User:Cabdullaahi Maxamed Cali Idle
Somali Youth Contact (SYC) Xiriirka Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 20/02/2009, sababta keentay in la aasaaso waxay ahayd, kadib markii aan aragnay kala daadsanaanta, wada xiriir la’aanta, wax wada qabsi la’aanta iyo iska warqabid la’aanta kadhax jirto dhalinyarada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa wada tashi lasamaynay, dhiiragalina nagu siiyay aasaasidda SYC qaar kamid ah waxgaradka, aqoonyahanada iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.
Ujeedada iyo hadafka Somali Youth Contact (SYC)
Xiriirka Dhalinyarada Soomaaliyeed, Somali Youth Contact (SYC) shaqadiisa waxay tahay; isku keenista, mideynta talada, fikirka, maskaxda iyo awooda dhalinyarada Soomaaliyeed. Wax uqabadka bulshada, hormarinta dalka, kuboorinta dhalinyarada qaadashada qalinka iyo buuga, iyo kudadaalida qaranimada. Iyo cirib-tirka is naceebka, qabyaaladda iyo qoriga.
SYC uma dhisno dano shaqsiyadeed, dano gaar ah, Qabiil iyo Gobol midna, laakiin waxuu udhisan yahay danaha Soomaaliweyn, daryeelidda iyo caawimaadda dadka, iyo hormarinta dalka. Qofkasta oo Soomaali ah, leh caqli saliim, fikir wanaagsan iyo talo meel mar ah waa lagu soo dhawaynayaa kamid noqoshada SYC, waana loo baahanyahay fikirkiisa, taladiisa, tageeradiisa iyo codkiisa, waana noo muhiim. Lagama yaqaan SYC nin jeclaysi iyo ina adeer. Qofka waxuu wax ku noqon karaa aqoontiisa, howl karnimadiisa iyo in uu bulshada dhanka wanaaga u jiheyn karo.
Ururka ayaa Page isku xira dhalinyarada ku leh Facekook-ka www.facebook.com/somaliyc. Waxaa loogu talagalay Page-ka in ay kuwada xiriiraan dhamaan dhalinyarada kala joogta qaaradaha kala duwan iyo in ay ku soo bandhigaan aragtidooda, fikirkooda iyo taladooda, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigaa waxqabadka iyo hiigsimaadka ururka.
Waxaa kala xiriiri kartaa wixii faafaahin ah:- somaliyouthcontact@gmail.com somaliyouthcontact@yahoo.com somaliyouthcontact@facebook.com ama waxaad booqan karta Page-keena www.facebook.com/somaliyc