Jump to content

Ugaas

Ka Wikipedia

Ugaas waa hoggaamiye dhaqameed Soomaaliyeed oo bulshada u qaabilsan mideynta, xallinta khilaafaadka iyo ilaalinta xeerarka dhaqanka. Ugaasnimadu waa hay’ad dhaqan oo soo jireen ah, waxaana badanaa lagu dhaxlaa qoys ama qolo gaar ah, inkasta oo deegaano qaarkood ugaaska lagu doorto hab gole dhaqan.

Ereyga “Ugaas” waxaa mararka qaar loo adeegsadaa si lamid ah hogaamiyeyaal dhaqameed kale oo Soomaaliyeed, sida Suldaan, Garaad, Boqor ama Malaaq, iyadoo ku xiran deegaanka iyo beesha uu ka dhashay.

  • Xallinta iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka bulshada.
  • Ilaalinta iyo fasiraadda xeer dhaqameedka.
  • Ka qayb qaadashada nabad-dhisidda iyo heshiisiinta.
  • U noqoshada astaan mideysa bulshada uu hoggaamiyo.