Jump to content

User:Alfanaan Qamaar Ibnu Qamaar/Bacaadka

Ka Wikipedia

Garadag

Garadag waa magaalo hoostimaado gobolka Sanaag ee Somaliland Soomaaliland.Degmadaan waxee u dhowdahay degmada Xudun oo kaga beegan dhanka Woqooyi Galbeed.Magaaladaan waxay hodan ku tahay xolaha nool Somaliland . Magaaladaan waxaa degan dad gaaraaya ilaa 5000 oo qof, nawaaxigeeda neh waxaa degan dad gaadhaya ilaa 30,000-40,000 oo qof.Degmada Garadag waxay ku caantahay xoolaha iyo dhaqashadood, waan dhul baad iyo bilicsan oo ku taala inta u dhaxaysa Dooxada nugaal iyo Gubanka.Waa dhul uu Illaahay ku manaystay xoolo dhaqashada.Reer garadag degmada waxey sanadkii ka dhoofiyaan xoolo lagu qiyaaso ilaa 30,000 oo neef.Sidoo kale maamul ahaan degmada garadag waxay ku caantahay xalinta khilaafaadka iyadoo taariikh facwayn ku leh dhinaca xalinta khilaafyada.Waxaa degmada ka baxo geed caan ka noqday degmada oo la yidhaahdo (Gobka Garad), waa geed markii ee dadka coloobaan lagu heshiisiiyo, heshiiska ka dhacaana aan bid laysugu qabsanin.Mararka qaar ayaa degmooyinka yar yar ee degenyihiin dadka xoolo dhaqatada ah ama reer baadiyaha ah waxaa ka dhacdo colaad u dhaxeeso beelo walaalo ah.Degmada garadag waxaa hadda ka hor ka dhacday colaad beeleed, waxaana ka mid ah shirkii lagu heshiisiiyaya, beelaha Dhulbahante, Habarjeclo iyo Habaryoonis waxaa kale oo garadag lagu qabtay Shirkii Habarjeclo.Degmada Garadag waxay caan ku tahay sidoo kale waxbarashad, waxeyna ka midtahay degmooyinka ugu waxbarasho fiican gobolka sanaag.Magalada waxaa ku yaala 3 dugsi hoose iyo 1 dugsi sare.Degmadaan waxee leedahay hoteelal raaxo leh iyo kuwa kaleba sida (Digaale Hotel) oo ku yaala meel aad u haboon. yalfanaan Qamaar ibnu Qamaar