User:Abuu Guuleed

Ka Wikipedia

Shadoor Xaaji Maxamuud, wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar sannadkii, 1988.

Waxbarashada
Sannadkii 2007  ku dhammeystay  Kulmis School ee magaalada Jowhar, wuxuu bartay saxaafada, wuxuu Maamulka iyo Ganacsiga ka bartay  jamacada Simad sanadkii 2012 dii.
  Shaqooyinkiisa 

Sannadkii 2004ta ayuu ku biiray, wuxuu ka mid ahaa aas aasayaashii Radio Jowhar ee uu ka Soo shaqeeyey, kana soo noqday war aqriye iyo barnaamij soo saare. Sanadkii 2006, wuxuu ahaa Wariye uga soo warama Magaalada Jowhar idacada Shabelle.

Sanadkiii 2006 ilaa 2007, Mr Shadoor, wuxuu ahaa guddoomiyaha urur ay ku mideeysnaayeen dhallinyarada Gobolka Shabeellaha Dhexe.  

Sanadkii 2008dii ayuu u soo wareegay Xaruntii Muqdisho ee warbaahinta Shabelle ee uu ka ahaa Barnaamij soo saare iyo war aqriye ka tirsan Idacada iyo tvga Shabelle.

Sanadahii 2009 ilaa 2010, wuxuu ahaa Mr Shadoor agaasimaha Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee TVgii ETN.


Mr Shadoor ayaa joojiyey ka shaqeyntii saxaafadda 2010 kii, isaga oo u weecday horumarinta shirkada uu ka mid ahaa dhallinyaro aas-aastay oo la oran jiray dadnimo markii dambe magaceeda loo beddelay Tabaarak ICT.

Sannadkii 2010ka ayuu ku biiray koox siyaasadeed oo horraantii sannadkii 2011 ka aas-aastay xisbiga PDP , oo uu guddoomiye ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu ahaa madaxa saxaafadda Xisbiga PDP. Sidoo kale wuxuu ahaa wakilka saxaafadda ee Ololahii Xasan Sheekh uu ku noqday Madaxwynaha Soomaaliya sannadkii 2012.

Mr Shadoor ayaa sanadahii 2012 ilaa 2014 ahaa Xoghayaha gaarka ah ee dhanka saxaafadda u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh. 2014 kii ayaa loo magacaabay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna xilka laga qaaday 2017 markii laga guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadda waa lataliyaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya