Saldanadii Maalinguur
M-Empire : 1700 -1990

SALDANADII MAALINGUUR waxay ahayd mid ka mid ah saldanadihii ugu awoodda badnaa ee ka hanaqaaday geeska Afrika, gaar ahaan dhulka ay Soomaalidu dagto. Saldanaddan waxaa xukumi jiray beesha Ogaden gaar ahaan jifada Reer Ugaas Samatar kuwaas oo caan ku ahaa hoggaamin, suugaanta, iyo halgankii ay uga soo horjeedeen gumeysiga.
Aas-aaska iyo Taariikhda Saldanadda
Saldanadda Maalinguur waxay soo ifbaxday xilli ay Soomaalidu ku jirtay qaab-dhismeed beeleed, waxaana saldanaddan saldhig u ahayd re Ugaas Samatar oo duubka boqorka hayay iyo qabiilo badan oo ka tirsan beelaha Soomaaliyeed oo Saldanada hoos joogay Sida:
Dir, Daarood, Hawiye, isaaq iyo Sheekhaal iyo jofooyinka Ogaden badankood.
Saldanadan waxay bilaabatay xili lagu qiyaasay 1700’s -1800’s waxaana Aas-aaskeedu ku timaaday markii Ogaden dhaxdoodu isku Mari waayeen Ugaasnimada beesha ee laba dhinac loo kala saftay ugu danbayna ay timaaday in la kala guuro, waxaana Ogaden badankii raaceen Ugaas Warfa ugaas faarax Samatar kadib Shirkii caleema saarka ayaa ka dhacay Sasabane, sidoo kale waxaa Sasabane lagu caleemo saaray ugaas Xuseen kadib dhimashadii Aabihii ugaas warfaa oo waakii Raage Ugaas Warfaa Lahaa dhimashadii Ugaas Xuseen
„ Boqorkaan Saf iyo faro lahayn wa Sakaar dumaye
dhaaxaa sidii siiqda wabi saa naloo sidaye
Shir Sasabane ah oo saadanbe ah amase Saakuun
suxulkaa kasoo leef markuu badawgu soo yaamo
ragii kala sabaalayn jiray iyo Saan cadaa madhaye “
Shirkaas kadib saldanadu kuma koobnaan Ogaden kaliya ee Dir, Daarood, Hawiye, Sheekhaal iyo Isaaq ba qayb bay ka noqdeen .
Hoggaamiyeyaashii Caanka ahaa ee Saldanadda Maalinguur
Reer Ugaas Samatar, oo ah jifada xukumi jirtay saldanadda, waxay dhaleen hoggaamiyeyaal caan ah oo taariikhda Soomaaliyeed baal dahab ah ka galay, sida:
- Raage Ugaas – Waxaa loo yaqaan The Father of Somali Poetry maadaama uu ahaa suugaanyahan sare oo suugaantiisu ay salka ku haysay caddaaladda, maamul wanaagga, iyo geesinimada.
2. Cumar Ugaas – Wuxuu ahaa ugaaskii ugu awoodda badnaa ee Ogaden, Asagoo xukumi jiray qabiilada u dhaxeeya Garxajis ilaa wabi Shabeele
3. Mahdi Ayuub Guuleed - wuxuu ahaa siyaasigii oogu saamaynta badnaa DDS, asagoo lagu xasuusto
• Toogashadii shanta Sargaal dhacdadii wardheer .
• Afganbigii uu ku sameeyay Madaxwayne Ciid daahir iyo Leegadii
• Siyaasadiisii muuqatay iyo Halgan qabiili iyo somalinimo ba!
4. Sarhaye Cali Duule : wuxuu ahaa Abaanduulihii ka danbeeyay jabkii rayidka
5. Ugaas Xuseen
6. Ugaas Muxumed
7. Maxamed dahir shekh muxumed
8. Sheekh Maxamud Maalinguur
Sheekh Maxamuud Maalinguur waxuu ahaa siyaasi ka mid ahaa madaxda ururka SYL ee u halgamay xoriyada Soomaaliya. Waxuu Sheekha ahaa Xogayaha Guud SYL waxuuna laba goor hayay xil wasiir dowladda SYL isaga oo mar noqday waziirka Cadaalada marna qabtay xilka waziirka danaha Soomaalida oo ahayd wasaarad loo abuuray inay ka shaqeyso xoreynta dhulalka Soomaalida aan weli gobonimo qaadan.
Sheekh Maxamuud Maalinguur mudada xukunka SYL waxuuna ahaa Xildhibaan laga soo doorto degmada Afmadow.
Sheekh Maxamuud Maalinguur waxuu ku dhashay agagaarka degmada Dhagaxmadow 1912kii waxuuna ku geeriyooday dalka Emaraadka Carabta 2003dii
9. Ismaaciil Qoorleex
10. Aw faarax Jibriil
11. Shahiid Iimaan cubeed
12. Shahiid Mustafe haybe
13. Shahiid Sheekh cabdi cizi
14. Shahiid Cabdi Saxane
Hoggaamiyeyaal kale – Waxaa ka dhashay madax badan oo kaalin weyn ka qaatay siyaasadda, suugaanta, iyo halganka Soomaaliyeed.
Buugaag badan oo taariikhda Soomaaliyeed wax ka qoray ayaa xusaya doorkii ay saldanaddani ka ciyaartay arrimaha siyaasadeed, dhaqaalaha, iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed.