U bood nuxurka

Ugaas Muxumed Cumar Ugaas

Ka Wikipedia

Ugaas Muxumed Ugaas Cumar Ugaas Xuseen wuxuu ka mid ahaa ugaasyadii ugu caansanaa ee soo maray beesha Ogaden, wuxuuna xilka Ugaaska la wareegay kadib geeridii aabihii Cumar Ugaas. Wuxuu si rasmi ah u hoggaaminayay Saldanadii Maalinguur, oo door weyn ku lahayd difaaca iyo hoggaaminta beesha.

Markii uu Ingiriisku iyo ciidamadii Soomaalida rayidka ahi isku dayeen inay galaan Carrada Ogaden, Ugaas Muxumed Cumar Ugaas wuxuu hogaaminayay dagaallo waaweyn oo looga hortagay duulaankaas, isagoo jab xoogan u geystay ciidankii isbahaysiga, Taasoo ciidamo ay hogaaminayeen Sarhaye cali Duule iyo khaliif cumar ugaas uu ku diyaariyay Sagag

Sanadkii 1936, dagaalkii u dhaxeeyay Boqortooyadii Itoobiya iyo Xoogaggii Talyaaniga ayaa gilgilay Geeska Afrika. Ugaas Muxumed Cumar Ugaas wuxuu door muhiim ah ka qaatay dagaalkaas, isagoo ku caan baxay hoggaan ciidan iyo xeelad dagaal oo heer sare ah. Wuxuu si buuxda ula safnaa dagaalyahannadii Soomaaliyeed ee ka qayb qaadanayay dagaalka, wuxuuna noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha iyo dibadda.

Xilligaas, warbaahinta caalamiga ah ayaa si weyn u falanqeysay doorkii Ugaaska, waxaana lagu xusay wargeysyada waaweyn sida:

NUOVA ANTALOGIA (Wargeys Talyaani ah)

Hong Kong Daily Press

Glos Narodu (Wargeys Polish ah)

• Iyo wargeysyo kale oo caalami ah

Dagaalkii Toga Sululeed (1945)

Sanadkii 1945, Ugaas Muxumed Cumar Ugaas wuxuu markale hoggaamiyay dagaal xooggan oo uu ku jabiyay ciidamadii British, kuwaas oo dhimashadu gaadhay 100 askari iyo 6 sarkaal. Dagaalkani wuxuu ka dhacay Toga Sululeed, wuxuuna ka dhashay kadib markii Ingiriisku isku dayay inuu farageliyo dagaal beeleed ka dhex dhacay Maalinguur iyo Reer Isaaq.

Buugaag badan oo taariikheed ayaa xusaya dhacdadan, oo ay ka mid tahay buugga ay qortay taariikhyahannadii reer Britain ee ay ka mid ahayd Sylvia Pankhurst, taasoo si qoto dheer u falanqeysay doorkii Ugaaska iyo dagaalladii uu hogaaminayay.

Dhaxalkiisii & Taariikhda uu Ka Tegay

Ugaas Muxumed Cumar Ugaas wuxuu ahaa hoggaamiye caqli iyo xeelad dheer leh, oo kaalin weyn ka qaatay dagaalladii lagu difaacayay dhulka Ogaden iyo halgankii Soomaalida. Waxaa lagu xasuustaa:

• Hoggaan geesinimo leh

• Taariikh qoran oo caalami ah

• Jabinta ciidamadii Ingiriiska iyo rayidka Soomaalida ee isbahaysiga la ahaa

• Ka qayb qaadashadii dagaalkii Talyaaniga & Itoobiya