User:Casqalaani/Bacaadka
- WAX_KA_OGOW_TAARIIKHDA_CAALIMKA_WAYN_EE_SOOMAALIYEED_SHIIKH_YUUSUF_SHIIKH_IBARAAHIM_DIREED
- MAGICIISA_IYO_QOYSKIISA
- MAGICIISU waa shiikh yuusuf shiikh ibraahim fiqi xasan fiqi maxamuud fiqi muxamad beesha Dir - cabdale - fiqi muxamad
- MAGACA HOOYADI waa jimco cismaan-gaduud fiqi muxamad beesha Hawiye cayr reer dhalow
- Hooyadiis waxaa dilay ciidamadii daraawiishta asagoo jira 8 sano asna maalintaas dhaawac wajiga ah baasoogaaray aabihi baa soobarbaarshay oo qur’aanka udhigay
- MARKUU_DHASHAY_IYO_MEESHUU_KUDHASHAY
- Wuxuu dhashay shiikhu alle ha unaxariistee bilowgii qarnigii 20 aad oo miilaadiga markii wadanka uu gumaystuhu haystay oo ay dadka iyo diintaba ladirirayeen
- Wuxuuna kudhashay gobolka galgaduud sanadkii 1330 H oo waafaqsan 1912 M
- Wuxuu yiri shiikh cabdi raxmaan celi asagoo noo cadaynaya taariikhdii shiikhu dhashay
وتــــــــــاريــــــــــــخ مــــــــيـــــلاده
غــــــشـــاكـــــــط كــــــمــــــا وردا
غ= 1000 300 = ش ا= 1 ك= 20 ط = 9 Markii la iskudaro waa 1330
- WAXBARASHADIISII_IYO_CULUMADIISII
- Wuxuu bilaabay waxbarashada asagoo yar guriga aabihiis buu qur’aanka kubilaabay islamarkaana tacliintii kale buu horay u galay
1- Shiikhiisa koobaad waa shiikh ciise faarax kooshin Qisadii ay isku barteen
- Shiikh ciise oo safar ah baa soo martiyay xaafada shiikh ibraahin oo ah shiikh yuusuf aabihi markaabaa shiikh yuusuf oo yar cuno loogu dhiibay suu wuxuu maqlay shiikh ciise oo leh
ذنوبــي عــليّ كالرّواسي فويلي لوزري الثقيل
- Baydkaas baa ugu horeeyay wax uu kamaqlo kadibna kitaabuu ka akhristay
- Ayaan kadib buu shiikh ciise safray markaabuu lakulmay shiikh cali samantar markuu arkay cilmiga shiikh cali awalna uu layaabanaa fahmada wiilkii yaraa buu wuxuu kuyiri shiikh cali waxaan arkay wiil yar oo cilmigaan kaaqaadaya suu shiikh cali yiri uyeer suu waraaq udiray markay waraaqdii shiikh yuusuf soogaartay buu si dag dag ah Hobyo u aaday oo uu halkaas kula kulmay shiikhiisa labaad
2- shiikhiisa labaad waa shiikh cali samantar waana ugu wayn mashaa ikhdiisa oo uu ka aflaxay
3- Waxaa ka mid ah mashaa’ikhdiisa shiikh maxamad fiqi yuusuf
4- Shiikh c. wahaab shiikh yuusuf dubad
5- Shiikh aadan cawlyahan
6- Shiikh nuur maxamad awr’table
- MADHABKIISA_IYO_CAQIIDADIISA_IYO_DARIIQADIISA
Wuxuu ahaa shiikhu alle ha unaxariistee - Dhanka madhabka shaafici - Dhanka caqiidada ashcari - Dhanka dariiqada qaadiri - Dhanka dagaanka Galgaduud/Huurshe - Dhanka qabiilaka Dir/surre
- DADAALKII_IYO_ADKAYSIMIHII_UU_WAX_KUSO_BARTAY
- Waxaa aad ubadnaa waagaas oo ka hor imaanjiray dadka diinta barta Mushkilado kaladuwan sida :
1) gumaystaha oo ladiriri jiray diinta islaamka oo culumada iyo xertaba dhibaatayn jiray oo qaarna xiray qaarna dilay
2) nolosha oo ciriiri ahayd dhanka cunada iyo biyaha iyo dharkaba
3) kutubta cilmiga oo aan sahal loo heli jirin oo u qaybsanayd kuwo qaali ah iyo qaar aan laba heliKarin
4) safarka oo aad udhib badnaa oo ahaa qofwalba iyo lugtiisa ama awrkiisa
5) wadanka oo ukala gonaa dawlado gumaystayaal ah sida ingiriiska iyo talyaaniga iyo qabaail is dirira
- Waxaas oo mushkilada ah ayagoo ay jiraan buu shiikh yuusuf wax soobartay oo har iyo hamiinba wax akhrinjiray asagoo waliba adeegsanayay faynuus iyo dab
- Waxyaalaha layaabka ah waxaa kamid ah inuu shiikha iyo shiikh daahir shiikh cumar rooble ay khalwo galeen say kitaabo usoo daalacdaan ayna usoojeedaan har iyo hamiinba qof kastana wuxuu wataa faynuus shiikh yuusuf wuxuu isticmaalay 11 tanag oo midkiiba yahay 20 liitar oo nafto ah una isticmaalay wax akhrin kaliya shiikh daahirna 12 tanag!!!
#FIDINTA_DIINTA_ISLAAMKA_IYO_DAWRKUU_KACIYAARAY
- Shiikhu kaalin libaax buu ka qaatay faafinta diinta islaamka wuxuuna caqligiisa iyo cilmigiisa iyo maalkiisaba isugu geeyay faafinta diinta darsigiisu kalago malahayn safar iyo nagaadiba
- Wuxuu dhisay masaajid iyo madaaris wili baaqi ah xertiisa asagaa biili jiray oo waxbarashada kutaakulayn jiray oo xoolo iyo beeraba utabcay ilaa markiidanbe uu guryihiisii ugaday 9 guri buu midba markuu kii hore lacagtiisii dhamaato ugadijiray
- RAADADKA_KABAAQIGA_AH
Wuxuu ahaa shiikhu mid dadka iyo diintaba u adeega
➢ Wuxuu ka tagay culumo waawayn oo aan cadad iyo xisaab lahayn ➢ Wuxuu dhisay masaajid iyo madaaris sida ✓ Masjidka dhuusamareeb iyo madarisada wayn ee ku ag taala oo loo yaqaano jaamacatu raqay ✓ Masjidka cadaado ✓ Masjidka huurshe ➢ Sidookale wuxuu dhisay baraago waqaf ah iyo ceelal iyo jidad sida ✓ Jidka udhexeeya bandiiradley iyo lagurizqay ✓ Baraag kutaala lagurizqay oo waqaf ah ✓ Jidka udhexeeya huurshe iyo xeraale ✓ Jidka udhexeeya huurshe iyo hogdugaag ✓ Ceel kuyaala mayeeraan oo loo yaqaan ceel wayne ✓ Ceelka kuyaala raqayda ✓ Ceelka cadaado oo loo yaqaan ceel dheere oo hada masjidka musqulohiisa laga dhigay
- FUNUUNTII_UU_AKHRINJIRAY
- Wuxuu akhrinjiray qaybaha kala duwan oo ay ka koobantahay shareecada islaamka iyo aalada loo kaalmaysto wuxuu ugu akhrin badnaa fiqhiga caqiidada tafsiirka xadiiska tasawufka iyo siirada sidoo kale wuxuu akhrinjiray naxwaha sarfiga iyo aaladoodhan wuxuu yiri shiikh cabdi raxmaan celi
وكان فقيها شافعيا وأشعري وفي القادرية استوى متمكّنا
وكان شهيرا بالعلوم فنونها كفقه وتفسير أحاديث نورنا
وكان له كذا بعلم عقيدة وعلم تصوف ونحو وصرفنا
وكان مفيدا للعلوم بأســــــــرها بفهم معانيها فكان مبينا
- DHIMASHADII_ShIIKHA_IYO_MEESHUU_KUDHINTAY
- Janaatu al Firdawso alle haka waraabshee wuxuu kudhintay isbitaal madiina oo kuyaala magaalada muqdisho wuxuuna sababsaday qaliin lagusameeyay oo kalida ahaa taariikhdu markay ahayd 8/safar/ 1401 H oo waafaqsan 16/12/ 1980 M wuxuu yiri shiikh maxamuud shiikh xasan
فتاريخه غتا
من ثمان صفرالله
= 1 iskugayn waa 1401 ا 400=ت =1000غ
- Waxaana lagu aasay magaalada huurshe oo uu aabihi iyo awoowgi iyo inbadan oo qaraabadisa ahi ku aasnayd
- AMAANTII_CULUMADU_AY_AMAANEEN
- Culumo iyo caamaba dadkii lakulmay ama cilmigiisii kunacfiyay aadbay u amaaneen carabi iyo soomaaliba waa ku cabireen
- wuxuuyiri shiikh cabdi raxmaan celi
وكان عديم المثل في وقته فقد تحلى برحمة لمن عنده دنا
وكان وليا عند أهل الحقيقة وناشر علم في بلاد وبدونا
- Wuxuuyiri sheikh maxamuud
كان مأوا للعلوم من أنواع علم الله
- Wuxuu yiri asman xasan dari markuu mas alo waydiiyay nin shiikh ah oo uu sikhalad ah ugu sheegay oo masana uu waydiiyay shiikh yuusuf oo uu si sax ah ugu sheegay buu wuxuu tiriyay gabay dheer waxaana kamid ahaa
Uusbuur wadaaduhu
Wuxuu ariga buurtaaba
Aayad uu aqoon iyo wuxuu ka am am siiyaaba
aw yuusuf maalintuu maqluu ku anbadaa meele