Ufurow

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Ufurow waa Degmo ka tirsan gobolka Baay waa Degmada dhaqalaheda uuku tiirsan yahay dhanka wax soosaarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha.

ufurow waxaa ay ka kooban tahay laba waaxood oo kala ah Iftin iyo Xaawa Taako hasse ahaate magaalada waxaa ay leedahey xaafado badan sida:

  • Habriirow
  • Buula Galoole
  • Buula Gadood
  • Tugeerey
  • Shakar

Ufurow waa degmada kaliya ah ee Baay ka tirsan ee uu soo gaaro webiga Jubba waxaana uu ka maraa dhanka loo yaqaano Gowraar waxaana ku yaalla haatan beero ay sameysteen Qurba Joogta iyo ganacsato reer Gobolka Baay ka tirsan.

Ufurow waxaa ay kaloo caan ku tahay barshada diinta Islaamka waxaana ka jira dariiqooyin qurux badan sida Saalixiya. waxaa kaloo magaalada ay caan ku tahay nabadda waxaana laga xusi karaa dadkii nabadda ku caan baxey ee soo marey

  • Sheekh Ibraahim Mayloow AUN
  • Xaaji C/latiif Xaaji AUN
  • iyo Malaaq Isaaq Ibraahim AUN


Ufurow waxaa kuyaala mid kamid ah misaajidaha ugu wayn gobolka Baay iyo Bakool.