Jump to content

Samatar Dakhare

Ka Wikipedia

Abwaan samatar dakahre wuxu kamid yahay abwanada somaliyed Gaar ahaan habar jeclo muuse abokor reeryoonis Marse haddii dagaal loo kacoo laysku kululaado Kufri iyo islaam uumiyuu naga kaxayn waaye Kitoo miidhan iyo baannu nahay keligi laayaane.”

Dagaalkii Haye oo gabayo badan laga tirshey waxa ka mid ahaa tixdan la yidhaahdo “Keef Xaalak” ee uu Samatar Dakharre ugu jawaabayo nin gabay ku faanay oo Aadan Carab la yidhaahdo. Aadan Cara boo malaa guusha u yaqaan xabbad la iska rido ee aan xisaabin raggii, saanaddii iyo taakulayntii ay ku waayeen Haye ayaa tirshey gabay ay ka mid ahaayeen;

Kolse hadaanan caafiyad dab, iyo ciidan tabanaynin Casar iyo inaan duhur wax galo, caariyaan bidaye Waa caado tuug galab inaan, ceelka weeraro'e Ma cadceeda oo soo baxdeybaan, cudud idiin sheegtay Cadadkeeda guutada miyaa, samada caad fuulay Ciir iyo habaas qudha miyey dunidu cowlaatay.

Gabaygu u ekaa tixdii “Habbis” ee Maxamuud Daallin ka tirshey hardankii u dhexeeyey Habarwaa iyo dhawr jilib oo HabarJeclo ah. Iyadoo la wada og yahay ceebtii Shirshooraha iyo Gaaskii ciidanka ahaa ee taageerayey ka raacday Haye, caqliga ayaa diidaya in nin la ciilay gabay noocana tirsho.

Markii gabaygaa Aadan Carab la maqlay waxa ka jawaabay dhawr nin oo uu ka mid yahay Xaaji Cabdi-gii Reer Daahir. Samatar baa Xaajiga gabaygii ku celiyey oo yidhi adna xaqiiq baad ka gabayda ninkaad u jawaabaysaana wuu iska faanaye maa redidid. Cismaan Dawiil oo meesha labada Abwaan fadhiyeen joogay baa Samatar yidhi “Samatarow adigu maad ninkaa cidlada ka faanay wax tidhaahdid” markaasuu Samatar gabaygan ka tirshey isla goobtii. Isagoo Aadan Carab la hadlayana waakii lahaa;

Illeen oday karaar uma eka, oo waa anoo kale'e Kadeedkii qabsaday Aadan Carab kaar ma ledi waayey Ma karmaanta aydiyo xaskuu, kabo la'aan jiidhay Keyse iyo miyaa lagala hadhay koox ilma adeera Ma kufaakicii baa illaa koonfur la eryaayey Kaftanka iyo haasaawuhuu keenay ma illaaway.

Digniin: Gabaygan ma dhamma oo intii aan cajaladda maqalkeedu noo saamixin waan ka boodnay:

1. Kaafleyda maansadu beryaha, iguma kaarrayne

2. Waxaan luuqda koolkoolin jirey, laygu kari waaye

3. Karaahaystay haasaawahaan kow ahaan jiraye.

4. Kaftan iyo dhabtoonna uma marin, Koofil dabadeede

5. Maantaa kalkood galay tixii, kaydsanaan jiraye

6. Koow dhaha Cismaanoow haddaan Koobbi qorayaaye.

7. Adigoo kashbacay oo sidii Kebesh u xaydhoobay

8. Oo kadimo geeliyo xeryaa adhigu kaaceero

9. Oo Kobo caleenliyo xareed kuugu kala soofay

10. Oo lacagtu kuu kiilan tahay kiishaddiyo jeebka

11. Oo kibis xalaaliyo nimcada kiribku kuu buuxo

12. Aad dumarkeed koodii kore iyo Kaaha la cawayso

13. Kaftan iyo cayaar laguma galo kabar colaadeede

14. Waxa nabadda lagu kaydsadaa koos adduunyaha'e.

15. Kooraa raggii saari jirey kaynta laga guuray

16. Ee uu kaskoodii qabaal kaban aqoon waayey

17. Mar hadday karuur iyo helaan kaynta midhaheeda

18. Oo uu kacaankuna ayido, oo kooras ugu deeqo

19. Oo Kaarihii dawladdiyo kolanyo loo dhiibo

20. Kartidiisa Daaroodka waa kibir xumaanshaa'e

21. Iyagaan kifaaxeey xornimo kaalinna u joogsan

22. Kuraasida la wada saaray iyo koodhka loo geliyey

23. Kooskaba qabsada waa wixii kaday Shirshooraaye.

24. Kuubba iyo sidii Xabashidii la isu keenkeenay

25. Kulubyada la soo ururusaday iyo Kirib calooleedka

26. Kuukuuyadii ina Siyaad idinku koolleeyey

27. Waataad ku taamteen waxaan idin kafayneyne

28. Annagana Kariimkii allay kiisa noo tahaye

29. Isagaannu kaalmaysannaa keli ahaantiise

30. Kaayaha aduunyadana waa naga kor qaadaaye

31. Kutubtiyo wixii aan ahayn koolajiga diinta

32. Karaahiyada waan necebnihiyo kulanka shaydaane.

33. Marse haddii dagaal loo kacoo laysku kululaado

34. Kufri iyo islaam uumiyuu naga kaxayn waaye

35. Kitoo miidhan iyo baannu nahay keligi laayaane

36. Kabiir iyo saqiir Habar Jecloo kaahiney hurudda

37. Waatay kajiiddada xumaan nagu kalliifeene

38. Kaambeynka waatay galeen karamo duullaane

39. Kamaandowska Reer Daahirkii karinta hawd raacay

40. Kamballada guryaha geelashoo koone uga foofay

41. Oo uu kormeerii la jiro kaynta hore joogey

42. Iyagay kornaylliyo wataan, kibirtan loo doortay

43. Kumanyaal hubkoodii sitaa koox yar weeraraye.

44. Ka kacayda qaylada, warkaan cidiba noo keenin

45. Sidii Kaamil-koodhkii fadhiyey, kodayartii buurta

46. Kob shareeran bay ula galeen kaara-dilihiiye

47. Markaasay kamiis ula dhaceen kii la hayjadaye 48. Ma kor marine shiishkii, siday kamarad haystaane 49. Kurkaa lagala eegtiyo wadnaha kulubidiisiiye 50. Waxba yaan kinaayayn daraan noo kufba ahayne 51. Kashifkii qabsaday reer Garaad koosku ma ogaaday 52. Ma karaama seegeen raggii kaafi laga waayey 53. Kibaaraad miyaa laga diliyo Kaabbe wada naaxay 54. Konton iyo sagaal dheer miyaa lagu kabaal qaaday 55. Kulaanbayda iyo xuunshadii kaday miyaa haagay 56. Kal biyo ah sideedii tukuhu maw kabbaday dhiigga.

57. Kulaylkiyo rasaastii markii keebka lagu waalay 58. Kufur beenayaashii miyaa kabala'aan yaacay 59. Illeen oday karaar uma eka, oo waa anoo kale'e 60. Kadeedkii qabsaday Aadan Carab kaar ma ledi waayey 61. Ma karmaanta aydiyo xaskuu, kabo la'aan jiidhay 62. Keyse iyo miyaa lagala hadhay koox ilma adeera 63. koley wira mar soo roga miyuu kari awood waayey 64. Ma kufaakicii baa illaa koonfur la eryaayey 65. Kaftanka iyo haasaawuhuu keenay ma illaaway.

66. Kacaannimada Buuhoodle waa lagu kalsoonaaye 67. Kobcintii dhaqaaliyo wixii kaalmo lagu siiyey 68. Kaydkii u oollaa miyaan kiilo laga qaadan 69. Ma kelyay u waayeen rag waa kini adaygaaye 70. Koonii markii laga gudbiyo kaalintii debedda 71. Ee uu dagaalkii kordhee kooska wada gaadhay 72. Kebeddii Salmaha, Ciidankii Kabar Ugaadeenya 73. Kambalkeeda Caynaba wixii Kaare hoganaayey 74. Kanooniga madaafiicda, iyo kolanyo jiidaysa 75. Koolaaftankoodii intoo koosan laga gaadhay 76. Kubaddii cagaa iyo sidii, kolayga maw laadnay 77. Kanaalkii furraa iyo nugaal ma uga koor goyney 78. Iyagoo kal dhaafay oo harraad kaynta hoganaaya 79. kol inay daraan ceelashii kalax ma loo diidey 80. Keenada ma daadsheen sidii Koran-bacaad awra 81. Kalcas wiilashii joogay iyo karinta taaggeeda 82. Ma kalooyaduu caayayaa kelebki naafeeyey 83. Waxba yaanan kiilomitirin kaayihii dhacaye 84. Kun awoowo taariikhdu waa koobi noo qorane 85. Korkaa laga hayaa Aadanow kulantideenniiye 86. Kaamkii Taleex iyo illaa, Karin adoo daadsan 87. Nimankaa kadeedkaa qabteen idinka kaalmeeyey 88. Ka abaal dhacaa Reer Isaaq talo ku koobteene 89. Kutaantiyo sidii baw cunteen, dhiigga oo kale'e 90. Kalgacaylka iyo raaxadii, waa ku kibirteene 91. Duqsigii kunbaday baad tihiin fuudki kululaaye 92. Nin waliba wuxuu keensadaa lagu kaxeeyaaye 93. Keef-Xaalak waataad nimcada kadabsan weydeene.