Template:Portal:Siyaasadda/Saxaafad

Ka Wikipedia

File:Siyaad Barre.jpg

File:Aadan Cade.jpg

  • Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan Cadde" (carab:أدم عبد الله عثمان دار) Waxaa uu ku dhashey magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya sanadkii 1908 wuxuuna ku geeriyoodey magaalada Neyroobi ee dalka Kenya 8 Juun 2007. Wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada Qur'aanka, dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba ku qaatay magaalada Muqdisho.

Wuxuu wax ka bartay maamulka dowladnimo, wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee SYL bishii Febraayo sanadkii 1944. Sanadkii 1946 wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee xisbigaas, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbigaas ee degmada Beledweyne.