Shubaal Maax

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Shubaal Muumin Maax)
Shubaal Maax
شوبال المؤمن ماهي
Shubal Mumin Mah
UdhashaySoomaali
Ku dhsahayBoosaaso
DhashayJanaayo 1959 ( 65Jir)
Boosaaso Bari Soomaaliya
U daacadaCiidanka
Ka howl gala/QaybtaCiidanka Boliiska soomaaliya
Sanadaha shaqada1980-Ilaa Hadda
DarajedaGaashaanle
KatirsanCiidanka Boliiska Soomaaliyeed
HogaankiiDagaalo tiro badan.
Bilado?
Guursaday?
XiriirSaraakiil Soomaali Iyo kuwo Caalami ah
shaqooyin KaleKa Talo bixinta Tayaynta & Dib u dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliya

Gashaanle Shubaal Maax wuxuu ka tirsan yahay Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wuxuu ku Dhashay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Wuxuu ka mid yahay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ugu Hawl karsan, Wadanisan, Dhowra Kuna Adadag Saraynta sharcgia Iyo Saraynta Karaamada shicibka Soomaaliyeed.

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Gashaanle Shubaal Muumin Maax oo loogu yeero Gaashaanle Shubaal waxbarashadiisa Hoose Dhexe wuxuu ku qaatay Iskoolka Boosaaso Public Secondary ee magaalada Boosaaso. waxbarashada Dugsiga Sare wuxuu ku qaatay Banaadir sare ee Magaalada Muqdisho. wuxuu Aaqoonta Jaamacadeed ku qaatay Jaamacada Umadda Soomaaliyeed "Somali National University" oo uu ka qaatay Koorso Diblooma ah

Wuxuu ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliya Sanadii 1974 wuxuuna tababar ku qaatay kulliyada tababarka ciidanka ee Iskool Polisiye ee magaalada muqdisho. Gaashaanle Shubaal wuxuu ka shaqeeyay qaybo badan oo Ciidanka Booliska Soomaaliya ah Isagoo ka qabtay xilal tababar, xilal hawlgal iyo xilal hogaamineed.

G/ Shubaal wuxuu muujiyay Hawlkarnimo dheeri ah, Daacadnimo iyo Hufnaan mudada dheer uu ka tirsanyahay Ciidanka Booliska Soomaaliya . Wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii ugu horaysay ee isu duway waxna ka asaastay Ciidanka boliiska Puntland.

Dhowrkii sano ee u damaysay wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Soomaaliyeed ee Ka howl galaysay gobolada Woqooyi Bari ee Puntland gaar ahaan Dekeda Boosaaso Iyo Kulliyada tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Carmo. Waa sarkaal qadarin iyo ixtiraam badan ku dhex leh Ciidanka Booliska Soomaaliya gaar wixii burburka ka dameeyay oo uu Sarkaalku ka shaqaynayay dib u dhiska Ciidan Boolis tababaran oo ka hanaqaada una Adeega shacabka gaar ahaan gobolada Woqooyi bari oo uu Sarkaalku joogay.

Shubaal waa shaqsi ku Adadag saraynta sharciga, saraynta karaamada shacabka iyo karaamada Ciidanka Booliska Soomaaliya Waana Shaqsi ku Hanweyn kuna dadaala Inuu hanaqaado ciidan Boliis soomaaliyeed oo tababaran, ayna u dhamaystiran yihiin dhamaan Agabyada ciidan ee daruuriga ah Kana muuqato Asluub & haykal ciidanimo.