Talk:Warood

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Talk:Degmo)

Degmada Afgooye[wax ka badal xogta]

DHIBAATOOYINKA KA DHACAY DEGMADA AFGOOYE LAGA SOO BILAABO 1993------2023

Georgical:  Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay ka tirsan tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waa xarunta degmada Afgooye. Afgooye waa magaalada saddexaad ee ugu weyn dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Afgooye waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimsan dooxada Shabeellaha hoose, waxayna 30 KM dhanka waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho.

Istiraatiiji:Afgooye waa Magaalo Istiraatiiji ah oo ay maraan Wadooyin badan, waxaana ay xiriirisaa magaalada Muqdisho iyo gobalada kala ah Jubada Dhexe, Jubada Hoose, Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool oo ah dhamaantoodba gobolo gacan ku heyntooda uu hadda loolan Militeri ka jiro oo qofkii maamulaana ay u fududeyneyso in meelo badan ay gacantiisa soo gasho

Sidoo kale Degmada Afgooye waxa ay Xudun u tahay gobalka Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobalada ugu Kheyraadka badan marka laga hadlayo dhinaca wax soo saarka Beeraha dalka Soomaaliya, waxaana dhexmara Webiga Shabeelle.

Taariikha ahaan Degmada Afgooye.

Degmada Afgooye waxa ay kamid ahayd Magaalooyinkii qeybta ka ahaa Dhulkii uu gumeystay Taliyaaniga ee la oran jiray Somali Italiano 1908, Qarnigii 19-aad.

Afgooye waxa ay ahayd 1980, magaalo ay maalgashi ku samayn jireen Wadamada Khaliijka, maadaama magaalada ay caan ku ahayd wax soo saarka Dalaga Muuska.

1980-kii, Bishi Ramadaan, Afgooye waxaa booqday Boqorkii ka talin jiray dalka Kuwait, si dalkiisa maalgashi ugu sameeyo magaaladaasi.

Maamulo kala duwan ayaa soo maray Afgooye tan iyo Burburkii dalka soo maray, waxaana ugu danbeeyay Qabqable Yuusuf Indha Cade iyo Kooxda Al-Shabab oo in ka badan 3-sano soo maamulaysay, balse had Maglaada ka taliyaan Dowlada iyo Al-shabaab.


Population: shacabka ku nool Degmada Afooye waxa lagu qiyaasaa Tira ahaan ku dhawaad (79,400) Ruux.


Degmadu waxey leedahay dhul beereed aad u baaxad weyn. Bartanka Magaalada Waxaa Mara Wabiga Shabeele oo ah Wabiga ugu dheer somaaliya Magaaladu Waxey leedahay Laba Buundo oo aad u Qurux badan, Sidoo kale Magaalada waxaa loogu kala goosha doonyo ka Sameysan alwaax oo loogu kala gudbo karo wabiga labadiis dhinac.

Degamadu waxaa ku yaalo Suuqa ugu weyn ee ka ganacsiga xoolaha nool ee gobolka shabeelaha hoose.


Xaafadaha& Qabaailka Deegaanka

Xaafadaha:

Degmada waxey ka koobantahy Xaafado aad u tiro badan hadii aan kasoo qaadano kuwo Caansan Waxaa ka Mida :

1.    Xaafada Xaawo taako: oo ku taalo dhanka bari ee magaalada waxaa rugta ganacsiga ee degmada

2.    Xaafada 21ka Oktoobar: oo ku taalo dhanka galbeed ee magaalada

3.    Xaafada Damaleey

4.    Xaafada Dhagaxtuur

Degmada waxaa hoos imaada Tuulooyin aad u fara badan .

Qabaailka deegaanka:

Degmada Qabaailka ugu badan ee Daga Waxaa ka Mid ah : Galadi iyo Bagadi gaar ahaan lafta la yiraah abaasaad iyo Garre Murusade iyo Wacdaan Cismaan .

Waxbarasha & Caafimaadka:

Waxbarashada:

Nidaamka Waxbarasha Degmada Afgooye waa Mid lamida guud ahaan wadanka Somaliya, Tan iyo Burburkii dowladii dhexe ee Soomaliya Nidaamka wax barsho ee wadanku waxuu ku jiray xalado aa d u adag blse Waxaa gacanta ku hayay Nidaamka Daladaha..

Dugsiyada Sare ee Ugu Caansan Degmada Waxaa Ka Mida:

1.    Aala Yasir Primary&Secondry School

2.    Abii-Musa Primary&Secondry School

3.    Al-Qasimi Primary&Secondry School

4.    Al-Isra Primary&Secondry School

5.    Al-Madina Primary&Secondry School

6.    Al qalam Primary&Secondry School

Caafimaadka:

Degmadu waxey leedahay isbitaalo caafimaad oo la tacaala bukaanka xanuunsan. 89.211.99.95 18:18, 8 Jannaayo 2023 (UTC)[reply]