Jump to content

SHEEKHAAL CALI CAFIIF

Ka Wikipedia

Taariikhda Reer Beesha Sheekhaal ee Reer Sheekh Cali Cafiif

Taariikhda Reer Sheekh Cali Cafiif

Uguhoreeyn waxaan salaan Qiima badan hawada umarinayaa dhalinyarada Reer Sheekh Cali Cafiif

Awoowe Sheekh Cali Cafiif  Dib uma soo laabanayo dafiirtiisa ayaa laga rabaa ineey midoobaan Sheekh Cali Cafiif Kale lama Raadinaayo inuu mideeyo anaga ayaa inalaga rabaa inaan Mideeyno .

WAA MAXAY MIDNIMO REER SHEEKH CALI CAFIIF ?

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan Dhashii Awoowgeey Sheekh Cali Cafiif oo dhan meel kasta ay joogaan salaan kadib, wuxuu Maqaalkan kooban ku saabsa]nyahay Midnimada iyo Faaidada ay uleedahay Reer Sh. Cali Cafiif

Waxaan usoo bandhigayaa Dhalinyarada ku jirta Madashan qiimaha badan si ay u gartaan Midnimada ka maqan faa-idooyinka ay leedahay, waxaan filayaa in maqaalkan kaga bogon doontaan Midnimada iyo faaidooyinkeeda iyo markaan weynay waxa inoo beddelay.

Sidookale Maxaa sababay Dhashii sheekh Ineey is garan weeydo ?

1. Waa maxay sababta ay Somalia iyo Ethopia iyo kenya ay ugu baaheen Dhashii Reer Sheekh Cali Cafiif ?

Mahad balaarani waxay u sugnaatay Allah abuuray koonka, taagayna cirka iyo dhulka tiir la’aan nabad galyo iyo naxariisi dushiisa ha ahato Nabigiisa Muxammed.

Intaa kadib run ahaantii ahal uma ihi qoraalka, khibrad iyo waayo aragnoma igu filana uma haysto qoraalada caynkan oo kale ah hase ahaatee waxaa igu kalifay in aan fikradayda daciifka ah iyo aqoontayda yar aan ku biiriyo walaalaha kale ee aanan u dhuun daloolin ama aanan waxba ka garaneeyn taariikhda ama waaqica dhabta ah ee Reer Sheekh Cali Cafiif gaar ahaan dhalinayarada Madashaan qiimaha badan ku jirta .

1. loolanka soo jireenka ah ee ka dhexeeya muslimiinta geeska afrika(Somalia) iyo masiixiyad geeska Africa(Eithopia).

2. Awoowe Sheekh Cali Cafiif oo kamid ahaa Imaamyadij harar  ?

3. Kedib burburkii Imaaradii islaamka Ee harar waxaa ay ku Qasbaanaadeen ineey ka haajiraan Dhashii Sheekha iyo sidookale in ay ku baahaan Dhamaan Geeska Africa. Somalia iyo Ethopia, Jabout IWM .

cid kasta oo cali cafiif kusoo abtirsatay raad raac oo bal soo ogaw dadka ay ku jiraan dhammaan waxay ku dhahayaan reerkan waa reer sh/cali cafiif.

tusaale:

1-jaarso = reer sh/muuse

2-maalinguur= reer sh/dhawayd

3-warra huumo= reer sh/mxd iyo reer sh/muuse.

4-xarle koombe= reer adar sh/muuse.

5-bagadi iyo raxan wayn= reer sh/dhawayd.

6-hawiye wacaysle= reer mcln dhiblaawe.

7-gurre= liibaano oo ah sh/dhawayd.

8- gandarshe= reer sh/muraad.

Sidaa aawadeed waxaan halkan kusoo bandhigi doonaa  Deegaanka Asal ahaan Sheekh Cali Cafiif  uu dagan yahay Somalia iyo Ethiopia iyo Jabouti iyo Keenya . iyo Taariikhda Sheekh heerarkii ay soo martay, run ahaantii mowducani waa mid ahmiyad gooni ah xambaarsan ahna mid aad u balaaran una baahan in lagu bixiyo wakhti dheer iyo mudaalaco, suurtagalna ma aha in lagusoo koobo qormo ama qormooyin ee waa mid u baahan in lagu qoro dawaawiin, Waay weeyn oo ay ka faa’iideeystaan Dhashii Reer sheekh Cali Cafiif ?

Hadaba maadama aysan suurtagal ahayn in lagu soo koobo mowduucan maqaal ama dhowr maqaal, waxaan doorbiday in uu noqdo mid taxana ah si ay uga bogtaan Dhalinayarada sharafta leh ee ku mideeysan madashaan Qiimaha badan una helaan Taariikhda dhabta ah Ee Dhashii Awoowe Sheekh Cali Cafiif iyo Deegaamadda ay dagan yahiin Dhashiisa .

Ummadda Somaliyeed gaar ahaan Reer Sh. Cali Cafiif run ahaantii waxaa lagu fuliyay qaacidadii ama oraahdii uu yiri Hitler (Hadii aad doonaysid in aad dishid bulsho dil marka hore taariikhdooda).

Imaaradii islamiga ahayd ee “Eifaat” waxay ahayd imaarat xakunto dhulka manta loo yaqaan Shaawa , waxayna dhacdaa woqooyiga addisababa 30km, ka hor inta aneey qabsan gumaystihii Amxaarada bilowgii qarnigii 17aad ee miilaadiga, kadib markii la jabiyay ciidamadii muslimiinta iyo geeridii geesigii weynaa Axmed ibraahim gureey Ee Reer Sheekh Cali Cafiif .

markii ay qabsadeen waxay tirtireen dhamaan , raadadkii islaamka ,masaajidadii, macaahidii quraanka , ayagoo ku badalay kaniisado iyo macaabid ,sidoo kale waxay gumaaday dhamaan dadkii ku noolaal deegaankaa oo kaliya ay ka baxsadeen dad fara ku tiris ahaa ee u cararay magaalooyinka jaarka la ahaa imaaradaa, sida ay ku sameeyeen dhulkii Andale’s ama halka hada loo yaqaan spine iyo Portugal oo ay gabi ahaanba baa bi,iyeen raadad islaamka ee kajiray 10 qarni ka hor .

Hadaba Sigaara Cinwaanka Anagoo ilaalineeyna inuu inaga baaho ayaan tilmaameeynaa muhiimada ay Reer sheekh Cali Cafiif uleedahay Midnimada .

Haddii aan muhiimadda macnaha Erayga Midnimo ugudbo wuxuu noqonayaa (hal ahaansho) waxaan kaloo dhihi karnaa Midnimo waa sababta keenta Midowga Caqliga iyo xooga, taas oo dhex marta Aadanaha iyo Xayawaanka kale ee noolba.

Midnimo waa asaaska horumarka Aadanaha, waxayna tiir iyo udub dhexaad u tahay Caddaaladda iyo Sinnaanta taas oo mar walbo diinteena nafareyso.

Midnimadu waxay Noolaha oo dhan u horseeddaa Barwaaqo iyo Nabad, waxay sabab u noqotaa in laguwada noolaado si xasilooni ah oo colaaddu ka marantahay, waxay Soomaalidu ku maahmaahda “ Gacmo wadajirbey wax ku gooyaan ” maahmahdaas waxay

Waa kuma Sheekh Cali Cafiif ?

marka hore waa wax Alle swt looga mahad celiyo in ay maanta wadaagaan talo iyo tacaba tolkan kala baahsanaa abid. inta aynaan u galin Allaha unaxairiisto Aabeheen Sh/ Cali Cafiif , bal aynu is dultaagno ubadkii uu dhalay Sheekh Cali Cafiif ?

Kutubo dhawr ahaa ayaa lagaga hadlay, Awlaadii sheekha. Sida kitaabka Narsul'muminiin , hadaba Maxaa La hubbaa maxaase Hadoodila(Male ah)?

Awowo Sheikh cali cafiif wuxuu ku aasan yahay Gobolka faafan Gaar ahaan meel u dhawo Demada "Gursim" (Bambaas) laguna magacaabo “midda Qaali”  taarikhda goobta uu sheekh cali cafiif ku aasan yahay Qaaliga Sayo Cali Cafiif Halka Buqcadu ay ku taalo waxaa looyaqaan Midda Qaaligana ujirta 5Km .

Dadka uu dhalay sheekhu waxay u badan yihiin Somalia , Ethiopian, Jabuti , Magaalooyinka ay sida xooga badan u daganyihiin waxaa ka mid ah " Gobolka Afdheer, Gobolka Liibaan, ismaamulka Diri-dhaba, Magaalda Herar, Baabili, Tuli-guuled, Jinacsane, Gobolka Nogob, jigjiga iyo Bombaas ah Degmada uu ku saanayahay " Awoowe Sheekh cali Cafiif waana mida kali ah ee ay maanta si rasmi ah u dagantahay beeshan Cali cafiif.. Sidookale Somalia waxaa aay degaan gobolka Banaadir Muqdisho, koonfur galbeed Afgooye, Buur-hakba, Mubaarak, Qoryooleey , kuntuwaareey, oowdheegle oo loogu magac daray mid kamida Dhashii sheekha ( Sheekh Dhaweed ) . Maamul goboleedka Galmudug .

Awlaadii Sheekh Cali Cafiif uu dhalay

1. Sheikh muuse sheikh Cali Cafiif (Wara-Sanyo) waxay u badan yihiin; Dalka ethiopia, Bombaas, liibaan, afdheer Tulli-guileed Jinacsani, Herar iyo iwm.

2. Maxamed sheikh Cali Cafiif : waxay Dagaan Ethiopia, Somalia iyo jabuuti, waxayna u badan yihiin Gobolka faafan, gaar ahaan Degmada Gursim oo ah meesha uu ku aasan yahay Awowe sh/Cali iyo dhinacyada Toga Booraale.

3. Sheikh Dheeweed sheikh Cali cafiif  waxay dagaan somalia Ethiopia iyo soolmaaliya  waxay u badan yihiin Gobolka nogob gaar ahaan, gobolka Banaadir ,Maamulka Goboleedka jubba Land , Somaliland ,  degmooyinka sagag iyo dhagax madow,jigjiga

5. Axmed sheikh Cali cafiif ( sheekhaal adeer) waxaa loogayaqaan magacaas koonfurta somalia Waxay dagaan Somlia koonfurta iyo Badhtahama, xaradheere , gaalkacyo dhuusamareeb ilaa ceelbuur .

6. Cabid sheikh Cali cafiif (waxaa loo yaqaanaa sheikhaal cabdi sheikh) sh/axmed Waxay u badan yihii; somalia gaar haan Nawaaxiga iyo gudaha Kismaayo, ilaa iyo koonfura somalia. waxaana deegaankaas looga yaqaanaa sheekhaal cabdi sheekh ilaa koonfur galbeed , gobolka Banaadir

7. Abiib sheikh Cali cafiif  Waxay degaan Ethiopa iyo Somalia labadaba, Waxayse u badan yihiin, deegaanka "laab" oo Godey ka tirsan, Kismaayo, iyo Caasimada Muqdisho

8. cabdiraxmaan sheikh cali cafiif (waxaana loona yaqaanaa macalin dhiblaawe ) waxaa eey ubadan yahiin koofurta soomalia., Maamul Goboleedka  Hirshabeele .

Dhashii Sheekha Qolaba Meel ayeey Deegaan iyo Dhaqa  iyo Dhiigba labaxdaa .

1. Qaarna isbaheeysiga  Gurre ayeey madax uyahiin waxaa kamida Aadan Sheekh liibaan waxeeyna Degaan Guradhaamoole iyo gobolka Liibaan oo loogu magac daray Deegaan ahaan waxaa ay Degaan Soomali Galbeed

2. ⁠Qaarna is baheeysiga Maalin guur Waa Guud ahaan Reer sheekh yoonis sheekh Dhaweed sheekh Cali Cafiif Deegaan ahaan waa  Soomali Galbeed Sagag,laandheer , Dhagax-madow , Dhagaxbuur jigjiga

3. Qaarna is baheeysiga Bagadi waana Reer owmacalim Deegaan ahaan waxeey degaan maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomalia  sida owdheegle , mubaarag , buur-hakaba , Dhamaan Koonfur galbeed . Waxaana loo yaqaan Reer Owmacalim Sheekh yoonis Sheekh Dhaweed sheekh Cali Cafiif

4. ⁠qaarna Isbaheeysiga Jaarso waxaana looyaqaan Warrrasayo Sheekh muuse Sheekh Cali Cafiif waxeeyna Dagaan dhul baaxad weeyn sida jinacsani Tulliguuleed , jigjiga

5. ⁠Qaarna Isbaheeysiga Mudulood waxaa Kamida nimanka looyaqaan Sheekhaal Cabdi sheekh Cali Cafiif marka lajoogo Jubbaland looyaqaano Sheekhaal Cabdi sheekh Muddulood ayeey ladhaqan yahiin .

6. ⁠Qaarna Isbaheeysiga Direed Reer owsaciid waxaa ay degaan oo marna Samiga siyaasada ku qaataan dir qaarna waxaa ay ku qaataan Digil

7. Qaarna Warra-huma ayeey ku dhwxjiraan oo loo yaqaano Maxamed Sheekh Cali  Cafiif oo waxaa ay isla joogaan lkn deegan aaday deegaan ahaan Bonbaas ayeey ugu badan yahiin iyo deegaamo kale

8. ⁠Qaarna Canfarta ayeeey hogaan u yahiin .  Qaarkale oo aad ufarabadan, Qaar badan oo waxaa jira  Reer sheekh muuse sheekh Cali Cafiif ah oo deegaan ahaan dega Jabuuti.

9. Waxaa jira macalin dhiblaawe waxaa ayna la xeer iyo dhaqan yahiin kana mid yahiin abgaal.

Qoraalka madasha Dhalinta Reer sheekh Cali Cafiif