Talk:Liiska Afhayeenada Baarlamaanka Soomaaliya

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Magaca Haboon: Diiwaanka Afhayeenada Gollaha Shacabka Soomaaliya.

Way wanagsantahay in tifaftirayaasheena so.wikipeida.org inay ku dadaalaan hirgelinta magacyo ku haboon qoraalada ku jira barta Wikipedia iyo ereybixin guud oo aan ku wada dadaalno.

Jiilasha dambe ayaa noo mahadcelin iyo waliba dadka hada sida saxda ah Af Soomaali wax ugu qora. Maalin dhawayd Professor jooga California USA ayaa warqad ii soo diray; Nabadgelyo ayuu ugu dambaysiiyay. Goormaa ugu dambaysay oo qof Soomaali ahi sidaas salaan ku ebyo warqadiisa?

Qof waliba qaamuus ama af garad Af Soomaali ah oo waafi ah ha yeesho; buugtaa suugaan ahna ha akhristo hana iibsado intuu awoodo buugta badan ee tan 1972 la qoray.

Maanta Maayo 8 waxaa ku qoran bogga hore ee qaybta Af Soomaaliga ee Wikipedia saxitaan ku saabsan ereyada "dowlada federaalka" iyo "dastuustuurka federaaalka" iyada oo ay haboontahay sida uu bogga tibaaxayo in la yiraah "Dowlada Jamhuuriyada" iyo "Dastuurka Jamhuuriyada."

Tifaftirayaasha maadama qaybiyaha (server) ay dariq ama marin wax ka badal u leeyihiin, fadlan ha ku dadaalaan inay arinta magacyada khaldan ee qodobada Af Soomaaliga wax ka qabtaan. Mahadsanidiin.

Jawaab Ku saabsan[wax ka badal xogta]

Waa ku salaamay Baardheere, waad ku mahadsantahay soo jeedintaada ee ah erey-bixinta, laakiin aniga Liis iyo Diiwaan, waxay ila tahay in ay kala duwantahay maxaa yeelay diiwaan waxaa iska leh Dawladaha iyaga ayaa Diiwaan-geliya waana wixii la kaydidiyey hadii aan si kale udhigo Diiwaan gelin waa wax la qorayo, laakiin wixii qornaa markii la doonayo in dadka latuso waxaa ciwaan looga dhigayaa LIISKA Tusaale ahaan English:- List of Speakers of the Parliament of Somalia Liiska Afhayeenada Baarlamaanka Soomaaliya.

Tan kale ee ah Baarlamaan = Golaha shacabka, waa wax isku mid ah.

Waad ku mahadsantahay waana arrimo loo baahanyahay in la iska saxo wxii qalad ah waxaanka ku xusi kartaa ama aad ku soo ban dhigi kartaa goobta wikipedia. Abshirdheere 19:02, 8 May 2013 (UTC)