User:Abdi Fatah Java
Taariikhda Kooban ee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Muxumed
Marka hore waxaan ku hormareynaa abtirka Ugaasyada Beesha Gaaljecel………..
Ugas Cabdullahi, Ugas Muxumed, Ugas Cilmi, Ugas Jirow, Ugas Maxamed, Ugas Nur, Ugas Maxamed, Ugas Diini, Ugas Dhayow, Ugas Erab Alle, Ugas Mahad Alle, Ugas Cabdi, Ugas Diinle, Ugas Hufane, Ugas Dheyl yare, Ugas Dhagaweyne, Ugas Xaaji Saalax, Fayaweyne, Turwaaq, Abtisame, Doorwaaq, Asan dhali, Dhoola dhaqan, Sooraanle, Gaaljecel, Saransoor, Mataan, Riile, Gardheere Samaale (Soomaali).
Wuxuu ku dhashay Gobalka Hiiraan Magaalada Buq Aqable oo u jirta Magaalada Bledweyne 90km dhanka waqooyi iyo Magaalda Buulo Barde 45km dhana Koonfureed sannadku markuu ahaa 1922.
Ugaas Abdullahi wuxuu ku barbaaray magaladii uu ku dhashay halkaas oo uu ka qalin jibiyay qur’aanka kariimka ah ka dib waxa uu bilaabay inuu raacdo cilmiga islaamiga isagoo u markii danbe cilmi u doontay Degmada Baardheere.
Sannadkii 1942 ayuu Ugaas Abdullahi u haajiray wadamadii la oranjiray East Africa (Afrikada bari) wuxuu dugsi qur’aan ka furay waqooyi galbeed ee Kenya NFD Tuulada Wajeer.
Mudoo kadib Ugaas Abdullahi wuxuu u gudbay wadanka Tanzania halkaa oo uu walaalkii isaga ka weeynaa oo la oran jiray Abdulqadir Ugaas Muxumed bar ganacsi ku heystey, waxa uuna Goobtaasi ka billaabay saamigii ugu horeeyay ee ganacsi.
Sannadku markuu ahaa 1960 bilooyin ka hor inta aaney Somalia hanan xuriyadeda ayuu Ugaas Abdullahi ku soo laabtay wadankiisi hooyo wuxuuna saldhig ka dhigtay tuulada Jiiqley oo goob saran Webiga Shabeelle oo u ka sameeyay rug beero iyo xoolaha nool lagu xanaaneeyo.
Ugaas Abdullahi waxaa la duubay ama la caleemo saaray bishii January sannadkii 1979 kadib markuu geeriyooday Abiihii Ugaas Muxumed Ugaas Cilmi Ugaas Jirow Sanadii 1977.
Waxaa dhacday maadaama Ugaas Abdullahi uusan aheyn curudka Ugaas Muhumed ayaa waxaa la door biday in Abdulqadir Ugaas Muhumed oo markaasi weli ku noolaa waddankaasi Tanzania loo yeero oo u Somalia yimaado si dhaxalkii Ugaasnimada Aabihii loo caaleemo saaro sidaas ayuna ku yimid Ugaaska Geriyooday Rabi Naxariis Jano hasiiyee Abdulqadir Ugaas Muhumed oo ahaa nin ganacsada ah muddo badanna ku noolaa wadanka dibediisa ayaa uga tanaasulay Ugaasnimada , Hadaba Ugaas Abdullahi. Waxaa dhacday in muddo ah la dhoowraayay Abdulqadir Ugaas Muxumed in uu waddanka soo galo laakinse keddib markii laga helay farriin ah in uusan diyaar u ahayn in uu la wareego talada uu aabihiis uga tegey ayaa sidaasi lagu caleemo saaray Ugaas Abdullahi Ugaas Muxumed.
Ugaas Abdullahi Ugaas Muhumed Alaha u Naxariistee wuxuu jagada ugaasnimo haayey muddo 33 sano ah wuxuuna soo qabtay howlo aan la cadadi karin isagoo si wanaagsan u mareeyay ugaasnimada si guud ahaan Somalia iyo si gaar ahaannba beelweynta Gaaljecel oo u isagu ka dhashay.
Ugaas Abdullahi wuxuu soo gutay waajibka Xajka sannadii 1982 isagoo so xajiyay marar badan kadibna waxa u in badan laso shaqeeyay Dowladii Maxamed Siyad Barre isagoo la gudoonsiiyay Bilad maar ah oo wadannimo ah 25 April 1983 wuxuu bilaabay olole ah in Somalia ka hir gasho nabad iyo xasilooni iyo daris wanaag iney ku noolaadaan Qabaa’ilada Somaliyeed , wuxuuna mar tegey Gobolada Buntland ee Bari iyo Mudug isagoo iskaa wax u qabso ah u tegey dhaxdhexaadin beelo isku dhacay (voluntary riconciliator and negotiator).
Ugaas Abdullahi wuxuu ka mid ahaa madax dhaqamed yadii ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada Carte ee dalkaasi Jibuuti bishii July sannadkii 2000 halkaas uu ka soo qaaday xanuunkiisa oo ku bilowday Jilba xanuun.
Ugaas Abdullahi Ugaas Muxumed ayaa xanuunsanaa muddo 8 sano ah oo uu marna soo roonanayey marna ka sii daraayay iyadoo caruurtiisa eey mar walba kula tacaalayeen sida Aabahood ku caafimaadi lahaa iyagoo geyay meela badan oo ka mid dibada iyo dalka Cafimaad ahaan.
Ugu dambeeyntii Ugaas Abdullahi Ugaas Muxumed wuxuu ku geeriyooday halkii uu ku dhashay ee ah Buq Aqable asigoo da’diisu ey ahey 89 sano waxa una geeriyooday habeen Axad ah Todobadii oo dhiman rubi bishane ey aheyd november kowdeedii ee sannadkii 02/11/2011.
Ugaas Abdullaahi Ugaas Muxumed jannadii fardowsa allaha ka waraabshee wuxuu ifka kaga tegey 92 oo isu jira kuwo uu dhalay iyo kuwo aay sii dhaleen oo ku kala firirsan daafaha caalamka.
Sida dhaqanka Beelweynta Gaaljecel iyo Reer Ugaas lagu yiqiin waxaa la filayaa in Ugaasnimo loo duubo mid ka mid ah Wiilasha uu dhalay Ugaas Abdullahi eey doorata Beesha Gaaljecel iyadoo duubka saari doonaan Jifada Curudka ah ee Barsane.
Waxaa diyaariyay: Abdifatah Ugas Abdullaahi – Buq Aqable