User:Cabdullaahi Faarax Makaraan Nuur
Tuulada Abooreey waxaa ay ku taalaa bartamaha Gobolka Hiiraan ee faca weyn waana tuullo balaaran oo bilicsan waxaana ay ku taal deegaan muhiim ku ah dhaqshada xoolaha iyo beeraha. Abooreey waxaa ay gaar ahaan ku taal meel 30 km waqooyiga kaga beegan magaalada Buuloburde, wabiga Shabeelle ayaana dacalka bari ka maro. Waxaa tuulada ku yaalo dhismooyin badan oo ay dowladu leedahay in kastoo aan loo dhisin iskuulada waxbarshada iyo isbitaalo caafimaad laakiin waxaa ay leedahay goobo yaryar oo dhinaca caafimaadka ah. Dadka ku dhaqan oo aan la hayn qiyaas ahaan tiradooda waxaa ay u badan yihiin xoolo dhaqato iyo beeraaleey oo Soomaalidu caan ku tahay meeshana ma ka marna ganacsiga ay tuuladu leedahay. Tuulada muuqaal ahaan iyo deegaan ahaanba waxaa ay u dhaxeysaa buuro waaweyn iyo dhul keymo ah oo ugaartu ka buuxdo isla markaana u roon indhaha dadka socotada ah ee ku dhex safro Gobolka Hiiraan iyo waliba Abooreey. Dadka ku nool Tuulada Abooreey waxaa ay mustaqbalka dhow hiigsanayaan horumaro balaaran oo laga sameeyo deegaanka si ugu danbeeyntana ay u noqoto Degmo. Tuulada Abooreey waxaa ka soo jeeda dad caan ka ah Somalia sida Siyaasiyiin, Abwaano iyo waliba ganacsato, waxaana ka mid ah Abwaan Xasan Fiidow Cantoob oo lahaa gabayo faro badan oo dadka deegaanka ay aad u yaqaanaan iyo C/fitaax Xasan Maxamuud Xaaxaale iyo Abwaan Mustafe Shiikh Cilmi oo ah udub dhaxaadka Fanka Soomaaliga isla markaana aad looga ixtiraamo dhulka Soomaalidu dagto. Sidoo kale waxaa isna ka soo jeeda milkiilaha Hotelada Laf-weyn iyo Ambassador ee magaalada Mugadisho Xaaji Daa'uud. Deegaanka Abooreey oo istiraatiiji ah waxaa degan beesha Ibraahim Ciise iyo Beesha xasan maxamed ee Xawaadle, waxaana dhinaca bari uga beegan buuraha Yasooman oo aad ugu wacan dalxiiska. Tuulada aboorey waxa ay ka midtahay tuulooyinka ugu qaaraamisan gubolka hiiraan taasoo hadda leys dhihikaro waa degmo katirsan gobolka hiiraan Waxaa idiin diyaariyay Eng: Cabdullaahi Faarax Makaraan Nuur