Talk:Axmed Siilaanyo

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Talk:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo))

aariikhdiisa oo kooban

Axmed Maxamed Maxamuud Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo" wuxuu ku dhashay tuulada Dheryalay oo ka tiran degmada Ballidhiig ee gobolka Togdheer. Waxbarashadiisii hoose wuxuu ku dhamaystay magaalada Shiikh. Waxbarashadii dugsiga sarena wuxuu ku qaatay dugsiga sare ee Camuud (Ah Jaamacada Camuud imika) ee magaalada Boorame.

Markuu waxbarashadiisa dugsiga sare dhamaystay sannaddii 57kii Mr. Siilaanyo wuxuu u kicitimay dalka Ingriiska halkaasuu ka sii watay waxbarashadiisii sare. Sannadkii 1958kii-60kiina wuxuu magaalada London ee carriga Ingiriiska ku qaatay waxbarashadii diyaar garawga jaamacadda ee advanced level. Sannadkii 1960kii wuxuu waxbarashadiisii jaacamadeed ka bilaabay Jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska waxaanu bartay cilmiga dhaqaalaha Sannadku markuu ahaa 1965kii wuxuu jaamacadda Manchester ku dhamaystay waxbarashadiisii jaamacadeed waxaanu ka qaatay ashahaada sare ee Masterka.

Mr. Siilaanyo markuu dhamaystay waxbarashadiisa jaamacadeed wuxuu Kusoo noqday dalka si uu cilmigiisa uga faa’ideeyo dalkiisa iyo dadkiisaba. Waxaanu dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliya kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin wasiiro sida wasiirka dhaqaalaha. Taariikh nololeedkiisa

Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo wuxuu ku dhashay Degmada dheryaley ee gobolka Togdheer

Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose .Dhexe. ilaa dugsiga sare wuxuu ku dhammaystay Dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946kii ilaa iyo 1960kii.

1960kii ilaa iyo 1965kii wuxuu Axmed Siilaanyo ku jiray jaamicadda Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaasoo uu ku qaatay shahaadooyinka Bachelar degree iyo Master ee cilmiga dhaqaalaha.

Intii u dhaxaysay 1965kii ilaa Oktoober 1969kii, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii maaliyada ee dawladdii Soomaaliya ee rayidka ahayd, isagoo gaadhay darejada Agaasime Guud.

Markii militerigu taladii dalkii Soomaaliya afgambi kula wareegeen 21kii Oktoober 1969kii, waxaa Axmed Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta. Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha qaranka ilaa 1982kii oo uu ka goostay dawladdii kacaanka.

1982kii, oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii dhaqdhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM , isagoo noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London.

Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM. 18 May 1991kii shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen goonni isutaaga Somaliland wuxuu Axmed Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega.

Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993kii ilaa 1997kii. 1997kii ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo wasiirka wasaaradda Qorsheynta, isagoo markii danbe iskii isu casilay.

Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE oo uu guddoomiyena ka noqday. Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 Cod, taasoo ay aqbaleen.

Mar kale ayaa Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE, uu hadda u soo Sharraxay Axmed Siilaanyo tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010, isagoo madaxweyne ku xigeenna u sharaxan yahay xisbigiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, oo loo yaqaanno Zeylici.

Axmed siilaanyo wuxuu leeyahay 5 caruur ahoo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo ay u dhashay xaaskiisa Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirdde.