User:A.kani babyad
TAHRIIB BAAN UGALAY DARAADEED
Waxay ahayd xili uu roobku is hayo qabaw zaid ahna uu wato qoraxduna ay sii dhacaysay anigu sawirka jacaylkayga ayaan fiirintiisu ku raxaysanayay waxaa soo galay nin aan saxibo nahay ooka imaday cariga Swizerland inaan aad u faraxsanahay buu arkay anigoo sms udirayo kolna sawirkeeda fiirinayo kolkasu dhahay sxb waan arka farxadan manta ku hayse laakiin barito malaga yaaba inaad farxadan sii wadato waxaan ku dhahay sxb warka iikala dhig dhig ku ma fahmin ee intuu saa ifiiriyay ayuu muusooday ana waan yabay waxaa islamarkiiba istaagay roobki iyo qabawgi qoraxdiina way dhacday wuxuu uu dhahay farxadan maanta ku hayso tu kadaran ayaan soo maray 9 sana ka hor mararka aan sooxasuusto sideedi bilood ee farxadaas ku jiray hal malin oo kamid ah yaa kugu celiyo ayaan niyada is ka dhahaa codsi dabadi inuu iiga sheekeeyo wuu ogolaaday wuxuna ku bilaabay sheekadii sida tan.
waxa aan dhigan jiray luuqada ingiriisa sidii ay iiga caawin lahayd waxbarashadayda ilaa heer jamacadeed habeen aniga oo ka imaday iskuulki aan ingiriiska ku dhiganayay ayaan arkay gabadh aad u cabsanaysa (baqaysa) ileen waa habeen ee ta kalana waxay ay ku darsatay magaladu tuug badni xiligaas waxaan ku dhahay hno anaa ku gayn xafadiine ina kici hacabsanin wax yar marka lasocday ayay gabadhi hadashay wll adoo isoo dhaweeyay miyanan isbaranaynin ileen wiil wanagsan baatahaye asago faraxsan buu ku jawaabay haa
Aniga ahmed adna Ana fathiya Marki ay halka shekadu marayso ayay ku tiri waan joogna gurigi wll waadna mahadsantahay wana is arki doona insha allah waan iska soolabtay ayuu dhahay ahmed xafadi ayaan iska aaday aan marka horaba usocday. Xiligaas waxay ahayd ciid
maalinki xigtay aniga oo soo ibsanayo dharki ciida ayaan silama filaan ah waxaa iiga hor imaday fathiya oo ayadana dhar iibsanayso salaan ka bacdi iftiinka wajigeeda ayaa indhahayga qabtay waxa aana ku dhahay qoraxda adaba ka qurux badan inta ay qososhay ayay tiri naga ciyarta waxa ayna u yeedhay labo gabdhood oo ay saaxibo yihin waxayna ku dhahday waa ahmed ee barta ana inta ay isoo firisay ayay igu tiri waa najma iyo shamso iska baro waankala tagnay jacayl ayaa igalay jiif iyo joogba wuu idiiday
Sheekada halkaa hanoogu joogto Insha allag qaybta xigta ha noo ahaato
waxaa qoray Name:- abdikani babyad Email:- babyad225@gmail.com