Sayrus ee Samaroon / Majiid

Sayrus ee Farsiga ah (ingiriis: Cyrus the Great) oo loo yaqaanay Sayrus ee Samaroon ama Sayrus ee Majiid (qiyaastii 600–530 BCE), wuxuu ahaa aasaasaha Imbiraadooriyada Akaemenid, mid ka mid ah boqortooyooyinka ugu dadabsiga badnaa iyo ugu baaxada weyn taariikhda qadiimiga. Waxa uu ka soo jeeday wadanka Persis (maanta oo ah Iiraan), wuxuuna mideeyay qabiilada Farsiga isaga oo cirib-tiray Boqortooyadii Median, taasoo calaamad u ahayd bilowga boqortooyada Akaemenid. Boqortooyadiisu si dhaqso ah ayey u fidday, iyadoo lagu daray Boqortooyadii Lydian (maanta oo ah Turkiga) iyo Boqortooyadii Neo-Babylonian (maanta oo ah Iiraaq), iyadoo ka dhex fidsanaa qayb weyn oo ka mid ah gudaha raaska Carabta qadiimiga, laga soo bilaabo Anatoliya ilaa Mesopotamiya. Sayrus waxaa lagu xusuustaa kartida dagaal ee xooggan iyo siyaasadaha horumarsan, oo ay ku jirto dulqaadka diimaha iyo ixtiraamka habmaamuuska maxalliga ah, taasoo ka helay qadarin dadkii uu ka xoogroonaaday.
Xukunkii Cyrus wuxuu aasaasay imbiraadooriyad awood badan oo caan ku ahayd maamulkeeda hufnaanta leh iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida nidaamka wadooyinka iyo adeegyada boostada, iyo sidoo kale nidaamka gudoomiyaha (satraps) ee maamuleyaasha gobollada. Dhaxalkiisa waxaa lagu xusay go'aankiisa ku aaddan maamulka iyo xuquuqda aadanaha, taasoo lagu muujiyey Cyrus Cylinder, oo badanaa loo arko inuu yahay bayaanka ugu horreeya ee xuquuqda aadanaha. In kasta oo kuwan xukunka Cyrus kadib ay boqortooyadu sii fidayeen gaar ahaan wiilkiisa Darius I, haddana waa aragtidiisii iyo hoggaankiisii oo dhidibada u taagay awoodda imbiradooriyadda Farsiga ee gudaha Raaska Carabta qadiimiga. Geeridiisii 530 BCE waxay calaamad u ahayd dhammaadkii xukunkiisa, laakiin saameyntiisa waxay sii socotay qarniyo badan.
Kuxigeenkisa saddexaad Kambesys II wuxuu ahaa ninka kaga xoogroonaaday Boqortooyada Faraciinta gaar ahaan Psamtik III sii kaloo loo yaqaanay Waabberi.[1]
Marjac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ Bang, Peter Fibiger; Scheidel, Walter, eds. (February 2013). The Oxford Handbook of the State in the Ancient Near East and Mediterranean. Oxford University Press. p. 201. ISBN 978-0195188318. ..Cambyses won a victory at Pelusium (525), took Memphis, and captured King Psammetichus III.