U bood nuxurka

User:Ahmed Omar Osman

Ka Wikipedia

Axmed Cumar Cismaan. Axmed wuxuu ku dhashay degmada Beerxaana sanadii 1989ki. Markuu dagaalki sokeeye dhacay (1991), Axmed wuxuu la qaxay waalidkiisa Allah u naxariistee Aabe Cumar Cismaan iyo hooyo Macey Sankuus iyo walaaladiis. Sannadii 1991di dabayaqadiisi, Axmed wuxuu isku dhiibay qaxooti ahaan xerada Dhadhaab. Sannadii 1997di, Axmed wuxuu ku biiray dugsiga hoose ee Cabdicasiis oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Ifo. Sannadii 2008di Axmed wuxuu si wanaagsan ku dhammeystay Dugsiga sare ee Ifo. Axmed wuxuu ku biiray jaamacadda Mount Kenya University sannadii 2012ka wuxuuna ka qalin badashay sannadii 2015ka isagoo si guul ah ku dhammeystay heerka koowaad ee jaamacadda (Bachelor's Degree). Sannadii 2016da Axmed wuxuu ka shaqo bilaaway Dowlad Goboleedka Jubaland wasaaradda warfaafinat, boostada iyo isgaarsiinta waaxda Saadka iyo Iibinta. Axmed wuxuu ku biiray hay'adda Samafalka ee Magaceedu loo soo gaabiyo DRC sannadii 2017di dhammaadkiis. Isagoo la tashanay qeybaha kala duwan ee bulshada,gaar ahaan dhalinyarada oo uu ka mid yahay Agaasime Maxamed Xuseen iyo Cabdi Xasan, Bisha August,2020 Axmed wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay Musharax xildhibaan ee Dowladda Federaalka Soomaalia, kursiga HOP#028 oo fadhigiisu yahay Kismayo. Axmed wuxuu hadda Olole culus ugu jiraa siduu ugu guuleysan lahaa Doorashada.