User:Dr Axmed Maxamuud Ibraahim

Ka Wikipedia

Dr Axmed Maxamuud Ibraahim waxuu ku dhashay Degmada Feer - feer ee gudaha deegaanka Soomaalida Ethiopia Hillaadii 60dameedyadii waxuuna kusoo barbaaray Agagaarkeeda , waxaa Qur'aan ka soo baray Macalim cabdulaahi xaaji saalax.kadib markii uu Qur'aan ka dhameeyay ayuu uwareegay dhanka degmada Qallaafe ee isla dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.isagoo in muddo ah lanoolaa Adeerkiis Cabdulaahi Ibraahim(Uraag) oo kamid ahaay Ganacsatada magaalada Qallaafe.kadibna waxuu usafray xaggaa iyo Soomaaliya gaar ahaana Magaallada Muqdisho oo uu waxbarashadiisii ilaa heerka Jaamacadeed kuqaatay waxuuna ka baxay Jaamacadii ummada Soomaaliyeed qeybteeda culuumta beeraha oo uu markii dambena bare ka noqday. intaa kadib waxaa waxbarasho loogu diray dalka talyaaniga oo uu shahaadada PhD da ku qaatay isla cilmiga Beeraha halkaasoo uu muddo dheer wax ka dhigayay jaamacado dhowr ah oo dalka Talyaaniga ku yaallo. muddo kadib ayuu uwareegay dhanka dalka Canada oo uu howlihiisii macalimnimada kasii waday isagoo wax ka dhigi jiray jaamacada Toronto University. Dhamaadkii sagaashameedyadii ayuu dib ugu soo laabtay deegaanka Soomaalida Ethiopia. waxuuna kamidnoqday qurbo joogtii ugu horeysay ee Deegaanka kusoo laabta si ay dadkooda wax ugu faaiideeyaan ugana qeyb qaataan horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Markii uu deegaanka kusoo laabtay, Drku waxuu aas - aasay Dugsiyada Barkhadle Academy oo Deegaanka oo dhan ku faafay tacliin tayo lehna ummada gaadhsiiyay.caasimada jigjiga oo kaliya waxuu ka hirgaliyay afar laamood oo ay wehliyaan qeybta waxbarashada iyo tababarada dadka waaweyn. Sidoo kale Qabridahe, Godey, Dhagaxbuur, Shiniile iyo qeybo badan oo Deegaanka ka mid ayuu ka hirgaliyay Dugsiyada Barkhadle Academy. intaa oo kali waxqabadkiisu kuma koobnayn ee waxuu kaalin mug leh kaqaatay Horumarinta cilmiga Beeraha ee deegaankeena isagoo marar badan cilmibaadhis la xidhiidha dalaga beeraha kasameeyay qeeybo badan oo ka mid ah gobollada iyo degmooyinka Deegaanka. Waxuu Sidoo kale iskaashatooyin beeralay oo waawayn kasameeyay degmooyin ay feer feer kamid tahay.tan iyo markii la aasa- aasay Jaamacada Jigjiga University ayuu si mutadawacnimi ah wax kadhigi jiray jaamacada jigjiga University. Dr Axmed Maxamuud Ibraahim waxuu ahaay aqoonyahan wadani ah oo qiimo weyn ugu fadhiyay shacabka DDSI.waxaana siweyn loogu xasuusan doonaa wqxqabadkiisii ballaadhnaa iyo howlihii hufnaay ee uu ummada uhaayay gaar ahaana dhinaca waxbarashada. Alle ha u Naxariistee Dr Axmed Maxamuud Ibraahim waxuu 2dii bishii July 2015 ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Caasimada DDSI. waxuuna ifka kaga tagay labba Xaas iyo 9 caruur ah. Taariikhda Drka oo waxaa iskusoo duba riday Cabdirisaaq Macalim Cilmi oo kamid ah dadkii mudada dheer lasoo shaqeeyay. Tixraac. http:// www.faallo.com/2015/07/02/ taariikhda-dr-axmed-maxamuud- ibraahim-oo-maanta-jigjiga-ku- geeriyooday/