Talk:Jawle
Hadal ku darJowle: waa dagmo ka mid ah degmooyinka kaabiga ku haya magaalada qadiimiga ah ee Xarardheere. Waa tuulo ka wayn u muuqata degmo buuxda oo ku talaabsaneysa hormar xagga tabcashadda iyo deegaameenta ah. Waxay caan ku tahay tacabka beeraha waliba digirta oo ah dalagyada ay isticmaalaan caankana ay ku yihiin dadka dagan degmada Jowle ee gobolka mudug. Inkastoo aanay dowlad goboleedka Galmudug wali u aqoonsan dagmo hadan waxa ay dadka dagani rajeynayaan in ay helaan xaqa ah in Jowle ay noqoto dagmo ka mid ah degmooyinka gobolka Mudug. Dadka dagani waxay caan ku yihiin nabadda iyo soo dhaweynta martida waxay kaloo caan ku yihiin saqinimada iyo barashada quraan kariimka ah.
Eiditing
[wax ka badal xogta]I think it's a great Cabdixakiim nuur ciid cabdulle (wadahadal) 21:02, 30 May 2021 (UTC)
Dagmada Jowle
[wax ka badal xogta]• Dagmada Jowle ee gobolka Mudug. Dagmadani waxa ay dagmo noqotay 1985tii. Inkastoo si qabyaaladeysan loo jaan duugay dowladii kacaankana ay dagmanimadeedii laashay hadana wali waxa ay aaminsanyihiin dadka dagani in ay dagmo buuxda tahay.
Dagmooyinkii ay isku qaanada ku jireen waxaa ka mid ahaa dagmada Galhareeri iyo dagmada Balanbale oo labadaba ka tirsan Gobolka Galguduud.
Inkastoo si qabyaaladeysan wali loo majo xaabinayo hadana waxa ay dadkeedu u aqoonsanyihiin in ay dagmo tahay.
Dhawaan waxaa la soo saari doonaa xeerka aqoonsiga dagmooyinka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug waxayna ku jirtaa Dagmooyinka lagu dhawaaqi doono insha allah.
Dagmadani waxaa dhamaanteed dagan Jufada Habar gidir ee Saruur, kuwaas oo dagan 58% dagmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Abdihakim Nour Eid (wadahadal) 23:50, 29 Oktoobar 2021 (UTC)