User:154.115.221.252
FISH & STEAK HOUSE RESTAURANT
Retaurant'kan ama goobtan cunto waxa laga furay caasimadda JSL ee HARGEYSA daba-yaaqada sanadkii 2005'tii, walow koboca ama hanaqaadka istaba joogga ahaa sababay is beddel xagga goobaha loo kala raray Restaurant'kan goobtiisii ugu horaysay waxay ahayd suuqa hoose, gaar ahaan Masaajidka weyn ee uu kumagaca dheer IBRAAHIN-DHEERE xaggiisa koonfureed ayaa laga hirgaliyay kolkii u horraysay.
Waxa si wada-jir ah u bilaabay SICIID MAXAMED AXMED & NASIR CALI AXMED, oo walaalo ah, xagga khibradda cuntada waxa lahaa siciid oo ah labada mulkiile ka da' ahaan weynaa, isagoo burburkii dawladdii soomaliyeed ke dib u amba baxay Waddanka jabuuti, halkaas oo uu ka bilaabay shaqadiisii barashada cuntada, illaa heer "CHEIF-COOK".
Sidoo Kale NAASIR CALI AXMED, ahna labada mulkiile ninka Da'yar, wuxuu isna kaalin libaax ka qaatay maaraynta & in Retaurant'kani noqdo mid guulaysta, waxaanu sidoo kale qayb libaax ka qaatay STRATEGIC SUCCES PLAN'ka Restaurantkan.
Ugu danbayn Retaurankani wuxuu ka mid yahay goobaha cunto ee ugu heerka sareeya magaalada hargeysa dadkuna isku tilmaansado kolka Casuumad & Cunto loo baahdo, waxaa Laga ka heli kartaa dhammaan Cuntooyinka Kalluunka Digaagga & Hilibk iyadoo loo diyaaro qaab kasta.
Waxa uu ka furan yahay wakhti xaadirkan Dhakhtarka Weyn ee Magaalada Hargeysa Dhankiisa Woqooyi-Galbeed, ama wuxuu jaar la yahay Taliska Laanta Socdaalka ee Immigration'ka.