Sheekh abiikar cali kadiil
"" Taariikhda Faqiiha Soomaaliyeed ee Sheekh Abiikar ""
"Sheekh Abiikar Cali Kadiil Gaboow" waxaa uu ku dhashay baadiyaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe sanadkii
1947-dii.
Isla deegaankaasi baadiyaha ah ayaa sheekha laga geeyay Dugsi Qur'aan.
Markii uu qur'aanka dhameeyay ayuu xifdinta Qur'aanka u aaday Gobolka Baay oo caan ku ahaa in loo raadsado Qur'aanka.
Duleedka degmada Baydhabo ayaa loogu bilaabay Kitaabka ugu horeeya Fiqiga ee Safiinaha.
Magaalada Xamar ayuu Sheekhu yimid isaga oo cilmi raadis ah waxaana uu ku biiray xerta oo wax u aqrin jiray Caalimkii caabidka ahaa ee Sheekh Xuseen Cadde.
Inta badan funuunta Islaamka ayaa waxaa u aqriyay Sheekh Xuseen Cadde Allaha u raxmadee.
Sidoo kale culimo kale oo ay kamid yihiin Sh Muxumud Sh Cabdi Ow Cumar iyo Sh Maxamed Axmed Warfaa iyo Sheekh Xuseen Macalin Wehliye ayaa kamid ahaa culumadii Sheekha wax u soo aqrisay dhamaantood Allaha u wada naxariistee.
Sheekha isaga oo da'diisu ay tahay 22-Sano jir ayuu bilaabay in uu dadka cilmiga baro uuna mudaris noqdo.
Laga soo bilaabo xiligaasi ilaa iyo hadda Sheekha waxaa uu aqriya Cilmiga qeeybihiisa kala duwan.
Sheekh Abiikar Cali Kadiil Waa Caalim Faqiih ah si aad ahna loogu yaqaano oo looga doonto faniga Fiqiga Islaamka.
Tilmaamihiisa
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa Zaahid ka suhdiyay dhal dhalaalka aduunyada isaga oo ka doortay in ku dhow 20 Saacadood uu Xerta Masaajida Cilmiga ugu aqriyo.
Sheekhu waa Mutaawadic naftiisa u arka mid liidata Taariikhdaan markii aan ka soo qorayay ayuu igu yiri culimada waaweeyn u tag Taariikhdooda ka soo qor aniga waxba ma aqaanee.
Waa Bashaash kaaga sheekeeynayo qisooyin iyo waayo hore uu sheekha soo joogay.
Subaxa hore ee maalintii sida uu u soo galo Masjidka ilaa cishihii ayuu aqriyaa Cilmiga Sheekh Abiikar.
Kutubtiisa
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sheekhu waxaa uu sanifay kutubo laakiin Taawaaduc dartiis ayuu xertiisa magacyadooda ugu qoray.
Waxaa kamid ah kutubadaasi:-
١ . ﻣﻌﻴﻦ ﺍﻟﻤﺤﺘﺎﺝ ﻓﻲ ﻗﻮﺍﻋﺪ ﺍﻟﻤﻨﻬﺎﺝ
٢ . ﺛﻤﺮﺓ ﺍﻟﻘﻮﺍﻋﺪ ﻓﻲ ﻗﻮﺍﻋﺪ ﺍﻻﺭﺷﺎﺩ .
Ugu dambeeyntii Sheekha hadda da'diisu waa 72-Sano jir.
Sheekha Allaha noo xifdiyo cimri dheer iyo Caafimaad abadiya Allaha siiyo Cilmigiisana allaha nagu anfaco.
W/Q: Xasan Maxamed Samatar Cowke
Dhimashadiisa
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Habeen khamiis ah 1da Ramadaan Taariikhda Miilaadigana tahay 23da Maarso 2023 ayuu Shiiq Abiikar ku dhintay xaafada Suuqa Xoolaha, waxaana lagu aasay Masjidkiisa weyn agtiisa.