Sharcidajin

Ka Wikipedia

Sharcidajin (Af Carabi : ar‎; Af-Taliyaani : legislatura; Af Ingiriis : legislature) waa hayad wax la isdhaafsado waana meesha xeerarka lagu dajiyo. waxaa lagu gartaa hayadahaan sharcidajinta magacyo badan oo ay ka mid yihiin: Baarlamaan, Kongarees iyo golaha wadaniga. Waxa ay ka dhigantahay hayadda sharcidajinta ee dawladaha leh nidaam baarlamaani waa awooda rasmiga ah ee ugu sarreysa ee magacaabaysa awooda fulinta. Laakiin habka madaxweyne hayadda sharcidajinta waxa ay ka koobantahay xubno laga soo dooratay dhanka shacabka kana madaxbannaan awooda fulinta howshooduna waa ka wadahadalka xeeraraka iyo soo saarista iyadoo ay suuragal tahay soo gudbinta xeerarka dhanka awooda fulinta. Waxaa dheraad ku ah dajinta sharciyo maxaa yeelay hayadda sharcidajinta kordhinta iyo dhimista canshuuraha iyo ansixinta miisaaniyadda dawladda iyo xogaha maaliyadda ee kale, sidoo kale ansixinta hayadaha sharci dajinta heshiisyada ay dawladdu gasho iyo ku dhawaaqis dagaal. Waxa ay ku kala duwanyihiin hadaba dastuurka iyo dalka.

Dalalka leh baarlamaan ka kooban laba aqal (cirdhow), iyo dalalka leh hal aqal sharci dajin.