Jump to content

User:Guray 7788

Ka Wikipedia

Degmada: Dhabad- Galgaduud - Somalia :-

(Meeshu soo Dhabad maahan, Anigu soo Dhalin maahi, Qorrigu soo dhamme maahan , Adna soo dhimman maysid ?)

Hordhac guud :-

Degmada Dhabbad guud ahaan waxay kamid tahay deegaanadda ugu magaca iyo jiritaanka dheer marka laga hadlayo Gobolka Ciidda cas ee Galgaduud ee dhaca bartamaha Jumhuuriyadda Soomaaliya.

Waa Magaalo aad istiraartiiji u ah marka la eeggo Arrimaha ammaanka waxayna ahaan jirtay xarun laga ilaaliyo soohdimaha dalka Xiligii Dowladdii Kacaanka marka la eeggo Juquraafi ahaan meesha ay kuttaal waa meel hoobad ah waxaa kuxeeran dhul aad ubalaadhan oo dhul qaadsimeed ah aad hoddan ugu ah kobboca Afarta meesi ee ay Soomaalidu dhaqatto.

Maxaad kataqaan Dhabbad ?:-

Dhabbad juquraafi ahaan waxay kutaal bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Galgaduud waxaa Bariga kaxiga Deegaanka Galisoor, Waxaa Galbeedka Kaxiga Degmada Caabudwaaq, Waxaa koofur Kaxiga Degmada Caddaado sidoo kale Waxaa Waqooyiga Kaxiga Deegaanka Qorrof ee Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhabbad waxaa lagu xusaa Sooyaal ahaan in la aas aasay in ka badan sedex qarni waxaana degaan ahaan daggi jiray Qabiilka loo yaqaan Ajuuraan 1965.

kadib waqtigaas waxaa soo degay Qabiilka -Wagardhac-Mareexaan -Darood oo degaan ahaan laga soo riixay Nugaal iyo Degmada Hobyo Ee Gobolka Mudug Rasmi ahaan waxay daggeen Dhabbad 1958.

Dhabbad Taariikh ahaan waxay soomartay Waayo qallafsan oo ay khadhaadhahay in laxuso iyo waayo qurux badan oo in ladheegtaa ay habboon tahay haattan.

Magaca Magaaladda ayaa caan ka ah meelo badan oo ay Soomali joogto oo dalka iyo dibaddaba ah waxaa magacaan loogu yeedhaa xaafaddo kamid ah Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo Sidoo kale waxaa magaca Dhabbad loo bixiyay xaafaddo kamid ah Magaalooyin kamid ah dalalka Maraykanka iyo Kenya meelahaas oo dadka Reer Dhabbadeed kaahi kunool yihiin .

Kasakow in ay Magaaladdu Qadiimi tahay waxaad ku arkaysaa in dagaaladdii eheligaahaa ee dalka soomaray ay saamayn wayn kuyeesheen muuqaalka, tirada dadka kunool, kobboca dhaqaalaha, waxbarshada iyo dhammaan kaabbiyaasha kala duwan ee bulshada Sidoo kale waxay kuxeeran tahay bay'ad ay adag tahay in lagu noolaaddo waqtigaan aan qoroyo qormaddaan.

1972-1974 ayaa waxaa dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay Magaaladda Dhabbad ka hirgalisay xaruumaha dawliga ah sida Station Police (Xarun Balays), primary school(Dugsi hoose dhexe), Health Center(Xarun Caafimaad), orientation (Xarunta Hanuuninta dad waynaha), boreholes (Ceel-biyood) balse haattan waxaa kuyaal 2 dugsi sare iyo labo dugsi hoose dhexe.

In badan labo goor waxaa Dhabbad Degmo u aqoonsaday dowladdihii kumeel gaar ka ahaa ee xiligii Madaxwayne Col C/laahi Yusuf Axmed iyo Xiligii Madax wayne Shariif sheikh Axmed.

Dadka kunool Degmada Dhabbad:-

Marka laga hadlayo waxa afka qallaad lagu yidhaa(population) waxaa Dhabbad kuxeeran Jaha waliba in kabadan 20 tuulo iyo dhul daaqsimeed aad ubalaadhan inta xadka gobolka Galgaduud ah Sidoo kale waxaa kuxidhan dad ka iyo Deegaanadda Xadka itoobiyada ah ee xudduudda labada dalka ee Soomaaliya iyo Itoobiya .

Dadka kunool Degmada Dhabbad iyo Nawaaxigeeda Qiyaas ahaan waxaa lagu sheegaa 5500 oo qof oo ay kamid yihiin dadka Magaaladda iyo miyigeedda .

Amniga Degmada Dhabbad:-

Siddaan soo xusayba waxay kuxeeran tahay deegaan adag, qallafsan aanay sahlanayn in nin fullay ah kubaraaro hurdo fiicanna laddo.

Magaaladda waxaa nabaddeeda sugga illaahay kasakow Maleyshiyo beeleed aad u hubaysan, indho cas cas, laqabatimay duruufaha colaaddaha iyo dabciga adag ee dhulka mudug layaqaan.

Majirto awood Dowladeed iyo mid Deegaan oo kashaqeeya Degmada marka laga reebo maamulka dad deegaanku dhisteen oo aanay shaqadiisu badnayn.

Waxbarashada Degmada Dhabbad :-

Kadib burburkii Dowladdii kacaanka waxaa dadka dibad joogtaa ee Degaan kaas kasoo jeedaa ay kasameeyeen magaalada Xarun lagu barbaariyo waxna lagu baro Agoomaha .

Waxaa sidoo kale hay'adda Save the children iyo dadka Magaaladda oo is kaashanaya sameeyeen Dugsi hoose dhexe iyo Dugsi sare.

Caafimaadka Degmada Dhabbad:-

Magaaladda waxaa kajira goobbbo Caafimaad oo shaqeeya sida Cisbitaalka guud ee Magaaladda iyo MCH loogu tallagalay daryeelka hooyadda iyo dhallaanka.

Ganacsiga Degmada Dhabbad:-

Magaaladda waxaa kajira ganacsiyo yar yar oo kufillan Magaaladda iyo nawaaxigeedda Sidoo kale waxaa Magaaladda kaaga muuqanaya Xarumaha Sharikadaha Hormuud iyo Somtel iyo Xawaaladaha lacagta oo iyagana ay gacanta kuhayaan dad shaqsiyaad ah oo wakiil u ah Sharikaddaha leh mulkiyadda xarumahaas.

Ila Biyaha Degmada Dhabbad:-

Waxay leedahay Magaaladdu labo Ceel biyood labadaba biyahooddu kuma haboona cabidda bi'aadamka waayo mid wuxuu leeyahay biyo adag oo ay kubadan tahay maadada Milixda mid kalana wuxuu leeyahay biyo dhadhankoodu kharaar yahay.

Maxay caan kuyihiin dadka Degmada Dhabbad iyo Soohdinta kuhareeraysan:-

Dadka kunool Degmada Dhabbad iyo hareeraheeda waxay aad ugu caan baxeen Qab wayni, dulmi diid, waxay aad ugu diriraan Sharafka, gobbonimada, waxay kadhiidhiyaan gunnimada, waxay udhintaan dhulkoodda, dhaqan koodda, iyo diintoodda.

Waxay ilaashaddaan midnimaddooda ,waxay isku quuraan maal , Magac iyo manfacba ma ogolaadaan kala sarayn dhexdoodaa, waxay jecel yihiin nabadda, daris wanaagga kudhisan daacadnimo iyo ixtiraam.

Waxaan halkaan kuxusayaa Odhaah uu yidhi mid kamid ahaa odoyaashii waqtiyaddii adkaa ( War ma waxaan yeellaa wax innaga noodaran oo ilmaheena udan ah mise wax inoo dan ah oo ilmaheena u daran!?).

DHAMMAAD.

Xogtaan waxaan qoray.

Dr. Siciid Cali Cigaal Axmed .