Saciid bin musayyib
Wax badale ayaa codsaday in bogan la tirtiro. Sababtu waa Bog uu sameeyay Bot.
Hadii aad isleedahay boggaan yaan la tirtirin, fadlan ku qor waxa aad adiga aaminsantahay meesha wadahadalka boggaan. Fadlan Haka wareejin fariintaan boggaga aad adiga sameysay. Maamulayaasha, xasuuso in aad fiiriso hadii ee meeshaan wax la xiriiraan iyo bogga taariikhda (badalkii ugu danbeeyay) intii aadan tirtirin. |
Saciid bin musayyib waa taabici ree Madiina ahaay, waxaa loogu yeeraa "Sayidka taabiciinta" waana mid kamid ah fuqahada Madiina ee todobada[1]
Taariikhdiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Saciid bin Musayyib bin Xazan bin Abii Wahab Al-Makhzuumi, Hoyadii waa Umu saciid binti Xakiim bin Umayya Al-Sulamiya[2], waxa oo ku dhashay Madiina sanadkii 15aad ee hijiriga khilaafada Cumar bin Khadab [3], waana ree Qureysh nasabkiisa, Awoowgii Xazan iyo aabihiis waxey kamid ahaayeen Saxaabada, Aabihiis wuu qeyb ka ahaa Beyca Ridwaan[4], awoowgii waxaa lagu dilay Dagaalkii Yamaama[5].
Barbaaridiisa iyo raadinta cilmiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Saciid waxa uu ku soo koray oo ku barbaaray Madiina, noloshiisa oo dhan kama bixin xaj inuu uga baxo maahee, raadinta cilmiga ayuu bilaabay yaraantiisa, Madiina waxay ahayd waqtigaas caasimadii islaamka waxaana joogay qaar badan oo saxaabada waaweynka ah iyo xaasaskii Nabiga scw, Saciid wuxuu dadaal badan ku bixiyay cilmiga inuu ka qaado saxaabada, wuxuu ka maqlay Zeyd bin Saabit, Sacad bin Abii waqaas, Cabdulaahi bin Cabaas iyo ibni Cumar, xaasaska Nabiga scw wuxuu ka maqlay Caa'isha iyo Umu Salama, Saciid wuxuu har iyo habeen u socon jiray raadinta hal Xadiis [6], wuxuu ahaa xukunada Cumar bin Khadaab aad inuu u xifdiyay oo waxaaba loogu yeeri jiray "Riwaayada Cumar" xitaa ibni Cumar ayaaba weydiin jiray arimaha Cumar, wuxuu aad u laasimay saxaabiga Abuu Hureyra gabadhiisa ayuuna guursaday badanaa xadiiska Abuu Hureyra ayuu ka warin jiray
Mixnadiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Cilmigiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]
- ↑ إعلام الموقعين عن رب العالمين لابن القيم الجوزية» فصل فقهاء المدينة المنورة Archived 2017-12-16 at the Wayback Machine
- ↑ الطبقات الكبرى لابن سعد - سَعِيد بْن المسيّب (1) Archived Luuliyo 20, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-12-10 at the Wayback Machine
- ↑ سير أعلام النبلاء » بقية الطبقة الأولى من كبراء التابعين » سعيد بن المسيب (1) Archived 2017-12-08 at the Wayback Machine
- ↑ المعجم الكبير » باب الميم » من اسمه مسيب » مسيب بن حزن بن أبي وهب Archived 2017-09-24 at the Wayback Machine
- ↑ معرفة الصحابة لأبي نعيم الأصبهاني » باب الحاء » حزن بن أبي وهب Archived 2017-09-24 at the Wayback Machine
- ↑ الطبقات الكبرى لابن سعد - سَعِيد بْن المسيّب (2) Archived Diseembar 10, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-12-10 at the Wayback Machine