U bood nuxurka

Urweyne

Ka Wikipedia
Urweyne
Meelaha ay ku badan yihiin
Djibouti
Ethiopia (Sitti Zone)
Somaliland (Salal Region, Awdal)
Luqada

Somali

Diinta

Islam (Sunni)

Urweyne (mararka qaarkood loo qoro Urweyn), magaciisa dhalasho uu yahay Maagtire Geele, sidoo kale loo yaqaanno Wakhroon Sama Arag, waa shakhsiyad taariikhi ah iyo oday-dhaqameed dhalasho ahaan ka mid ah lixda wiil ee uu dhalay odaygii weynaa ee Ciise Madoobe Dir. Tafiirtiisa iyo faracooda maanta waxa loo yaqaannaa Beesha Urweyne (oo ka tirsan garabka Abgaal ee beesha Ciise), waxayna si baahsan u degaan waddanka Jabuuti, Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyo Somaliland.

Abtirsiga iyo magaca

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Urweyne wuxuu dhalasho ahaan ku abtirsadaa dunjiga weyn ee Ciise Madoobe Dir. Hooyadii waxay ka dhalatay qabiilka Sharifaan ee Wakhroon, taas oo keentay in loogu magacdaro qabiilkii hooyadiis, loona yaqaanno Wakhroon Sama Arag. Magiciisa rasmiga ah ee dhalasho se waa Maagtire Geele[1].

Urweyne wuxuu la dhashay shan walaalo ah oo uu wada dhalay odaygii Ciise Madoobe[1], kuwaas oo kala ah:

  • Ceeleeye Ciise (Curadkii)
  • Waladoon Ciise
  • Holleh Ciise
  • Wardiiq Ciise
  • Horoneh Ciise

Saddexda walaalo ah ee hore (Ceeleeye, Waladoon, iyo Holleh) waa isku hooyo oo waxa dhashay Xawa Aw Muuse (oo loo yaqaan Bah Madigan), halka Urweyne (Bah Wakhroon) , Wardiiq( Bah Sheekhal) iyo Horoneh (Bah Rooney, Akishe) ay kala hooyo yihiin, taas oo ka dhigaysa lixda wiil ee Ciise Madoobe kuwa wada dhashay dhanka aabbaha (Walaal-Abbo).

Taariikhda iyo dhalashada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Urweyne wuxuu ku dhashay meel hadda xaddidnaan ahaan ku beegan Gobolka Sanaag ee Somaliland. Sida ku xusan taariikh-dhaqameedka la iska dhaxlay, qabrigiisu wuxuu ku yaallaa deegaanka Ceel Afweyn, gaar ahaan dixooyinka baaxadda leh ee loogu magac daray Aw Urweyne, Ceel-Urweyne, ama Laas-Urweyne. Deegaankani wuxuu qiyaastii 25 ilaa 35 km u jiraa tuulada xeebta ah ee Ceelayo iyo degmada Laasqoray, halkaas oo la rumeysan yahay inuu ku aasay walaalkiisii curad ee Ceeleeye Ciise Madoobe.

Urweyne wuxuu guursaday isagoo da' ah (oo lixdan jir kor u dhaafay), wuxuuna guursaday gabadh uu oday u ahaa (isirka awoowo ugu toosan) oo la oran jiray Fadumo Ibraahim (Gulane) Sacad Muuse Ceeleye Ciise[1]. Waxay u dhashay laba wiil oo u noqday faracyada ugu waaweyn:

  1. Cabdalla (Curadkii)
  2. Fiqi

Geedka Abtirsiinta

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dhaqan ahaan, abtirsiinta beesha Urweyne waxay u kala baxdaa labada jufo ee Cabdalla iyo Fiqi, kuwaas oo u sii qaybsama sidatan:

  • Urweyne (Maagtire Geele)
    • Cabdalla
      • Fataax
      • Yoonis
        • Axamad
          • Khaalil
          • Ali
          • Geedi (Geedi Madow)
            • Xildid
              • Hiraab
                • Faraax (wuxuu dhalay: Geele-Samatar, Sharmaarke ((Odaygii uu ka tafiirmay Caaqil Geedi Amare Samatar)), iyo Duule)
                • Wadhowre (wuxuu dhalay: Wacays iyo Barre)
              • Adaal
                • Xareed
                • Wacays
              • Geele Casse
                • Wadhowre
                  • Buux (wuxuu dhalay: Cajab iyo Casowe)
                  • Rooble-Fod
                • Cumar (wuxuu dhalay: Rooble)
                • Baahdoon
              • Geedid
              • Samatar
            • Dudub (wuxuu dhalay: Xareed-Madax Weyne iyo Geed Bidar)
        • Saalim
        • Ali Gurane
    • Fiqi
      • Muuse
      • Xuusen
        • Abiib
        • Ali (Odaygii uu ka kaxay Sheekh Cali Sabiix)
        • Iidle
                                    [ URWEYNE (Maagtire Geele) ]
                                            │
                  ┌─────────────────────────┴─────────────────────────┐
                  │                                                   │
            [ CABDALLA ]                                           [ FIQI ]
                  │                                                   │
            ┌─────┴──────────┐                                  ┌─────┴──────────┐
            │                │                                  │                │
         [ Fataax ]     [ YOONIS ]                           [ Muuse ]      [ XUUSEN ]
                             │                                                   │
                  ┌──────────┼──────────────┐                       ┌────────────┼────────────┐
                  │          │              │                       │            │            │
              [ Axamad ] [ Saalim ] [ Ali Gurane ]               [ Abiib ]    [ Ali ]      [ Iidle ]
                  │                                                            │
            ┌─────┼──────────┐                                            (Sheekh Cali Sabiix)
            │     │          │
         [Khaalil][ Ali ] [ GEEDI (Geedi Madow) ]
                             │
                  ┌──────────┴──────────┐┴──────────┴──────────┴───│
                  │                                                │
              [ XILDID ]                                        [ DUDUB ]
                  │                                                │
        ┌─────────┼─────────┐                                ┌─────┴──────────┐
        │         │         │                                │                │
    [ HIRAAB ] [ ADAAL ]     [GEELE CASSE]                   [Xareed]    [Geed Bidar]
        │         │                │
        │         │                └─────┬───────────┬───────────┐
        │         │                      │           │           │
        │     ┌───┴───┐               [Wadhowre]   [Cumar]    [Baahdoon]
        │     │       │                │           
        │  [Xareed] [Wacays]           │         ───[Rooble]
        │                              ├───────────┐
  ┌─────┴─────┐                        │           
  │           │                     [ Buux ]       [Rooble-Fod]

[Faraax] [Wadhowre] │

  │           │                     ┌──────┐
  ├────────┐  ├──────┐             │       │
  │        │  │      │           [Cajab] [Casowe]

[Geele- [Shar-[Duule][Wacays][Barre]

Samatar] maarke]

Shakhsiyaadka canka ah ee taariikhda reer Urweyne

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Beesha Urweyne waxay taariikhda reer Guuraaga iyo dhismaha qaranka Jabuuti ku leedahay raad aad u weyn, waxaana ka dhashay geesiyaal iyo culimo caan ah oo ay ka mid yihiin:

  • Geedi Axamad Yoonis Cabdalla (Geedi Madow): Isaga iyo tafiirtiisa waxaa taariikhda lagu tilmaamaa inay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee Ciise ah ee dega Buur Uguul (oo hadda ah Jabuuti). Geedi iyo labadiisa wiil ee Xildid iyo Dudub ayaa fariisin ka samaystay agagaarka Buur Uguul, kadib markii ay iyaga iyo Aardo Adan Galan Wadhowre (Yoonis Muuse reer Macalin) dhowr boqol oo sano ka hor dagaal adag la galeen qowmiyadihii deegaankaas degganaa, gaar ahaan meelaha la yiraahdo Muuse Tuure iyo Xeebta Carta. Faraca Xildid iyo Dudub waxay ilaa maanta si joogto ah u deggan yihiin Buur Uguul oo qayb ka ah Gobolka Cali Sabiix, Carta, iyo Jabuuti.
  • Sheekh Cali Xuusen (Cali Sabat / Cali Sabiix): Wuxuu ahaa sheekh iyo caalim weyn oo ka tirsanaa Urweyne, gaar ahaan reer Fiqi (reer Xuusen). Magaalada caanka ah ee Cali Sabiix waxaa loogu magac daray sheekhaas, qabrigiisuna wuxuu ku yaallaa agagaarka magaaladaas.
  • Geedi Amare Samatar (Geedi Gaab): Wuxuu ahaa hoggaamiye dhaqameed miisaan culus ku lahaa bulshada, isagoo soo noqday Caaqilka Guud ee beesha Ciise ee Jabuuti xilligii gumeysiga Faransiiska. Wuxuu xaddidnaan ahaan ka dhashay Urweyne, gaar ahaan faraca Cabdalla Geedi Madow (reer Xildid).

Deegaanka iyo fiditaanka maanta

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tafiirta ka tafarucday labada jufo ee Cabdalla iyo Fiqi (Beesha Urweyne/Abgaal) waxay maanta si rasmi ah u degaan dhul-daaqsimeedyo, tuulooyin, iyo magaalooyin waaweyn oo ku kala yaalla saddex dal oo Geeska Afrika ah. Sababtoo ah inay yihiin bulsho isugu jirta xoolo-dhaqato iyo reer magaal, deegaannadooda rasmiga ah waxa ka mid ah:

1. Jamhuuriyadda Jabuuti

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Jabuuti waa xarunta siyaasadda iyo maamulka ee beesha, waxayna si gaar ah u degaan:

  • Gobolka Cali Sabiix: Qaybo ka mid ah miyiga gobolka iyo dhulka xadka xiga ee xoolo-daaqsinka.
  • Gobolka Carta: Gaar ahaan nawaaxiga caasimadda labaad ee Carta iyo deegaannada iyo tuulooyinka hoos yimaada ee kala ah: Weeca, Cumar Jagaac, Duuda, Dameerjog, PK20, Kurtimaley, Gabla Qalane, Badha yar, Geed Qarweyne, PK 51, Nagaadh, Cali Cunay, Cantar, iyo Shabeeley.
  • Caasimadda Jabuuti: Degmooyinka magaalada dhexdeeda ah ayay ku leeyihiin degitaan joogto ah iyo ganacsiyo ballaaran.

2. Ismaamulka Soomaalida Itoobiya (Gobolka Sitti)

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Gobolka Sitti waa dhulka ugu ballaaran ee reer miyiga iyo xoolo-dhaqatada beeshu ku fidsan tahay, gaar ahaan:

  • Degmooyinka iyo Deegaannada: Cafdem, Casbuli, Lafo Cisse, Garba Cisse, Cundhufo, Cadayti, iyo Gaadh Madow (gaar ahaan dhulka miyiga ah ee u dhexeeya xadka Jabuuti iyo jidka tareenka).
  • Degmada Erer iyo Shiniile: Deegaannada ku teedsan xariiqda tareenka ee isku xira Jabuuti iyo Diridhaba.
  • Aysha’a iyo Coble: Waxay u guuraan deegaannadan xilliyada abaaraha ama daaqsinka raadiska.

3. Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland)

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dhanka Somaliland, beesha Urweyne waxay deegaan ku leedahay gobolka Salal:

  • Degmada Saylac iyo nawaaxigeeda: Gaar ahaan dhulka miyiga ah ee fidsan ilaa xadka dalka Jabuuti (dhanka dacallada Xeebta iyo dhulka gudaha ah ee daaqsinka u wanaagsan) iyo guud ahaan Gobolka Awdal.
  1. 1 2 3 Ibraahim Axmad Cali. Aaya-Reeb: Kab Dhexeeye Sooyaalk Xeer Ciise. Jabuuti. Naadiga Qalinleyda iyo Hal'abuurka Soomaaliyeed.2016

Qaybta:Beelaha Soomaalida

Qaybta:Taariikhda Soomaalida