User:Faisal.sharif

Ka Wikipedia
  1. Sida Ay Buuraha U Dhismaan

Duleedka dhulka isbadel joogta ah ayaa kasocda. Aalaaba isbadelada si tartiib ah ayay u dhacaan oo aynaa arki karin. Lakiin malaayiin sano, isbadaladani buuro ayay soo saaraan ayna baabi'yaan. Maanta buuro cusub ayaa soo koraya, kuwa horena waxaa baabi'naya dabeesha iyo biyaha.

SIDEE BUU DHULKA BUURAHA U DHISAA?

Buuraha waxee ka sameesmaan Fulkaano. ama caleemha dhulka marka ee isku durqaayaan.

Inta badan hannanka buur dhisidda dhulka waxa ay kadhacaan cirifyada caleemaha gilgilka weyn.

Qiyaas bal laba baabuur oo isku dhacaya. Xooga isku dhicista waxa uu kadhigi karaa biraha baabuurta iney laabmaan, ama xitaa ay jabaan. Ayadoo shidaalka daadanayana uu dab qabsan karo.

Isla sidaa unbaa dhaceysa marka labada caleemo ay isku durqaan. Dhagaxaanta waxa ay u laabmayaan duub, ayaddoo sameyneysa Buuro duuban(fold mountains).

Dilaacyo waa weyn oo lagu magacaabo qarradhyo(faults) ayaa sameysmaya halka dhagaxaantu ay ka dilaaceen.

Dhadhaab dhul go' oo inta u dhaxeysa qarradhyada ayaa kor usoo baxaya kuwaasoo sameynaya buuro dhul go' ah(block mountains).

Buuraha Soomaaliya waxee ku yaalaan waqooyiga soomaaliya. meesha ugu dheer wadanka neh waa buurta Shimbiris.