Jump to content

Roobab Mahiigaan Ah Oo U horseeday Daadad Aan Hore Loo Arag Koonfurta Barasiil

Ka Wikipedia

Roobab Mahiigaan Ah Oo U horseeday Daadad Aan Hore Loo Arag Koonfurta Barasiil

Laga bilaabo Abriil 28, 2024, roobab mahiigaan ah ayaa hareeyay gobolka Rio Grande do Sul ee koonfurta Barasiil. Roobabkan xooggan ee sii socda ayaa horseeday daadad baahsan. Burbur soo gaaray waddooyinka iyo kaabayaasha kale ayaa ku adkeeyay in dad badan ay cararaan. Waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 2.1 milyan oo qof ay saameeyeen. Hadda, in ka badan 125 qof ayaa la sheegay in la la’yahay ugu yaraan 147 ayaa ku dhintay.