Shirkad - Toyota
Degmada Mustaxiil waa degmo qadiimi ah kuna taala xuduud beenaadka u dhaxeesa somalia iyo Ethiopia degmadaani waxa mara webiga shabeele ee logu magac daray gobolka ay degmada ku taala ee shabeele degmada waxaa si gaar ah u leh beesha jidle gugundhabe ee waligees soo xukumeesay gudoomiyah degmada iyo duqa magaalada iyo dhamaan xafiisyada maamulada degmada Xukunta
Sidoo kale degmada waxay caan ku tahay Waxsoosaarka iyo kheyraad u gooni ah sido kale degmada waxay caan ku tahay aqoonta iyo waxbarashad iyo halganka degmada waxa ku yaala iskuulka caanka ah ee ugaas cali ee logu magac daray ugaaskii beesha jidle alle ha u naxariiste
degmada waxaa toos timaada 11 qabale ama tuulo 7ka mid ah waxa. Leh beesha jidle halka 3da kale leeyihiin beelaha reer ciise halka midka kale ay leeyihiin beesha jijeele oo ka mid ah beelaha gugundhabe