Jump to content

User:Horumar

Ka Wikipedia
  Wax badan ayaa la is weydiiyay  maxaa loo hirgelin waayay in luqada maayga ay rasmi noqoto maadaama qodobka 5-aad ee dastuurka  uu dhigayo?
Qodobka 5aad. Afafka Rasmiga ah

Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga (Maay iyo Maxaa tiri), af Carabigana waa luqadda labaad.

   Sida in idaacada looga hadlo oo barnaamijyo la siiyo half by half maay iyo maxaa tiri, Hadaba aqoonyahano dood cilmiyeed ku qabtay magaaladda kampala ee dalka uganda oo looga hadlay maxaa afka maayga ah dowladda soomaaliya ay rasmi uga dhigi weysay maadaama dastuurka soomaliya ay ku qoran tahay maay iyo maxaa tiri inuu u qeybsamo soomaaliga walina an la fulin oo looga fadhiyo dowladda somaliya in ay meel mariso walina aysan waxba ka qabsoomin.
     Qadiyadan oo aqoonyahanadaasi ay isla gorfeeyeen ayey ku tilmaameen in dowladda soomaliya ay bilihii mars 2013 maalmo dhowr ah SNTV laga jeediyay warar ku baxayey afka maayga oo aad loo soo dhoweeyay  wallow uu ahaa mid kooban , balse isla bishaasi gudaheeda la joojiyay mars 2013, taas oo jahwareer badan ku dhalisay shacabweynaha ku hadla afka soomaaaliga ee may-ga . 
   Dood cilmiyeedkan oo lagu xusay in luqadda maayga aysan aheyn luqad u gaar ah beelo soomaaliyeed oo gaar ah balse ay tahay luqad ay ku hadlaan shacabweynaha sideed gobol oo soomaaliyeed  taas oo macnahedu yahay 40% soomaalida ay ku hadlaan afka soomaliga ee may-ga ,sidaa darteed shacabka gobolladaas in aysan wax tixgelin ah siinin dowladda soomaaliya.
   Waxaa xusid mudan in Shacabkaan oo ah shacab waligiis u taagnaa midnimadda soomaaliya inay muqadas tahay ,iyagoo ka qeyb qaatay dagaaladdii gumeysiga talyaaniga lagula jiray ee hanashada xoriyadda soomaaliya; sida Shan ka mid ah xubnihii  kow iyo tobanka ee SYL in ay ahaayeen Rag ka soo jeeda beelaha ku hadla afka maayga  iyo ka xoreyntii itoobiya safka hore ka soo ahaa waligood .
  Halka Dadyow kale oo soomaaliyeed ay soo hogaamiyaan shisheeye iyo cadow marwalba , isla markaasna ay ku dhawaaqaan in ay ka go,i doonaan soomaaliya , ama ay ka fiirsan doonaan wada shaqeynta kala dhexeysa dowladda federalka ee soomaaliya  ay helaan tixgelin dheeri ah taas oo macneheedu aan fahmi weynay.
   Waxaa wax laga xumaado ah in Dowladda soomaaliya ay fulin weysay xaqqii dastuurka soomaaliyeed uu u ogolaaday afka soomaaliga ee maayga ,isagoo masuulka ugu sareeya dowladda soomaliya madaxweyne xasan sheikh maxamuud uu ka qeyb galay shirkii horaantii sanadkan lagu qabtay magaaladda jabuuti 2013 ee looga hadlayay horumarinta afka maxaa tiri ee soomaliyeeed , sidaasina ay noqotay cadaalladdii uu ku dhaartay madaxweynaha in uu shacabkiisa soomaliyeed ay u siman yihiin , ayaa aqoonyahanadani si gaar ah u tilmaameen in aysan  ku xadgudbeynin madaxweynaha haddana aan xusuusineyno in arinkaasi uu wali qabyo yahay in afka soomaaliga ee maayga uu helo cadaaladda.

Taas oo ah in sinaan iyo cadaalad loo hirgeliyo dastuurka sida uu dhigayo qodobkan Qodobka 11aad. Sinnaanta (1) Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafannimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa. (2) Waa fal takoorid ah haddiinatiijadiisu noqoto is-hortaag ama ciriiriggelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ulakac ah aan loo samayn. (3) Dawladdu ma takoori karto Qofnaba iyadoo sababeysaneysa da’da, sinjiga,midabka, qabiil, isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dhalasho, Curyaannimo, diin, siyaasad ama fikir, xirfad, mulkiyad

  Haddaba haddii aan taariikh ahaan dib u yar jaleecno in xilligii gumeystihii talyaaniga idaacadda radio muqdisho barnaamij afka maayga ku boxo uu ka soo jeedin jiray allaha u naxariistee mohamuud mohamed aden ( ninkani wuxuu la dhashay cabdiqaadir ZOOBE ) oo ka mid ahaa dhalanyaraddii SYL ee xoriyadda soomaliya u soo halgamay barnaamijkaas oo socday muddo aadna caan ugu ahaa ( barnaamijka may-ga)  oo ugu dambeyntii la joojiyay markii xuriyadda la qaatay 1960 gebi ahaan sida uu ku waramay hogaamiyihii SYL cabdiqadir boolaay oo ay isku waqti ahaayeen marxuum maxamuud , boolaayna markii dambe uu ahaa wariye taratirihii wargeys-ka XIDIGTA OCTOBER ,lana shaqeyn jiray jornal ka soo baxa dalka talyaaniga. 
    Farriin Addag 
   waxaan u direynaa dhamaan hay,adaha ugu sareeyo soomaaliya madaxweynaha, baarlamaanka , iyo ra,iisul wasaaraha in ay dhamaatay xilligii la is doodsiin jiray xuquuqda ,  xaqqeena aan ku laheyn idaacada jamhuuriyadda soomaliya iyo SNT ,wa in aan dib u helnaa si DEG DEG AH.
     Taas oo looga fadhiyo dowladda in ay xuquuqdaas ka maqan soomaalida ku hadsha afka may-ga dib loo hirgeliyo sida uu dhigayo qodobkan Dastuuriga ah:

Qodobka 12aad. Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga Ah (1) Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda lagu aqoonsaday qaybtan waa in la dhowraa marka kasta oo sharci la dejinayo lana fulinayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha Dawladdu marka ay gudanayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah.

Qodobak 31aad. Dhaqanka iyo Afka

(1) Dawladdu waa in ay horumarisaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ku dedaaleysa in ay bulshada ka suuliso caadooyinka haraaga ah iyo kuwa dhowaan-soo-baxa ah ee wax u dhimaya midnimada, ilbaxnimada iyo caafimaadka bulshada. (2) Dawladdu waa in ay ururisaa, ilaalisaa, kaydisaa waxyaabaha iyo xarumaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo. (3) Dawladdu waa in ay horumarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay. (4) Xuquuqda qodobkan ku xusan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuqda asaasiga ah ee Dastuurkan lagu aqoonsaday.

WAXAAN SOO JEDINEYNAA IN:

1- IN STUDIO GAAR AH LA SIIYO AFKA MAAYGA EE SOOMAALIYEED OO SHAQEEYNAAYO INTA UU SHAQEEYO STUDIYAHA IDAACADA QEYBTA AFKA MAXAA TIRI EE SOOMALIGA AH , MAADAAMA AY TAHAY XAQ DASTUURI AH. 2- IN LOO ADEEGSADO QORAALLADA RASMIGA AH EE DOWLADDA KA SOO BOXO 3- IN WEBSITE-GAAR AH OO RASMI AH OO DOWLADDA MAGACEEDA KU HADLO OO AFKA MAAYGA AH LA SAMEEYO. 4-IN LOO SAMEEYO GUDDI GAAR AH OO KA QEYB GALA SHIRARKA HORUMARINTA AFKA SOOMAALIGA QEYBTA MAAYGA 5- IN LA QORO SUUGAANTA IYO MAAHMAAHYADA AFKA MAAYGA AH ABAAL MARINNO LAGU BIXIYO 6-IN MANHAJKA SCHOOL-LLADA LAGU DARO QEYBTA SUUGAANTA SOOMAALIGA LAGU BARANAAYO SIDA GABAYYADDA, HALXIRALAYASHA ,HEESAHA , QISOOYINKA, IYO CIYAARAHA HIDAHA IYO DHAQANKA AH ,IYO DHAMAAN MURTIDA UU XAMBAARSAN YAHAY AFKA SOOMAALIGA EE MAAYGA AH. 7-WAXAAN TAAGEERSANAHAY MIDNIMADDA UMADDA SOOMAALIYEED , WAXAANA KU ADKEYSANEYNAA HORUMARINTA LUQADDA SOOMALIGA EE MAAYGA 8- IN DIB DAMBE AYSAN U DHICIN IN AFKA MAAYGA AH LA DULMIYO OO AAN BUUGAAGTA CIYAALKEENA SCHOOLLADA LOOGU DHIGAAYO LAGU QORIN OO KALIYA SUGAAN BEELEEDYO GAAR AH SIDII AY SAMEYSAY DOWLADDII KALIGII TALIYIHII SIYAAD EE KU DHAQAN TAY SIYAASADDA (KUFSIGA SUUGAANTA SOOMAALIYEED) ISAGOO U MAGACAABAY INA ADEERKIIS HOGAANKA FANKA IYO SUUGAANTA EE SOOMALIYA IYO AGAASIMAHA WARFAAFINTA 9- WAXAAN TAAGEEREYNAA DADAAL WALBA OO LAGU HORMARINAYO AFKA SOOMAALIGA EE MAAY-GA IYO MAXAA TIRI SI WADA JIR AH AHMED MOHAMED SHIINO Email: horumar@hotmail.co.uk