U bood nuxurka

Sheikh Nuur Macalin Aden

Ka Wikipedia
Sheikh NuurMacalin Aden
شيخ نور معلم آدم
Sheikh Nuur Macalin Aden


Guddoomiyaha,maxakamadda Warta Nabada
Ka qabtay xil
2007  2010

Guddoomiyaha,Maxakamadda Degmada kaaraan Muqdisho
Ka qabtay xilka
2000  2004
kaga dambeeyey xilka ?

Garsoore Maxkamada gobolka banaadir ka shaqeeyey balse ku shaqeeyey saldhiga Wartanabadda

Macluumaad gaar ah

Ku dhashay 03 March 1954
jubbda dhexe Soomaaliya
Degganaasho Muqdisho, Soomaaliya
Waxbarasho jaamacadeed Xamar University
Shaqada Wasaaradda waxbarashada soomaaliya bare,1980/1990
Garsoore iyo Khabiir Shareeco

Sheikh Nuur Macalin Aden (Af Ingiriis: Sheikh Nor Moalim Adam; Af Carabi: الشيخ نور معلم آدم) wuxuu ahaa sheikh iyo xaakim ka soo shaqeeyay Muqdisho, gobolka Banaadir.

Taariikh nololeedkiisa

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sheikh Nuur Macalin Aden wuxuu ku dhashay gobolka Jubbada Dhexe horaantii sanadihii kontomaadkii. Wuxuuna ku Xijaabtay magalada muqdisho asigoo kuguda jira caawinta umadda somaaliyeed ee ladhiban fahanka sharciga Garsoorka Soomaaliya Wuxuu waxbarashadiisii ku soo qaatay diini iyo maadi labadaba, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka Gedo iyo Bay,dhamaystir keediina jaamacadii Xamar Muqdisho.

Sheikh Nuur macalin Aden
alle ha,unaxariisto
إنا لله وإنا اليه راجعون لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيءٍ عنده بأجلٍ مسمى

Shakhsiyaddiisa

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sheikh Nuur wuxuu ahaa qof aad u deggan, kalsooni badan, iimaan leh, isla markaana Alle ka cabsi badan. Wuxuu aad ugu sarreeyay cilmiga diinta, gaar ahaan fiqiga.

Shaqadii uu u soo qabtay ummadda Soomaaliyeed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Alle ha u naxariisto, Sheikh Nuur Macalin Aden (2007–2010) wuxuu ahaa guddoomiyaha maxkamadda Degmada Wardhiigley.markale Xil Ah qabtay Guddomiye maxakamadda Degmada kaaraan,ku shaqeeyay Garsoore Maxkamada gobolka banaadir balse ku shaqeeyey saldhiga Wartanabadda.

Wuxuu soo shaqeeyay xilligii dowladdii TFG laguna magacaabay digreto madaxweyneAbdullahi Yusuf Ahmed iyo dowladii Shariif Axmed.

Wuxuu ka mid ahaa garsoorayaashii ugu waqtiga dheeraa kadib burburkii dowladdii dhexe ee Somalia. Sanadkii 1994 ayuu ka mid ahaa garsoorayaashii lagu aasaasay maxkamaddii Degmada Wardhiigley ee loo yaqaanay Xararyaale Warta Nabada.

Intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2025 wuxuu ka mid ahaa garsoorayaasha maxkamadda gobolka Banaadir.xitaa2025 December Garsoore saldhiga Warta nabada maxkamadda Gobolka

Sanadkii 2001, wuxuu ka mid ahaa garsoorayaashii maxkamadda racfaanka ee dowladdii kumeel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad .

Sidoo kale sanadkii 2006, xilligii Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho, wuxuu ka tirsanaa maxkamadaha racfaanka ee maxaakiimta Islaamiga.

Sheikh Nuur wuxuu ahaa shaqsi si weyn ugu soo adeegay Garsoorka Soomaaliya.

Dhaqanka iyo doorkiisa bulshada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sheikh Nuur Macalin Aden wuxuu sidoo kale ahaa nin dhaqameed codkar ah, qab weyn, isla markaana dadka garta u kala qaada.

Marka uu garta dhex galo, wuxuu ahaa qof deeqsi ah oo hadalkiisa lagu kalsoonaan jiray.

Wuxuu dhinaca kale si gaar ah ugu adeegayay tolkiisa, gartana ugu kala qaadi jiray si caddaalad ah, iyadoo aan dib loogu soo noqon jirin go’aannadiisa Wanaagsan darteed maadaama Awoowayaashiis Xukmiin jireen Reerka loogana danbayn jiray go'aanka ugu danbeeya ee Garta.

Wuxuu ku dadaali jiray in xaalka laqaboojiyo laguna dhammeeyo sulux iyo heshiis, taasoo dadka ay aad ugu qadarin jireen.

Alle ha u naxariisto, wuxuu ahaa sheikh, garsoore iyo oday dhaqameed ay jeclaayeen dadkii uu la shaqeeyay iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee taqaanay.