Reer Muuse
| Reer Muuse رير موسي (Af-Carabi) Moses people (Af-Ingiriisi) | |
|---|---|
| Reer Muuse – beel-hoosaad katirsan Reer Geedoow | |
| Qowmiyad | |
| Meelaha ay dagaan | |
| Kasoo farcmey | Muuse Gabiible Aaroow Geedoow (Reer Geedoow) |
| Qabiilka waalidka | Reer Geedoow |
| Laamaha | ☆ Xuunshoow
☆ Abtoow
|
| Luuqada | |
| Diinta | |
Reer Muuse waa beel-hoosaad katirsan beesha Reer Geedoow ee beelaha Reer Shabeelle ee dadka Soomaalida. Kuwaasoo degan DDS gaar ahaan gobolka Qallaafe iyo deegaanada kale ee Soomaaliweyn.
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Reer Muuse waa lafta ugu taariikhda dheer ee Reer Geedoow. Waxa ay caan ku yihiin geesinimada, ad-adeyga iyo hoggaaminta bulshada. Qarnigii 17-aad iyo 19-aad, waxay kaalin muhiim ah ka qaateen dhismaha iyo difaaca saldanado iyo ilbaxnimooyin ka hana qaaday hareeraha webiga Shabeelle, gaar ahaan gobolka Qallaafe.
Reer Muuse waxa ay ahaayeen dad si weyn ugu caan baxay beeraha, xoolo-dhaqashada iyo ganacsiga. Waxa ay xiriir ganacsi la lahaayeen deegaannada u dhow ee gudaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Reer Muuse waxa kale oo lagu xusuustaa in ay ahaayeen lafdhabarta hoggaaminta beesha Reer Geedoow, iyagoo soo saaray culumo, nabaddoonno,) iyo madax dhaqameedyo caan noqday, kuwaas oo magac iyo maamuus weyn ku yeeshay gudaha iyo dibadda gobolka Qallaafe.
Ugaasyada soo maray
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Reer Muuse waa beel-hoosaadka iska leh ugaaska guud ee beesha Reer Geedoow. Waa dhaxal, waxaana iska leh jilibka Reer Xuunshoow. Waxa ay kala yihiin ugaasyada soo maray:
1. Ugaas Cabdi-Kuuye Maxamuud Xidig.
2. Ugaas Sahal Ugaas Cabdi-Kuuye Maxamuud Xidig.
3. Ugaas Maxamed Ugaas Sahal Ugaas Cabdi-Kuuye Maxamuud Xidig. Ugaaska hadda.
Deegaanada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Reer Muuse waxay ku badan yihiin gobolka Qallaafe iyo hareeraha webiga Shabeelle. Deegaanada ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
- Kurtumaaleey — xarunta ugu weyn ee Reer Muuse
- Maroodiley (Dabeyl-Yaaboow)
Sidoo kale eeg
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Xigashooyin
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Wareysiyo lala yeeshay taariikhyahannada Reer Muuse (2022).
- Xog afka ah oo laga ururiyey odayaasha iyo culimada Reer Muuse ee magaalada Qallaafe.