Jump to content

Bidix iyo Midig

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Reer Geedoow (Gedow people))

Bidix iyo Midig waxaa la isku yiraahdaa beelaha walaalaha ah ee Reer Geedoow iyo Calimaad. Waa magac taariikhi ah, oo baxay qarniyaal ka hor, loona yaqaano labadaas beelood ee walaalaha isku dhiiga ah, isku deegaankana ah. Waxa ay isla degaan gobolka Qallaafe, gaar ahaan deegaan weynaha Burcadde. Waa beelaha ugu tunka weyn ee dega magaalada Qallaafe oo hore loo yaqiinay magaalada Burcadde.