata ah (Beeraleey). Reer Aw Jamaal waa beel wayn oo xadaarad leh oo caan ku ah dhulka Soomaaliyeed oo dhan qaasatan Gobolka Benaadir, Gobolka Shabeelaha Hoose, Gobolka Baay iyo Bakool, iyo Gedo.
SHAXDA BEESHA REER AW JAMAAL
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Beeshaan reer Aw Jamaal Reeraha ay u kala baxaan:
Qoys Hoosaadyada (Abtirsiin)
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Beesha Reer Aw Jamaal waxay u kala baxdaa saddex laamood oo waaweyn:
- Reer Baraare Xaaji Axmed
* Reer Sheekh Axmed Dhuuboow * Reer Abuukar * Reer Sheekh Muxidiin * Reer Sheekh Maaxi
- Reer Ibraahim Xaaji Axmed
* Reer Xasan Xaaji * Reer Cabdulle * Reer Axmed * Reer Cali
- Reer Cismaan Xaaji Axmed
* Reer Xasan * Reer Abiikar Xaaji Xasan * Reer Axmed Xaaji Xasan * Reer Xuseen * Reer Abiikar Xaaji Xuseen * Reer Maxamed Xaaji Xuseen * Reer Cabdullaahi Xaaji Xuseen * Reer Axmed Xaaji Xuseen
SHAQSIYAADKII SAAMEYNTA KU LAHAA BULSHADA IYO DEEGANKA
[wax ka badal | wax ka badal xogta]1. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Sheekh Maaxi (Sheekh Axmed Al-Maaxi) Wuxuu ku dhashay deegaanka Mubarak, Degmada Aw-Dheegle, sanadkii 1359 H (1940 M). Wuxuu kasoo jeedaa qoys culumo ah. Jaamacadda Ummul Quraa (Makkah) ayuu kasoo qaatay Master (1981) iyo PhD (1990). Wuxuu bare ka noqday Machadka Daarul Xadiith Al-Kheyriyah ilaa 2019. Wuxuu ahaa ardaygii Sheekh Ibnu Baaz. Wuxuu geeriyooday 18/11/2023, waxaana lagu aasay Qubuuraha Maclaah ee Makkah.
2. Suufi Cumar Maxamed Xaaji Xuseen Wuxuu ahaa Qunsulkii ugu horreyey ee UK & Talyaaniga (1961–1965), Safiirkii Soomaaliya ee Jarmalka (1967), Wasiirka Maaliyadda xilligii Maxamed Ibrahim Cigaal, waxbarashadiisuna waxay ahayd Washington (1959).
3. Shamcuun Xuseen Maxamed Xaaji Xuseen Agaasimihii guud ee Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan qaybta canshuuraha muddo ka badan 30 sano.
4. Maxamed Xuseen Maxamed, Maaxi Xasan Abiikar (Macalin Abiikar), Abiikar Xuseen Maxamed, Axmed Mayow Abdulle Waxay kasoo shaqeeyeen Bangiyada: Banca Di Roma, Napoli, iyo Bankiga Ganacsiga iyo Kaydka Soomaaliyeed.
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Virginia Luling (2002). Somali Sultanate: The Geledi City-State Over 150 Years. London: HAAN Publishing.
- Mohammed Abdulhamid Osman (2025). Reer Aw Jamaal. Muqdisho: Al-Maaxi Publications.