User:Abdifatah Mohamed Abdilahi
SH MUXUMED SAHAL SAMAALE
Adoon Alle Muxumed Sahal Samaale Loo Garan Ogyahay (Sh Sahal)
Diin Ahaan:Muslim Ah
Madhab Ahaan: Shaaficiya Caqiido Ahaan:Ashcariyya
Daqriiqo Ahaan: Qaadiriya
Nasab Ahaan:Isaaqa(HA) (SM) Ciise isaaq
Waxa uu dhashay sheekhu Rabi dambigiisa Ha dhaafe Sanadku markuu Ahaa 1947 Tuulada La idhaa Carobaraar oo Waqooyi kaga beegan Magaalada kalabaydh Gobolka Gabiley Jamhuuriyada Barakaysan.
Xaaladaha Nololeed ee culayskooda Lahaa Iyo Hawsha Qoysnimo Ee uu Qaybta Ka Ahaa Ayaa Ku Noqday Caqabado Ka hor istaaga Hamigiiisii iyo doonistiisi Diineed ee Yaraanimo Hamigiisa ku gashay. Awooda Ilaahay IYO doonistiisa waa uu Jabiyay Xayndaabka iyo Ku Gudboonaa.
BILAABIDIISI QURAANKA KARIIMKA AH
Waxa Uuna malcaamadii u horaysay Ee Quraan ka bilaabay Magaalada Kalabydh looxana uu hoos dhigtay Tawaadii iyo Qalinkii Maclin Yuusuf Buux Yaab-Arag (AHUN)waxa uu quraanka ku kamilay muddo Gaaban.
CULIMADIISI SHAREECADA IYO FUNUUNTA DIINTA.
Kadib nakhtiinki iyo dhamayntii kitaabka eebe halka kaga Ma uu hadhin ee mana yara hakin xiisaha uu u qabay barashada diinta oo aad moodaysay in xabsi uu kaga xidhnaa markaasna loo soo daayay dhankeeda Waxa uu iska dhiibay Zaawiyadii barashada cilmiga Diiniga Ah Ee uu Gacanta ku hayay kuna laylinyay Da'Yartii markaa diinta usoo kacaysay Murabigii Waynaa Miftaaxii Cilmiga Magaaladaasi (waa Kalabaydhe) ahaana Sheekhul baladkii Xiligaa Sh Maxamed Aw-Muxumed Buux Dar dar galinta Horumarinta Deeqsinimada Sheekh maxamed eey ka helayeen Kuna intifaaceen Ardaydiisi uu kaalimaha Hore kaga jiray Sheekheni Aynu ka hadlaynay Taariikhdiisa Waa Sh Sahale waxay I dhib yararaysay inuu hadana isla mudo Kooban ku noqdo muriidki Khaaska Ah Ee Sheekha Loona Khaliifay Arimo Badan oo ay ka mid ahyd Darandoorinta dubaaxda Codka Dabacsan Ee Lagu Akhrinayo Korna Loogu Qaadayo Dikriga Eebe Ee dariiqada Zayliciya Gaarka U ahyd Sida (CAYNIYADA,ZAMDIGA,IYO MANAAQIBKA). Waxa Siiyay kana qaatay Ijaazada Dariiqada Qaadiriya Iyo Wardigeedaba Isla Murabigiisi Iyo Shekhisi Sh maxamed Aw-Muxumed Buux(AHUN). Waxa uuna cilmiga kaga gaadhay martabad sare Gacantii Sheekhisa. Kadib dhigashada sheekhisa waxa uu Noqday Loona Khaliifay Murabiga Iyo Muriidka Zaawiyada,Madarasada Sheekhisii Waxa uuna xilkaa Hayay Mudo Imga laga Joogo 40 Sano (ilaahay Cimriga Ha u barakeeye) waxa u Dheerayd Muftiga Iyo Sheekhul Baledka magaladisi cilmiga Ee Kalabydh iyadoo Aanay Gacantiisa Aanu ka madhnayn Miftaaxa Masjiid Jaamaca Magaaldu allena ku wada Asturay.
CULIMADI KALE EE UU WAX KA BARTAY WAXA KA MID AHAA.
1:Sh Cumar Cadaawe(AHUN) 2:Sh cismaan Khayrre(AHUN) 3:Sh Daahir Ciise (AHUN) 4:Sh Nuux Azhari (ARHN) Culimdaasi Alle ha u naxariisto Dhamaantood oo Meelo kala Duwan Ugu Rixlooday Sheekhu si uu cilmiga uga Dalbo Oo qarkod uu waqti Aad u dhaw wax ka dhigan Sh Nuux Azhari Labadoodaba Rabi cimriga ha u barakeeye Taasi oo ina tusinaysa in barashada cilmigu Da' Iyo martabad sheekhnimo oo la Gaadho Aanay ku xidhnayn tahayna inaynu kaga dayano Sheekha iyo guud ahaan Culimadeena kaleba. Hadaba Ninka Aynu Ka soo sheekaynay Taariikhdiisa tarbiyadiisa iyo tadawuc nimadiisaba Oo aynu u nisbayn Karno Adoomaha Ilaahay Hanuun ka la damcay kuna ciseeyay Diintiisa Suuban una Khidmeeyay Diintan Dhamaan Cimrigiisa waxa Aynu Ilaahay Uga baryaynaa Inuu dambigiisa iyo La waalidkiiba dhaafo Rabi Janooyinkiisa kuwa I sar sareeya ku casuumo waliba martabadaha kana yeelo nabigeeni muxamed (scw) Ahaa miciisa inagana inagu Anfaco cilmigiisa Barakadiisa iyo asraartiisaba isaga Iyo Dhamaan Culimadeeni Carab iyo Cajamba Gaar Ahaan Culimadii Ahlu Dariiqaha Ee u hagar baxay siday cilmiga inoogu soo guurin lahaayeen hadaynu soomaali nahay(Aamiin,Aamiin,Aamiin) yaa rabi wasalla laahu wa sallama Calaa Sayidinaa muxamed wa calaa Aalihii wa saxbihii wa salaam.
WQ: Adoon Alle: Abdifatah Mohamed Abdilahi (Al Qadiriyi)