Reer kuulbeer
Beesha Kuulbeer (Kuulbayr)
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Beesha KULBEER waaxa ay galaan Madhibaan oo ay ka yihiin 8da maxamed ee Madhibaan. Abtirsiintooda aabbannimo waxay u socotaa sidan:
Kuulbayr → Maxamed "Sheikh Madhibe" → Maxamed → Gorgaate → Hawiye .
Taariikh iyo Bulsho
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Kuulbayr waa mid ka mid ah qabaailka ugu adag uguna habaysan ee Madhibaan. haddana waxay u dhaqmaan sida beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed, iyagoo leh nidaam beeleed u gaar ah, tuulooyin iyo qaab hoggaan gudaha ah.
Beesha Kuulbayr waxay leeyihiin “sumad” xoolaha lagu garto, gaar ahaan geelka, taas oo ka kooban laba goobo oo qoorta geelka lagu calaamadeeyo. Sumaddani waxay astaan u tahay midnimo iyo aqoonsi.
Inkasta oo ay jiraan xasarado gudaha ah oo soo jireen ah, haddana beesha Kuulbayr waxay caan ku tahay midnimo iyo is-garabsi marka ay la kulmaan colaad dibadeed. Dhaqankoodu wuxuu ku dhisan yahay kibir iyo sharaf: ma sahlana inay aqbalaan diya (mag), balse inta badan waxay u doortaan inay dhiigga lagu daadiyo dhiig kale. Tani waxay u tahay muujin madax-bannaani iyo sharaf.
Dhaqaale ahaan, Kuulbayr waa beel aad u isku filan. Iyagoo ka duwan beelo badan oo Soomaaliyeed oo ku tiirsan lacagaha qurbojoogta, Kuulbayr waxay noloshooda ku maareeyaan ganacsiyo gudaha ah. Waxay leeyihiin goobo baabuur lagu hagaajiyo, dukaamo elektaroonik ah, iyo hantida maguurtada ah oo ku kala yaal Puntland iyo Muqdisho. Sidaas darteed, waxay si weyn uga dhex muuqdaan dhaqaalaha magaalooyinka.
Xiriirka iyo Isdhexgalka Beelaha Kale
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Markii dowladdii Soomaaliya burburtay 1991, Kuulbayr waxay galeen dagaallo culus oo dhex maray iyaga iyo beesha Habar Gidir. Colaaddu waxay gaartay heer la dilay oday dhaqameed ka tirsanaa Farax Kuulbayr gacanta Sacad (Habar Gidir). Beesha Duduble (Hiraab) ayaa isku dayday inay dhex-dhexaadiso, taasoo keentay in qaar badan oo Kuulbayr ahi si ku-meelgaar ah isu dhexgalaan Duduble si loo yareeyo dhiigga daadanaya..
Deegaan ahaan beesha REER KULBEER waxaa ay dagaan gobollo kala duwan waxaa ay aasaas dagaan xero jaale sidoo kale waxaa ay dagaan xarardheere- maamul ahaan waxa ay ku jiraan dowlada somalia, Galmudug iyo Puntland.
Colaadaha Gudaha iyo Is-dhexgalka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxaa ay beesha ku caan tahay dagaallo gudaha ah oo soo jiitamayay tobannaan sano, gaar ahaan deegaanka Xero Jaale. Inkastoo dowladda Puntland ay isku dayday inay dhexgasho oo xalliso, hadana ay wadaan xiriirki walaaltinimo, waxyaalaha reer kulbeer ay hormarinayso ayaa ah in ay soo saaraan dhalinyaro dalka u shaqeeya oo wax bartay si looga gudbo caqliga ahaa in odayaasha loo tiigsado go,aamada iyo wax soo saarka reerka.
Meelaha ay Degaan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Beesha Reer Kulbeer Waa beel way waxa ay dagaana dhamaan gayiga Somalia iyo Caalamka, Meelaha ay sida gaarka ah ugu xoogan yihiin waa Gobolka Mudug oo ay ka daganyihiin labada maamul-magaalooyinka ay aadka ugu badan yihiin deegaan ahaan waxaa kamida Galkacyo, Bacaadwayn, Goldogob, Bursalax, Xerajaale iyo dhamaan degsiimooyinka hoos yimaada, Burtinle, Garowe, Qardho, Bosaso. galmudug waxaa ay ka dagaan Xarardheere, Hobyo, DhuusoMareeb, Cadaado, Galkacyo. waxa kale ku xoogan yihiin sidoo kale mudisho iyo somaliland.
Jufooyinka Kuulbeer
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waraabe Kuulbeer'
1: Reer Waraabe: Colow Warabe, Dhicin Warabe, Dheef Warabe
Farax Dheere Kuulbeer
1: Reer Wacays 2: Reer Shiil 3: Reer Soole 4: Reer Gaban 5: Reer Wiil
Yusuf Kuulbeer
1:Reer samatar 2:Reer yoolax 3:Reer diiriye faruur
Shaqsiyaadka Caanka ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan {Goobe} – Sareeye Guud iyo Xildhibaan federalka, ahna Wasiirka Haweenka ee soomalia (Reer Farax Dheere).
- Faiza Ali Ismail – Wasiir ku-xigeenka Beeraha ee Puntland (Reer Farax Dheere).
- Ahmed Sheikh Nuur Salad – Xildhibaan ka tirsan Galmudug.( Reer Yuusuf)
- Sheekh Cali Samatar – Sheekh caan ah (Yusuf kuul ).
- Professor Axmed Sheekh Cali Samatar (Ahmed Taajir)– Ganacsade Soomaaliyeed oo UK ku sugan, co-founder-ka shirkadda Hormuud Telecom. (Reer yuusuf)
Citations:
[wax ka badal | wax ka badal xogta]A Study on the Settlement of Herojaale Reconciliation Process: A Pathway to Sustainable Peace in Mudug Region, Puntland Somalia