Tomas Edison

Ka Wikipedia
Thomas Alva Edison
A Day with Thomas Edison (1922)

Thomas Alva Edison 1847-1931 waxa uu ahaa ikhtiraacaa mareykanka udhashay oo salkiisi kasoo jeedo wadan Holland, waxa uu kudhashay tuulo lagu magaaco milan oo ka tirsan gobolka Ohio yaraantiisii waxba kamuu baranican u xanaanysay hooyadii kadib tomas waxa uu muujiyay fariidnimo iyo maskax badni halkaas oo uu caalamka kusoo kordhiyay waxyaabo badan oo maanta la aantood aan la joogi karin waxyaabaha uu toams edison alifay waxa kamida lambada.mekrifoonka, madbacada maanta wax lagu daabaco waana qofkii ugu horeeyay ee sameeya sawirada maanta looyaqoono kartoonka ee tvga kasoo baxa waxa uu edison alifay in kaban kun shay. waxa uu guursaday laba jeer naagtiisii hore waxa ay dhimatay iyada oo yar.waxaanuu dhalay lix caruur ah waxa uu dhinatay sanadii 1931dii.

Noloshiisii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tomas edison waxa uu kudhasahy tuulada milan ee gobolka Ohio ee wadanka mareykanka 11-04-1847 waxa uu kabilaabay shaqada iibinta joornaalada oo uu ku iibinjiray barta ay tareenadu ka baxaan. waxa uu arkay oo soojiitay daabacaada iyo sida waxloodaabaco wuu u samray waanuu bartay sanadii 1862 ayaa waxa uu bilaabay in uu soosaaro jariidad uu ugu magacdaray (Grand Trunk Herald) wax kasta oo uu sameeyana waxaa mudnaanta koobaad lahayd hooyadii marwo maari taas oo ahayd macalin bara dadka suugaanta iyo gabayada iyo sida wax loo akhriyo.hooyadan aadka u fiicane ayadaa wiilkeeda waxbartay kadib markii macalimiintii dugsigu soo eryeen iyagoo kusheeg dabaal aan waxba baranayn hooyadii waxay u jecleyd si aada.

Thomas Edison oo yar

Waxa kale oo uu kasoo sheqeeyay goob laga diro tilifoonada oo kutaala boosteejada tareenada taas oo u sahashay in uu sameeyo aaladii uguhoraysay ee tiligaraaf ah guulo ayuu ka gaadhay shaqadiisa kadib waxa uu u guuray magaalda Boston ee gobolka Massachusetts waxaanuu sanadii 1876 halkaas ka aasaasay xarun cilmi baadhis waxaanuu ku ikhtiraacay aalada looyaqaano Phonograph kaas oo sameeya duubiska codka kadib labo sano waxa uu ikhtiraacay ikhtiraaciisii ugu waynaaa ee ilaa hada lagu xasuusto kaas oo ahaa laambada Lamp (electrical component) dhab ahaantii waxa uu bedelay edeson waxyaabo badan caalamku ediso kahor lambad muulahayn