Jump to content

Sheekh Maxamuud Malinguur

Ka Wikipedia

Sheekh Maxamuud Maalinguur waxuu ku dhashay magaalada Dhagaxmadaw ee Gobolka Jarar sanadkii 1912 kii.

Sheekhu wuxuu ka mid ahaa halgamayaashii Soomaaliyeed ee hormuudka u ahaa xornimo-doonka dalka. Wuxuu si weyn uga soo dhex muuqday xisbiga Somali Youth League (SYL), oo door weyn ka qaatay gobannimada Soomaaliya. Asagoo soo qabtay xilalka

-Xogayaha Guud ee Xisbiga S.Y.L.

-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Xisbiga S.Y.L.

- Xubin Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe Xisbiga S.Y.L.

Markii Soomaaliya xornimada qaadatay, Sheekh Maxamuud Malinguur wuxuu ka mid noqday siyaasiyiintii ugu waaweynaa ee laga soo doortay gobolka Jubaland.

intii uu noola sheekhu waxuu soo qabtay xilal kala duwan oo dowli ah sida :

- Wasiirka Cadaalada Soomaaliya

-Wasiirka Danaha Soomaalida

-Xubin Barlamaanka Soomaliya laga soo doortay Afmadow


Taariikhda Qoyska :

Sheekh Maxamuud Malinguur keligii ma ahayn shaqsiga taariikhda ka tagay, balse caruurtiisii ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray siyaasadda, diblomaasiyadda, iyo waxbarashada Soomaaliya..

1. Hanad Malinguur – Wuxuu ahaa afhayeenkii ugu horreeyay ee Jabhadda ONLF, oo u doodi jirtay xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanka Soomaalida Ogadenia.

2. Maxamed Malinguur ( AUN) – Wuxuu noqday safiir u fadhiyay Soomaaliya dalal badan, isaga oo matalayay dowladda Soomaaliyeed.

3. Liibaan Malinguur – Isna wuxuu ahaa safiirkii Soomaaliya ee dalka Ciraaq, halkaas oo uu ka shaqeeyay xoojinta xiriirka labada dal.

4. Prof. Cabdicaziiz Malinguur ( AUN) – Wuxuu ahaa bare sare oo ka dhigi jiray jaamacadda SIMAD, isagoo door weyn ku lahaa waxbarashada iyo horumarinta aqoonta ardayda Soomaaliyeed.

Sheekha ayaa kaalin mug leh ku lahaa taariikhda Soomaaliya, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray xornimadii dalka, siyaasadda, diblomaasiyadda, iyo waxbarashada. Wuxuu kamid yahay halgamayaasha Soomaaliyeed ee dhaxalka weyn ka tagay.