User:Aroone2002

Ka Wikipedia

            بسم الله الرحمن الرحيم                      TAARIIKHDA A to A      BANAADIR IYO BANAADIRI                  AF SOOMAALI             Muqdisho Magaalada ugu     Qadiimsan Somalia

☆ Magaca Muqdisho iyo Banaadir Ka hor Romanka iyo Giriiga  maxay ku magacaabi jireen Caasimadeeni Soomaaliya ?

 ☆ Sarapion (Ancient Greek: Σαράπιον, also spelled Serapion), Waa magaca ladhi hijiray Caasimadeeni Serebiyan waa magac qadiimi ah 4 Kun sano kahor. ● Micnahiisuna yahay magaalo dekadeed, ku yaala Soomaaliya Mar dambe noqday Caasimada wadanka Muqdisho. Mardambe ayaa yimid magaca Banaadir ama Benadir Banadir or Benadir (Somali: Banaadir, Persian: بنادر‎‎ Banādir

● Dadka keenay magaca Banaadir :

Dadkii kasoo qaxay Magaalada Dimishiq sanadka 646 CE ilaa 705 CE caasimada Islaamka waqtigaas ahaa waxay ahaayeen dad Carab iyo Persian isku jira. Waxaa loo maleeyaa magaca bandar oo ah( Furdo ama dakad ) Marka labadiyo uu noqonaayo Banaadir  (furdooyin ama dekado) In uu goortaas baxay, ama waqti ku dhaw.

● Sidoo kale Magaca "Muqdisho" oo asaga kaduwan. Oo leh labo macno ayadoo loo fiirinaayo luqada Labada qolo Arab iyo Persian iyo imaashahoodi Muqdisho aan kor kusoo xusay.

Mida Carabta waa " Fadhiga Shaaha". Ama (hotel or Maqaayad ) Mida Persian micno ahaan Marka loo fiiriyo oo noqon karo "Fadhiga Boqorka". Ama (Aqalka madaxtooyada)

● Xeebaha Banaadiriga:

Banaadir waa dhulxeebeedka koonfurta Soomaaliya, laga soo bilaabo Warshiikh ilaa iyo Kismaayo Kismaayo waxii ka shisheeyana Bajuuni Island.

 Sida Map Roomaanka sameeyeen ama dhismaha facda leh  ilaa iyo maanta ka muuqda Xeebaha Banaadiriga ka arki kartid ilaa maanta.

Tusaale: Xeebta Warshiikh waxaa ku Arkaysaa, "Saro ama daarar dhagax kasameeysan . Sida Kuwa Muqdisho, Marka, Baraawe. Waxaa intaas ku dheer, waxaa deegaan u ahaa dad reer Banaadir ah oo hormuud ka yahay, marna ahaa Waaliga (Taliye/Governor) ama Shiikha Warshiikh. Allah u naxreesto Sheikh Abiikar al Muxdaar bin Camuudi Deen. Oo ilaa iyo maanta ku aasan laguna Siyaarto. Gawar uu Awoow u yahay Aamana Makaroon Aniga Ayaan soo gaaray oo ku Arkay Warshiikh. Waxaa lasheegaa Xeebaha Banaadiriga in uu ahaa goobo ama xeebo ganacsiga aad ugu shidnaa. Waxii fahfaahin fiiri boga ganacsiga dadka hore.

● BANAADIRI Goormuu Soo degay Xeebaha Banaadir?

☆Taariikhda waxay sheegeysaa Banaadiriga u soo horeeyey Muqdisho, in uu yimid ama soo dagay Xeebaha Banaadiriga  sanadka 525 CE Xiligii Boqortooyadii Tubac Ama Himyarite Dynasty. Hamareti, Hamari Waxaa lâ sheegaa Hamari in waqtigaas baxay. Fiiri boga B to B

☆ Sidoo Kale Micno  kan kore ku dhaw (Hamaraa) 1837 Sidoo kale Said Barghash abihiis qudbo oo Jamaacada Xamarweyne, Miiska Malaayga gadaashiis (Suuqa ganacsiga ayuu ahaa) ilaa iyo Carwada Barghash waa isku muuqday, Said Sa'id Barghash wuxuu Afka ku dhuftay qudbadiisi in dadka Banaadir ay wadaagaan Xadaarad oo ay yihiin (Hamara) fiiri Boga Barghash.

● (Kamil at Tubba) Himyar Waxaa lâ isku soo gud gud biyey. In Boqorkii ka talin jiray Jaziiratul Arab caasimadiisu ahayd "Zafar" maanta la dhaho "IBB Yemen,"  Meel u jirta Sanca caasimada yemen dhan ka K. Bari 130 km. Boqorkaas caruurtiisa in ay soo gaareen Muqdisho oona xukumi jireen Muqdisho mudo 35 sano ah 525 CE ilaa 560 CE Lana dhihi jiray Shingan ibn Hadi ibn Ma’adi-Karib”

● Waxa lâ sheegaa in magaca SHINGAANI in uu Meesha ka yimid. Waxaa kale lâ sheegaa wiil uu dhalay Sharax bil "Shingan ibn Hadi In uu ahaa.  Boqortooyadaan soo jirtay 11 fac. Sedexda Fac u horeeyey waxay Aminsanaayeen Diinta Yahuuda Boqor ahaan laakin dadka badidoodi Diin laawayaal ama Kuwa Qorax iyo alaabo Caabudo ayey ahaayeen, sideeda Fac soo hartayna Diinta Masiixiga, ayey haysteen.  Xataa waxaa lâ Sheegaa wiilasha Boqorka labo in ay Ethiobia aaday mid, mid ka kale xukunka ku dilay, midkaan sedexaadna waa ka Muqdisho yimid. Boqortooyadii xoogaa badneyd oo ee dhawr boqol  sano ka badan jirtay  ee Tubac  qadka ayey ka baxday sanadka markuu ahaa 560 CE.

W.Q. Sharif Ahmed Aroone  @Aroone  W.S Inj. Abdurahman Abuuyo.