User:شيخ عبد الرحمن
Qabri Bayax
Qabri bayax
| |
|---|---|
Magaalada | |
| Isku-duwayaasha: 9°21′N 42°48′E / 9.35°N 42.80°E | |
| Wadanka | Itoobiya |
| Gobolka | Somali |
| Dawladda | |
| • Nooca | Mayor |
| • Mayor | Khalid Maxamed |
| Joogga | 1,609 m (5,279 ft) |
| Dadka (2023) | |
• Wadarta | 543,272 |
| Aagga waqtiga | UTC+3 (EAT) |
| Lambarka boostada | 3050 |
| Koodhka goobta | +251 |
| Websaydhka | https://unhabitat.org/kebribeyah-settlement-profile-somali-region-ethiopia |
Qabribayax (Af Ingiriis: Kebri Beyah) waa magaalo ku taalla Gobolka Faafan ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Waxay hore u ahayd magaalo-madaxda gobolkii Awraaje Zone xilligii dowladdii Derg, balse hadda waa degmo ka tirsan gobolka Faafan.
Juqraafi
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Qabribayax waxay ku taallaa isku-duwayaasha 9°21′N 42°48′E, waxayna ka mid tahay magaalooyinka muhiimka ah ee Deegaanka Soomaalida. Magaalada iyo nawaaxigeeda waxaa dhexmara waddo laami ah oo isku xirta Dhagaxbuur, Araarso, Qabribayax iyo Jigjiga, taas oo door weyn ka qaadata isu socodka dadka iyo ganacsiga.
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Qabribayax waxaa la degganaa qarniyo badan ka hor, balse waxay si rasmi ah u magaaloowday dhammaadkii qarnigii 19-aad.
Sanadkii 1976, dowladdii Derg ee uu hoggaaminayay Mengistu Haile Mariam ayaa u magacowday magaalo-madaxda Awraaje Zone. Markii ay talada la wareegtay dowladdii EPRDF ee uu hoggaaminayay Meles Zenawi, waxaa laga qaaday heerkii gobol, waxaana laga dhigay degmo.
Intii lagu jiray halgankii gobonimo-doonka ee Soomaali Galbeed, Qabribayax waxay ahayd xarun istaraatiiji ah oo muhiim ah oo laga abaabuli jiray dhaqdhaqaaqyada militari iyo maamulka, taas oo sare u qaadday doorkeeda taariikheed.
Sidoo kale, magaalada waxay ahayd xarun ay deggenaayeen saldanaddii uu hoggaaminayay Suldaan Bade Suldaan Cabdiqarbosh.
Bulshada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Bulshada ku nool Qabribayax waxay u badan yihiin dad ku tiirsan:
- Xoolo-dhaqashada
- Beeraha
- Ganacsiga
Degmadu waxay ka kooban tahay magaalo-madaxda iyo in ka badan 26 tuulo oo hoos yimaada.
Dadka dega degmada Qabribayax waxaa si weyn u daga beesha Gadabuursi, gaar ahaan jilibka Reer Maxamed, kuwaas oo degsiimooyin badan ku leh degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Tirada dadka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Tirada dadka ku nool Qabribayax waxaa lagu qiyaasaa 543,272 qof (2023).
Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, magaalada waxay martigelisay 30,000 oo barakacayaal ah.
Horumarinta
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Qabribayax waa degmo si xawli ah u koraysa, waxaana laga dareemayaa horumar dhinacyada:
- Waxbarashada (dugsiyo ilaa heer sare iyo jaamacad)
- Dhaqaalaha
- Adeegyada bulshada
intaba Ayadoo ay kuyaalaan dhamaan heerarka kala duwan ee dugsiyada waxbarashada kuwaasoo gaarsiisan ilaa heer dugsi sare. Ilaa jaamacad, dagmada qabribayax waxay ay leedahay dhaqaale farabadan sababtuna waa deganada hoos yimada, iyo wax soosaarkeeda ganacsi.
Dadka Caanka ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxaa ka soo jeeda degmada Qabribayax dad caan ah oo ay ka mid yihiin:
- Abdulaahi Suldaan Bade – guddoomiye hore oo ka talin jiray deegaannada la isku dhaho Hararge,oo ay ka mid yihiin Oromada iyo Hererida oo oo ugu danbayntii taliskii mingeste uu ku dilay magaalada godey, kadib markii uu kufarxay aadna uu usoo dhaweeyay qaadashadii xornimada dalka Djibouti.
- Xaawo Taako – Wadaniyad Soomaaliyeed.
- Abwaan Camanje – suugaan-yahan.
- Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi – wasiir hore iyo safiirkii Itoobiya ee Kuwait.
Maamulka iyo Xaafadaha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Qabribayax waa degmo leh maamul magaalo (City Administration).
Degmada Qabribayax waxay ka kooban tahay 7 xaafadood kuwaas oo kala ah:
- Xaafada Koowaad
- Xaafada Labaad
- Xaafada Saddexaad
- Xaafada Afraad
- Xaafada Bikayr
- Xaafada Saylada
- Xaafada Garsoor
Xaafadahaas ayaa ah kuwa ugu waaweyn ee magaalada, inkastoo ay jiraan deegaano kale oo sii kordhaya oo aan weli si rasmi ah loogu magacaabin xaafado.
Sidoo kale eeg
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- "Kebri Beyah Settlement Profile". UN-Habitat. Retrieved 2026-04-23.
- Kene, Hailu Ejara (August 2008). Baseline Survey of 55 Weredas of PCDP Phase II, Part I (Report). Addis Ababa: Government of Ethiopia. Retrieved 2009-03-23.
- Kene, Hailu Ejara (2008). Baseline Survey, Annexes 16, 17 (Report). Government of Ethiopia.
- "Landmines Cleared From 4 Million Square Meters Of Land". Ethiopian News Agency. 2008-11-20. Retrieved 2009-06-17.
- Census 2007 Tables: Somali Region (Report). Central Statistical Agency of Ethiopia.
- "Horn Refugees in Ethiopia - Jijiga". 2012-10-31.
- 1994 Population and Housing Census of Ethiopia: Results for Somali Region, Vol. 1 (Report). Central Statistical Authority. Retrieved 2009-01-10.
- "IRIN Africa: New camp opened for Somali refugees". 2010-08-21. Retrieved 2023-03-29.
- "IRIN: UNHCR close to phasing out operations in the east". 2018-10-20. Retrieved 2023-03-29.
- "IRIN: Asylum-seekers living rough". 2018-10-20. Retrieved 2023-03-29.
- "Ethiopia: Somali refugees to be relocated away from border". UNHCR. 2007-07-13.
- Agricultural Sample Survey (AgSE2001): Report on Area and Production - Somali Region (Report). Central Statistical Authority of Ethiopia. December 2007. Retrieved 2009-01-26.
<ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.Cillad tixraac: Calaamadda <ref> ee lagu qeexay <references> ma leh sifada magaca.