Surwaal dabagaab

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Shoorti (dhar))

Surwaal dabagaab (Af Ingiriis : shorty) waa surwaal gaaban kaasi oo ku jooga jilbaha dadka kaasi ooy xidhaan rag iyo dumarba. Surwaalkan oo loo yaqaano shorty waa shay dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay. Surwaal dabagaabku wuxuu ka mid yahay dharka dadka kaasi oo inta badan loo xidho si jidhka uga difaaco dhaxanta. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[1]

Hordhac

Surwaal dabagaabku wuxuu ka mid yahay dharka la xidho wakhtiyada kuleylaha ama laga hoos xidho dharka noocyadiisa kale sida urwaal dheer, macawiis ama khamiis. Sidoo kale, shortiga waxaa loo xidhaa xarago iyo isqurxin, dunida maanta waxaa jira shaqooyinka qaar ay khasab tahay in shaqaaluhu ku soo labistaan koodh. Guud ahaan, garanku waa maro la tolay taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Shoortigu wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee surwaalka dabagaabka waa waxaa ka mid ah gaabnida uu ku joogo jilbaha, jeeb iyo galuusyo (badhan).[2]

Magaca

Ereyga Shorty asal ahaan waa mid Af-Ingiriis ah oo waxaan ka soo xiganahay luuqadaasi Ingiriiska ereyga Shorty.[3]

Dharka

Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar‎) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[4] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[5][6]

Sidoo kale fiiri

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac

  1. Barber, Elizabeth Wayland (1994). Women's Work. The first 20,000 Years, p.135.Norton & Company, New York. ISBN 0-393-31348-4
  2. William L. Brown III, "Some Thoughts on Men's Shirts in America, 1750-1900", Thomas Publications, Gettysburg, PA 1999. ISBN 1-57747-048-6, p. 7
  3. Dorothy K. Burnham, "Cut My Cote", Royal Ontario Museum, Toronto, Ontario 1973. ISBN 0-88854-046-9, p. 14
  4. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 23–25
  5. "surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha"
  6. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 54