User:Abwaan Dhagacalen
Abwaan Dhagacalen gabay waddani ah
Orka luuqda maansooyinkiyo alifka suugaanta
Indhawaydba waataan kaharay ururintiisiiye
Ma olkeeyo geeraar haddaad igu ogaydeene
Waataan ayaamahan tixdii aamusoo xiraye
Allifaadda gabay waanigii oodahaw rogaye
Hayeeshee afkaygaa bartoon abidki daynayne
Oofihiyo waakaa qalbiga Soo amaamudane
Inta aanan oran hadalka waa inan afeeftaaye
Aayad iyo xaddiis baa cilmiga lagu aroorshaaye
Ogaal iyo hubsiinaa runtana lagu adkeeyaaye
Uumiyaha hortoodaa xaqana lagu iftiinshaaye
Anigoo awaalaha dhabtaa ku ashtakoonaaya
Dadoow aragtidaydaan rabaa inaan asteeyaayeeeeeeee
Afartaas irdaha maansadiyo ibafurkeedii dheh
illinkaan u maro gabayga iyo ililihiisii dheh
ilayskii cadceeddoo bixiyo sagal arooryaad dheh
Onkod iyo hillaac ololey if iyo muuqiis dheh
Astaamaha tixdaan curiyo iyo lama illaawaan dheh
Afar kale ujeeddadiyo waa udub dhiggeediiye
Abdo iyo masalo weeye aan cidi iswaydiine
Inyar dhagaha ii fura wax baan idin ogaysiineeeeeeeeeee
Qoomkii ilaah caasiyee diida amarkiisa
Raxmaddii alliyo roobku wayka afjarmaaniine
Adduunyada wanaaggeeda waa laga aqlaalaaye
Abaartiyo colaaduhuna way wada asiibaane
Aheey ahe aqliga waxa gadoo ila ahaanwaydey
Amuuraha dadkeennii helee lagu ilhaameeyey
Ee uunka naga raabayee looga dhigay iinta
Qofkastee arkoo dhaada oo garanayoo eega
Amakaagga iyo yaabka jira wuu la urugooneeee
Inkastoo Abwaan hadalki iyo waano laga oofay
Quus lama awaaleeyo iyo doodo anafaaye
Hadafkiyo ujeedkaaga waalagu adkaystaaye
Arrinkaaga meel aayo laa lagu ogaadaaye
Ifaffaallo ii muuqatiyo eegga waxa taagan
Iyo siday ahaandoonto baan sii awilayaaye
Inta badanba soomaali way garasha awdmeene
Waxaa aragtigii uga qafilan oodo dhacameede
Qarni idil waxay ku ebyadeen lays afgaranwaaye
Arrimaha qabiilkiyo gefkay ku indho beeleene
Aaniyo waxay ku aflaxeen eexo iyo boobe
Marna oosha ciiddiyo arlada loo arxamiwaaye
Ummadnimada oomaalidana ma ixtiraamaane
Waa duul inkaar haysatoon ka ilbaxayn reere
Oo Ina adeer iyo walaal way ajalayaane
Qoys iyaga kammida oo muslima way inkirayaane
Ehelnimada carabtiyo turkina way u ololaaneeeeeee
Wax ujeedku yahay iyo qisada loo urbixinwaayye
Arrin weeye maankiyo qalbigu la anfariiraane
Waa xaajo uguboo jirtoon cidi iswaydiine
Amuur weeye ruuxii aqli leh la ashqaraaraaye
Dadkani uurkutaallo iyo ceeb kama ajoodaane
Cibaadada alliyo diinta waalagu abyoodaaye
Udgoonoow rasuulkana si dhaba uma addeecaane
Eex iyo dulmina waa waxay ku ibtiloobeene
Haddaan eebbe noqonna waa la amban doonaayeeeeee
Afka dhaqanka ooddiyo midkay aqan wadaageenba
Ashahaado kiiyoo qiray kaga afuufaane 8 Amleey bay kuddaabaan dhaqsana iilka galiyaane
Inuu cadow uyahay bay haddana ku andacoodaane
Islaamnimada falastiinna waw wada ilmeeyaane
Dhaqankii awoowiyo katage ab iyo sooyaale
Asalkiyo dadnimadiina waa la asaruuraaye
Oo ubaxa sookacaya iyo ubad madhowraane
Arday iyo ugaas baa la diley uli magaydaaye
Wax kastoo ilaah naga xarrimay ulakac loo yeelye
Afo iyo amiir iyo la laah oori iyo xaase
Waxse eelka dhigay baa layiri unug wadaaddaaye
Haddana culima awdiinku way aamusaan badiye
Allaaba waa dedaal iyo wuxuun islaaxshaaye
Afka looma furo oo wallaan cidi iswaydiine
Aafadu kuwii ay heshaan loo isxaanfalineeeeeeeeee
Afartaas irdaha maansadiyo ibafurkeedii dheh
illinkaan u maro gabayga iyo ililihiisii dheh
ilayskii cadceeddoo bixiyo sagal arooryaad dheh
Onkod iyo hillaac ololey if iyo muuqiis dheh
Astaamaha tixdaan curiyo iyo lama illaawaan dheh
Afar kale ujeeddadiyo waa udub dhiggeediiye
Abdo iyo masalo weeye aan cidi iswaydiine
Inyar dhagaha ii fura mid baan idin ogaysiineeeeeeeeeee
Aqoon iyo xil madaxdeennu wayka arradnaadeene
Waa magac uyaal uun haddaad muuqa aragtaane
Ookuyaalihiyo buugga waa lagu adeegtaaye
War idaacad laga sheegay baa lagu amaanaaye
Aqli bay ku faanaan iyagu waase eberkoode
Allaa igu ogoo sida runtaa Ari ma dhaamaaneeeee
Hadba kaan annagu doorannaa aaha noo rara'e
Amiirkaynu magacaabannaa uubta noo qodaye
Dadka loo igmado shaqadu waa ehel khiyaanaade
Rag ay gaalo buug u aqridaa loo irkanayaaye
Dhamaan odayadeennoo dhan baa loo arrimiyaaye
Kuwa loo aleeggadahayaa waa indho la'aane
Indheergarad damiir liyo nin raga iranka loo diidye
Mid kastoo aqlileh jagada waa laga ilaashaayeeeeee
Kuwa labada aqal jooga waa uubatiyo yeeyoo
Iyagiyo abeeso iyo good in isma dhaamaane
Qabiil aawadiis bay shacbigi kala irdheeyeene
Umal aan harayn bay qalbiga kaga afuufeene
Abtirsiinyihiibaa xumaan loo adeegsadaye
Inay qolaba meel aaddey waan wada arkaynaaye
Ammaan waara iyo nabadna waan wada ishaarnaaye
Aqliyada gurracan weeye iyo waxaan isyeelayneeeee
Awalul'Amar Masuuloo dadkuba aaminaan jirine
Haddana waa arrine doorashaan ola oleeyaane
Aqliyada gurracan weeye iyo waxaan isyeelayneeeeeee
Rag-baa suluf abaabulahayood wada ogaydeene
Haddana waa iyaga waxa kursiga loo igmanayaaye
Misna inaanba khayr laga idayn waan oddorosnaaye
Aqliyada gurracan weeye iyo waxaan isyeelayneeeee
Rag uu cadow adeeg-sanahayaa iib-shey badihiiye
Inay noo arrimiyaanna waanka oggolaanaaye
Kuwii eel-ka dhigay baa wanaag lagu ammaanaaye
Haddana waan ogsoonnahay inay na asaruureene
Aqliyada gurracan weeye iyo waxaan isyeelayneeee
Ardadii tacliin iyo duruus loo akhriyiwaaye
Iskuulkiyo dugsiga ay dhigtaan kuma itaalaane
Imtaxaanka iyo barashadaa eber lakeenaaye
Akhriskiyo xarfuhu saa'id bay ugu adkaadaane
Alifbeeto ruuxii bartaa noo ayaan badaneeeeeeeeeeee
Afartaas irdaha maansadiyo ibafurkeedii dheh
illinkaan u maro gabayga iyo ililihiisii dheh
ilayskii cadceeddoo bixiyo sagal arooryaad dheh
Onkod iyo hillaac ololey if iyo muuqiis dheh
Astaamaha tixdaan curiyo iyo lama illaawaan dheh
Afar kale ujeeddadiyo waa udub dhiggeediiye
Abdo iyo masalo weeye aan cidi iswaydiine
Inyar dhagaha ii fura mid baan idin ogaysiineeeeeeeeeee
Goortii abaar Ina heshiyo omoska jiilaalka
Rabbigii na uumaa baryada laga aftaagaaye
Ummadaha midoobaa lacago laga amaahdaaye
Kufrigayba aamiinsadaan waase amakaage
Waana camalladaan eersannood wada arkaysaane
Nimcada arladiyo waa dadaan eegin beeraha'o
Waa dad aan anfacanayn dhulkiyo oosha waxa yaale
Waa dad aan waqood aaminayn waxay abuurtaane
Deeq aadmi siiyay rabaan inay irsaaqdaane
Allaahu akareey khayrkibay ka indha saabteene
Kolley anigu yaabaye wax jira bal aan iswaydiinno
Abwaan Dhagacalen