Jump to content

User:Abdifatah Ali Abdalla/Bacaadka

Ka Wikipedia

Cadaado: Waxay dhacdaa Gobolka Galgaduud, waxaa hoos yimaada magaalooyin waawayn oo ay ka midyihiin Galliinsoor, Docoleey, Baxdo, Godinlabe, Gidhays iyo magaalooyin kale, sidoo kale waxaa hoos yimaada tuulooyin aad u fara badan.

Cadaado waa degmo waxayne degmo nimada ku heshay qaab la yaab leh, dadka megaaladaas dega waxay is qabteen dawladdii Kacaanka waxayna ku keentay gacanbidixayn fara badan, markii uu dhacay dagaalkii 77 ayaa waxaa magaaladaasi si is-xilqaan ah ciidamada ugu diyaarin jiray sahay ayadoo lay sugu keeni jiray buundo ku taal magaaldaa dhexdeeda, arrintaasi waxay ka farxisay Siyaad Barre markaas ayuu kolkii danbe asagoo faraxsan safar ku soo maray wuxuuna si lama filaan ah ugu magacaabay degmonimo.


Waxaa jiray nin la oran jiray Xaaji Walanteeri oo istaagi jiray Kantoarool ku yaalla magaalada afkeeda dhanka koofuri, ninkaas wuxuu gaarigii soo istaagaba u sheegi jiray hal kalmo "Cadaado waa degmo" ayuu ku oran jiray inta baabuurka daaqaddiisa madaxa u dhaweeyo, taasi waxay muujinaysaa sida ay Cadaado iyo dadkeedu ugu golongoleen darajada dawladda askartuna ay u gacan bidixayn jirtay.


Cadaado horumar badan ayay samaysay burburkii ka dib gaar ahaan markii uu ka hano qaaday maamulkii Ximan iyo Xeeb ee uu hoggaamin jiray Tiiceeye, waa magaalo horumar badan samaysay isla markaasna xudun u ah deegaanno fara badan, waxaa ku kala rogmada oo laysku dhaafsadaa ganacsiyada u kala goosha daafaha Galgaduud.


Cadaado waxay caanku tahay aargo ku taal afaafka hore ee magaalada dhanka koonfureed.