User:Abdullahi Khalif Muse
QISADA JACAYLKII QARNIGII 1AAD “QAYS IYO LUBNA”
Qaysyada jacaylka la waashay waa laba Qays. Qays binil Maluux ama Mulawwix Al-Caamiri oo lagu naynaasi jiray Majnuun Layla oo qisadii isaga iyo Layla Al-Caamiriya aan wax yar ka taabannay, waxa uu soo gaaray xilligii Cabdul-Malik bin Marwaan uu khaliifka muslimiinta ahaa. Qisada Majnuun Layla ma cadda mid dhab ah oo dhacday inay tahay iyo mid dadka gabyaa ay samaysteen oo ay farriimo ku gudubsanayeen inay ahayd.
Qays bin Durayx Al-Kinaani Al-Cadnaani isaga qisadiisa waa la hubaa oo waa ay dhacday, Qayska horena waa uu ka horreeyay, waxana uu jeclaa Lubna bintul Xubaab. Waxa uu dhashay sida la sheegay khilaafadii Abuubakar Al-Siddiiq (RC), waxana uu dhintay khilaafadii Mucaawiya ibnu Abii-Sufyaan (RC), sidaasna waxa uu ku ahaa nin taabici ah oo noolaa qarnigii koowaad ee Hijrada.
Qays bin Durayx waxa uu kamid ahaa reer baadiyihii Madiina duleedkeeda degi jiray. Hooyadiis baa Xuseen bin Cali bin Abii-Dhaalib (RC), ina Faatima bintu Rasuulullaah (SCW) nuujisay, sidaas bayna isaga iyo Xuseen nuugmada walaalo ugu ahaayeen.
Maalin aad u kulul, isaga oo dan uu lahaa u socdaalaya ayuu kusoo dhacay reero meel deggan. Markaas buu teendhooyinkii mid kamid ah biyo uu cabo weydiistay. Gabar dheer oo qurux badan oo hadal macaan baa teendhadii ka soo baxday. Weel biyo ku jiraan bay u dhiibtay. Markii uu biyihii ka waraabay, doonayna in uu dhaqaaqo, bay ku tiri: “Maad wax yar harsatid qorraxdu ha kaa qabowdo eh!” Markii uu ka oggolaadyana gogol bay u dhigtay. Aabbeheed baa yimid oo isaguna waa uu soo dhoweeyay qurbac buuna u qalay, maalintaas ilaa uu ifkii ka dumayayna reerkii buu la joogay.
Qays waxa uu reerkii Lubna bintul Xubaab ka tegay isaga oo gabadha jacaylkeedu uu laab qaaday. In muddo ah kolkii uu jacaylka qarsansyey, ayuu inta uu adkeysan waayay, mar labaad soo booqday. Jacaylka uu u qabo markii uu u sheegay, illayn iyadaaba isaga ka daran! Markaas isaga oo farxad darteed in uu duulaa ay u harsan tahay buu ka tegay.
Aabbihiis buu arrintii u sheegay, hase yeeshee waxa lagu yiri: “Iska daa taase ina adeerahaa mid guurso”. Hooyadiis buu misana u dan sheegtay, aabbihii bayna ku aragti noqotay.” Keddib waxa uu aaday Xuseen bin Cali (RC) dhibaatadii haysayna u bandhigay. Sayidinal Xuseen waxa uu u tegay Lubna aabbeheed aad buuna usoo dhoweeyay, waxase uu ku yiri: Rasuulka Alle inankiisoow, anigu diyaar baan kuu ahay oo warkaaga diidi maayo. Hase yeeshee sida ay caadada Carabtu welgeedba ahayd wiilka aabbihiis baa u doonistiisa leh.
Sayidinal Xuseen waxa uu dabadeed u tegay Qays aabbihiis waxana uu ku qasbay in uu wiilkiisa Qays u guuriyo. Labadii is caashaqay 10 sanadood bay farxad iyo rayn-rayn ku wada noolaayeen.
Waxa dhacday in Lubna ay madhalays noqotay, Qays labadiisa waalidna waxa ay la doonayeen in uu ubad ka haro. Markaas waxa ay ku qalqaaliyeen in uu Lubna furo oo gabar kale oo ubad u dhasha guursado. Waxa uu kala horyimid diidmo qayaxan, waana la loodin waayay. Ugu dambayntii aabbihiis baa ku dhaartay in aanu qorrax ka harsanayn haddaanu Lubna furin. Qays aad buu Lubna u jeclaa. Aabbihii kolka ay qorraxdu kululaato dibadda ayuu istaagayay, Qaysna inta uu aabbihiis u yimaado oo dhinac istaago, ayuu shaalkii uu garbaga saaranayay madaxa aabbihiis dushiisa ku kala bixin jiray si ay har ugu noqoto. Shaalkaas buu maalin kasta hayn jiray ilaa ay qorraxdu ka qabowdo, isagana sidaas bay qorraxdu u gubi jirtay. Marka ay qorraxdu qabowdo ama aabbuhu uu meel hoos ah yimaado, ayuu Lubna inta uu u tago ku ag ooyi jiray. Sidaas buu xaalku ahaa muddo sanad kaamil ah ilaa markii dambe ay khasab ku noqotay in uu Lubna furo.
Qoyskeedii ayaa markaas inta ay yimaadeen gaadiid saartay, oo reerkoodii u kaxaystay. Qays waa uu ka daba cararay isaga oo ooyaya, gaadiidkii ay saarnayd halka uu ku istaagay carrada raadkiisu ku yaal inta uu soo qaato ayuuna dhunkanayay.
Qays uma aanay harin wax aan shallayto iyo muraara dillaac ahayni. Gabayo ayuu tirin jiray uu Lubna iyo waqtigii ay wada noolaayeen ku ammaanayo, uuna uga cabanayo dhaawacii soo gaaray markii ay ka dhaqaaqday.
Qays aad buu u bukooday markii ay Lubna ka tagtay. Aabbihiis baa markaas gabar kale in uu u guuriyo u doondoonay.
Maalin Qays oo maraya xaafad qabiil Fazaara la yiraahdaa ay degi jireen buu arkay gabar aad u qurux badan. Gabadhii ayuu weydiiyay: Magacaa? Waxay ugu jawaabtay: Lubna. Markaas buu dhulka ku dhacay oo suuxay. Gabadhii inta ay naxday bay wejiga biyo uga shubtay ilaa uu soo naaxay. Markaas bay weydiisay magaciisa iyo cidda uu yahay. Markaas buu u sheegay in uu yahay Qays bin Durayx. Waxa ay ku tiri: Waan ku gartay, waxa aad tahay Qays Lubnood!
Gabadhii waxa ay Qays ku tiri illaa wa illaa nala qadee. Waxa isaguna yimid walaalkeed oo ka codsaday in uu isaga muddo bil ah marti u noqdo. Ninkii reer Fazaara aad buu Qays uga helay, waxana uu ka codsaday in uu la xidido. Qays waalidkiis baa iyaguna arrintii ogaaday oo aad usoo dhoweeyay kuna boorriyay Qays in uu aqbalo. Gabadhii baana lagu daray. Hase yeeshee markii loo guri geeyay, uma aanu dhowaan, mana eegin, mana la hadlin, maalmo badan bayna Sidaas iskula joogeen.
Lubna reerkeedii iyaguna nin bay u guuriyeen.
Qays waa uu ahaa inan-la-yaal eh, muddo keddib buu reerkii idan uga qaatay in uu maalmo reerkiisii soo booqdo, waanay u idmeen.
Waxa uu markaas tegay Madiina oo nin Ansaari ah oo saaxiibkiis ahi uu degganaa. Ansaarigii ayaa u sheegay in guurkiisa ay Lubna ogaatay, kana murugootay, waxayna tiri: “Waa khiyaanaloow. Reerkaygu inay nin igu daraan sababtiisa ayaan u diidayay, laakiin hadda waan yeelayaa”.
Lubna aabbeheed khaliifkii muslimiinta Mucaawiya ayuu Qays uga dacwooday, waxana uu u sheegay in keddib markii uu Lubna furay uu warkeeda dayn la’ yahay. Mucaawiya waxa uu markaas Marwaan binil Xakam oo Madiina xukumay u qoray warqad uu ku leeyahay haddii uu gabadha warkeeda deyn waayo ha la dilo. Aabbeheedna waxa uu ku amray in uu u guuriyo nin la dhihi jiray Khaalid bin Xalza Al-Ghadafaani, waanu u guuriyay.
Qays warkaas si daran buu uga argagaxay, waxana uu u ooyay si aan la arag oon la maqal. Keddib inta uu faras qaatay, buu halkii ay Lubna degganayd tegay. Inta uu faraskii ka degay buu carrada deegaankeeda labada daan iskaga duugay.
Alle waxa uu qaddaray Qays iyo Lubna inay mar kale kulmaan. Qays baa hal geel ah oo uu lahaa suuqa Madiina keenay si uu u iibiyo. Ninkii Lubna qabay oo aanu garanayn baa hashii ka iibsaday. Waxa uu ka codsaday in uu guriga u raaco si uu lacagtiisa u siiyo. Markii uu gurigii soo galay buu Lubna labada indhood ka qaaday. Afkii baa kala tegay, hadalkii baa ku xirmay, eegmo iyo indho kala qabad baa ka soo haray ilaa uu oohin ka wareegay. Dabadeedna degdeg buu albaabka uga baxay. Ninkii oo yaabban baa ka daba cararay si uu lacagtiisii u siiyo, dibse uma aanu soo eegine faraskiisii ayuu ku dhacay.
Qays kolkii uu Lubna mar kale arkay aad buu u xanuusaday. Gabayadii uu ku ammaanayana har iyo habeen buu tirin jiray. Gabayadiisii goob kasta waa ay gaareen, guri kastana waa ay galeen, qof kastana waa uu qaadayay, shariif iyo shaydaan, carruur iyo cirroole, cid aan qaadayna ma ay jirin. Qof kastana Qays wixii qabsaday buu la murugaysnaa. Lubna ninkii qabay baa gabayadii soo maqlay, markaas inta uu xaaskiisii u yimid buu canaantay, usaga oo ku leh: “Waad i fadeexeysay”. Inta ay carootay bay ku tiri: “Waryaa kaaganoow i maqal; Ilaah baan ku dhaartay in aanan rabitaan aan adiga iyo maalkaaga idin rabo kuu guursan. Waxad ogtahay in uu hortaa i qabi jiray, qasab baana la’iiga furay mooyee in uu i furo ma aanu rabin. Ilaah baan ku dhaartaye in aan nin kale guursado waan diiday ilaa lagu handaday in la dilayo haddii uu jacaylkeenna mar dambe ka gabyo, waxanan ka baqay in laga dhabeeyo oo dilo, sidaas baanan ku oggolaaday in aan ku guursado. Adiga ayaana iminka khayaar leh haddii aad i furaysid, aniguna ogoow haddaba wax dan ah in aanan kaa lahayn”. Markaas buu caradiisii qarsaday kana aamusay.
Nin la dhihi jiray Abuu-Catiiq iyo koox Quraysh ah baa ninkii Lubna qabay u tegay aad buuna usoo dhoweeyay. Waxay ku dheheen: “Maanta waxan kuugu nimid arrin culus aanan kaa doonayno in aan inoo fulisid”. Waxa uu ku yiri: “Wax kasta oo aad i weydiisataan maanta waan idiin fulinayaa”. Waxay dheheen: “Lubna in aad ina siisid oo inoo furtid baan kaa rabnaa”. Waxa uu yiri: “Marqaati iiga noqda in aan idiin furay oo aan saddexdeedii siiyay”.
Abuu-Catiiq waxa uu amray Layla in ay ciddo tirsi u xerooto inta aanay Qays arag oo aan mar kale la’isku celin.
Nasiib darro Lubna iyada oo weli ciddadii ku jirta ayay geeriyootay. Markaas Qays inta uu koox qoyskiisa kamid ah soo kaxaystay buu qabrigeedii yimid oo ku dul ooyay, una tiriyay gabayo tacsi, tiiraanyo iyo calaacal isugu jira, isaga oo gabyaya ayuuna qabrigii dushiisa ku suuxay. Markaas kooxdii la socotay ayaa isaga oon juuq iyo jaaq lahayn meeshii ka qaadday oo gurigiisii geysay.
Saddex maalmood markii uu xaaladdaas ku sugnaa ayay ugu dambaystii isagana naftii daysay. Qabrigeedii dhinaciisa ayaana qabri looga qoday lagu aasay.
وَحَدَّثتَني يا قَلبُ أَنَّكَ صابِرٌ عَلى البَينِ مِن لُبنى فَسَوفَ تَذوقُ فَمُت كَمَداً أَو عِش سَقيماً فَإِنَّما تُكَلِّفُني مالا أَراكَ تُطيقُ — قيس بن ذريح
Sabriye Musse moqokori@gmail.com