User:Hashim Abdikarem/C/Kariin Farax Qaareey (Jiir)

Ka Wikipedia

Alle ayaa mahad leh, Waxa aan idin soo gudbin doonaa buug kooban oo aan ka diyaariyay, suugaanta Cabdikariim Faarax Qaarey oo ku magac dheer(Cabdi kariim Jiir) oo ah mulaxamisitaha sameeyey dhamaan heesaha soomaalida ugu caansan looguna jecel yahay. Ugu horreyn waxa aan si kooban idinku soo gudbin doonaa taariikhda Mulaxamiistaha iyo Heesaha uu laxanka saarey , dabadeed si mug leh ugu hakan doonnaa, qaybaha ay ka kooban tahay fankiisu. Waxa aan sharraxaad idinka siin doonaa taariikhdii fankiisa. Waxa aan haddoonaa heesa walba iyo sida uu laxanka u saarey inta ay ku qaadatay iyo dareenkiisa siduu ahaa markuu u saaraayey laxanka heesta. Inta badan soomaalidu ma taqaan mulaxamiistaha wuxuu yahay laakiinse runtu waxay tahay mulaxamiistu waa ka isku xidha abwaanka iyo heesaaga iyo muusishanka waa ka kaliya ee abwaanka erayada uu sameeyey bulshada dhagahooda ka gada una saara naaxiyad ay jeclaysan karaan umadda oo dhan


Hadaba waxaan mid mid ugu hakan doonaa oo aan dul istaagi doonaa hees walba, una kala horraysiindoona sida ay u kala horreeyeen heesaha , waxa aan idin dhexgalin doonaa hadba heesta mulaxamiistuhu sameeyey sida ay bulshada soomaaliyeed saameeyn ugu lahaatey, Tusaal ahaan hadaan u soo qaadano heesaha uu laxanka u saarey mulaxamiistaha fanaanka weyn Xassan Adan Samatar oo bulshada soomaaliyeed ay aad u jeceshahay sida Beledweyne,Dhoof Caashaq,Ilmo dhowr habeen jiray,Siraad,Ayaamaha,Guuleed iyo Macalinka qaar kale oo badan. Maadaama uu abdikariim jiir uu u wareegay dhinaca laxan sameynta ayuu wuxuu isku dayey in uu cilmi baaris ku sameeyo dhaqanka soomaalida kadib markii uu intaas uu ururiyey ayuu ku biirey si rasmi ah fanka sanadka markuu ahaa 1962 oo uu noqday mid ka shaqeeya radio muqdisho kadib markii uu radio muqdisho ka shaqeeyey muddo dheer ayuu wuxuu u badashay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta qaybta suugaanta halkaas uu muddo ka shaqeynaayey mulaxamiistuhu markii ay ahayd sanadku 1969 kii ayaa mulaxamiistu wuxuu jeclaaday ooradiisa oo waagaas uu isaga hor jeclaaday kadib ayuu isku dayey in uu hees u sameeyo kadib abwaan maxamed cali kaaariye oo ahaa dhakhtar jaceyl u tagay una sheegtay jacelkiisa kadibna abwaanku u sameeyey heesta magaceeda la dhaho sabab kale ha moodin wuxuu isku dayey Mulaxamiiste jiir in uu mulaxamiistayaasha jira u geeyo kadib mashquul badan uu ka dareemay ayuu mulaxamiista jiir inta uu qol isku soo xirey isku dayey in uu laxanka saaro heesta kadib kadib bulshadii soomaaliyeed ayaa aad uga heshay heesta sidaas ayeyna ku gashay heesta heesaha hirgalay heesta oo ahayd