Jump to content

User:Abdallahi Nur Mohamed

Ka Wikipedia

Dangorayo ee gobolka Nugaal Waxay dhacda bariga gobolka Nugaal waxayna qiyaastii 110 Km dhanka bari ee laamiga dheer ka xigtaa magaalada Garoowe, waxayna u dhexeeysaa magoolinka Garoowe iyo Qardho. Dangorayo waxaa la aas'aasey hilaaddii 1960-kii markii ugu horreeysay waxaa halkaasi degay Xaaji Axmed Farajar, Siciid Aw-Nuur, Cali Xaaji Maxamed iyo Barni Xaaji Xuseen Abokor Allaha u naxariistee dhamaantood. Dangorayo waxaa degmada loo magacaabay sannadkii 1987-kii .

degmada Dangoroyo waxaa ku nool dad gaaraya 34.000 kun oo qof, degmadu waxay xukunta deegaaamo badan oo dhaca dhulka  Iyaxda iyo xeebaha badweynta Hindiya ilaa 23 tuulo ayaa hoos yimaada Dangorayo maamulkeeda. Heerka darajooyinka degmooyinka Dangorayo waa degmooyinka liiska-A ku taxan taasi waxay muujinaysaa Da'weynida iyo muhiida ay u leedahay puntland, degmada Dangorayo waa degmo iyadu ku filan dardar-gelinta howlaheeda shaqo. Degmadu waxay leedahay 4 iskuu hoose/dhexe oo waaweyn oo kala ah:Kalyaxeed, Xaaji-Aadam, Al-Xikma iyo Hanad, sido kale waxa ay leedahay hal iskuul hoose/dhexe iyo sare oo kubaxa luuqadda Carabiga iyo Englishka dugsigaas oo ay dhigtaan ugu yaraan 1000 arday waxa ay sidoo kale leeday machadyo dhowr ah oo lagu barto shareecada islaamka.Waxa ay leedahay dhowr hospital oo waawayn ayna ka howl galaan Takhaartiir carbisan tayo-sarena leh.Degmada Dangorayo waxaa leedahay oo u dhammeystiran dhammaan xarumihii dawladda sida, xaruntii degmada, saldhiggii booliiska, xaruntii maxkamadda iyo Jeel weyn oo maxaabiista lagu qaado, sidoo kale degmada waxaa ku yaal Kastam weyn oo cashuuraha berriga lagu qaado.Dangorayo Waxaa guddoomiyeyaal ka soo noqday Cali Xaaji Maxamed, C/qaadir Kaarshe Cadduur (Khuruuf) Mursal Yuusuf Maxamuud (Keligii-ducayste), c/raxmaan xaaji ciise (xayrdaac),mukhtaar cabdiraxmaan Xaaji , C/qadir Siciid C/raxmaan(Cukaash) iyo Mukhtaar Cabdirahman oo hadda guddoomiye ah.

Dangorooyo waa meel qabow oo nolol fiican, Waxayna bilowday inay horumar la taaban karo samayso sida iskuulo ceelbiyood isgaarsiin iyo dhismayaal quruxbadan sida hoteello iyo guryaba degmadu wixii ka dambeeyay sanadkii 1989-kii.