User:Elmihassan
#bismillah. #5G
Waxan maantay kahadlayna technology-yada jiilka shanaad ee isgaasriinta fiilo la'aanta , waxan eegeynaa
Waamaxay 5G?
Waa maxay Sababta ama baahida keentay iyo waxa eey qabato?
Laga soobilaabo jiilkii 2aad ee 2G waxa jiray urur eey kumideysanyihiin dowlado badan kaaso ah ururka isgaatsiinta caalamiga
International telecommunication union(ITU) taas oo mideysay habka adeegsiga jiilasha kaladuwan ee isgaarsiinta waxa asne jiro urur kale oo layiraa 3GPP.
3GPP iyo ITU waa labo urur oo xadido qaab dhismeedka isgaarsiinta caalamka sidoo kale dajiya shuruucdeeda.
In 5G lasameeyo cilmi baaristeeda waxa ey bilabatay kudhawaad 10 sano kahor sida hauwei oo kale balse waxa standards keeda iyo aas aaskeeda ladejiyay sanadii 2017 kadibne waxay hadal haynteeda gaartay aduun weeyanaha ayadoo maantay eey dowlado badan isticmaalan kuwa kale eey qorsheeynayan hir gilinteeda.
Maxaa loogu baahday in 5G la adeegsado?
Sida caadada ah kudhawaad 10-ki sano ee kasto waxa soobaxo jiil cusub oo isgaarsiineed sababtunu waa in jiilki asaga kahoreey baahiyaha cusub ee soo baxay uu cover-garayn waayay.
Jiil kasto waxa uu leey ilaa xad ugu danbeyo oo lasii horumarin karo 4G ne waxay gaartay meeshi ugu danbeysay hadii noqoto inta user ee isticmaali karto iyo speed-keedaba, marka taas aya kaliftay in 5G loosoo gudbo maadaama users-ka caalmaka sii kordhayan hadii bani aadam noqdaan iyo hadii alaado kale noqdaan.
Waxyaabaha cusub ee caalamka kusoo kordhaay waxa kamida: big data, IoT, AI waxa eey ubaahanyihiin innernet taasne waxa eey igu qasbi inan si dhaqsaa uu horumariyo isgaarsiinta si aan bahiyahooda internet aan uu daboolo
Marka jiil kasto oo cusub inu soo ifbaxo waxa sabab u ah jiilkii asaga kahoeey oo bihiyihii jiray dabooli waayay madaamo uu jiilkaas duqoobay
Bahiyaha keenay 5G waxa kamida:
1-Ultra high throughput - oo inu lahelo xawaare aad u sareeyo si waqti kooban loogu diro macluumad aad ubad 5G xawaaraheeda waxa uu gara ilaa 20Gbps waxana loo isticmaali karaa VR, AR, MR oo ah inu waxayaabaha khiyaaligaa uu run kaaga dhigo, 5G waxa uu 20 jibaar ka xawaara badanyahay jiilki asaga kahoreey ee 4G.
2- ultara large connection - taas o kdhigan iney users aad u tiro badan hal wati wada isticmaali karaan ayadoo channels ka data qaada eey garayaan ilaa 800 oo channel, 5G waxa awood uleeyahay iney 1million oo user oo 1km square kusugan wada isticmaalan.
Waxa lasheegay in 2030 eey istcmaali doodaan 100billion oo device, waxan u ognahay in tirada dadka eey tahay 8billion lkn inta kasoo harta waxay noqonaan alado sida gawaarida iskeed isu wado(auto car), robot, ama aaladaha guriga yaala xataa.
3-Ultra low latency - 5G waxaa aad loo yareeyay dib udhacaca ama latency/delay-ga marka loo eego 4G Waxanu kayaryahay 5ms halkaa uu 4G garayay ilaa 100ms, sababto ah hadii intaas kabato waxu sababaa musiibooyin farabadan maadama aalado AI(artificial intelligence) kushaqeeyo eey kuxiranyihiin.
W/Q Eng. ELMI HASSAN FARAH
Email: cilmiyare.com@gmail.com