Jump to content

User:81.109.208.172

Ka Wikipedia

Reer Aw Xasan (Af Ingiriis : Rer aw Hassan; Af carabi: او حـسن)waa Sheekhaal waxay degaan xuduuda soomaaliya iyo itoobiya u dhaxeeyso qaasatan deegaanada feerfeer, Abaaley,Buur-Cukur,Galcusbo, Gasiilo, Shabeeladda hoose gaar ahaan Qoryooleey, Qoryaale, Mariin gubaay, Buula fulay,Gariyow, War rooti, Geedlaay, Wishaaq, Bustooley, gobolka Bay Buula fulaay, War aw Qeeroow, Mareerow, Masaare ay Leeshaaw, Bisiq Cade,Aadaale, Iidow Adaawe. gobolka Bakool Waajid iyo Xudur. Hiiran Jowhar Buulaay, Beladweyne iyo qeybo kalo kamid ah gobolada Soomaaliya. waxa kale oo Beeshu dagtaa xuduuda Soomaaliya Iyo Kenya gaar ahaan Magaalada Mandheera iyo Tuulooyinka hoos yimaada. reer aw Xasan waa sheekhaal waana laba Lafood oo waa weyn waana Nuur iyo Saacid <Nuur > wuxuu u kala baxaa reer Axmed Nuur iyo Kutub Nuur. Kutub Nuur wuxuu u kala baxaa reer aw Cilmi, reer aw Mahdi iyo reer Udgoone reer aw Saacid waa Maxamed aw Saacid iyo Faarax aw Saacid oo u kala baxa Xuuriye, Kheyre iyo Hilowle. Reer aw cilmi, reer aw Mahdi iyo Udgoone waxa ay u badan yihiin Dowladda Deegaanka Soomaaliya Itoobiya iyo gobollada Hiiraan, Banaadir iyo Shabeeladda Hoose. reer aw Saacid waxa ay u badan yihiin North Eastern Kenya gaar ahaan Mandheera iyo Shabeeladda hoose, Bay iyo Bakool ee goboladda Soomaaliya.